War Deg deg: Xaalada Laascaanood oo Kacsan iyo Ciidanka Somaliland oo Dad Shacab ah ku dhaawacay (Warbixin)

Laascaanod ( Kalshaale ) Laba dumar oo lagu kala magacaabo  Sacdiya Xirsi Cunaaye iyo Shugri Cabdilaahi Ducaale  ayaa dhaawac soo gaadhay kadib markii qaar kamid ah ciidamada milatariga somaliland ay rasaas ku fureen shacab ku ganacsanayay badhtamaha magaalada laascaanood.

Goob-joogayaal ayaa ii sheegay in rabshadu bilaabatay kadib markii ay is af dhaafeen askar Somaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah.

“Laba baabuur ayaa suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen ciidamada Somaliland kadib wiil baabuur wata ayaa soo ag istaagey naga dhaqaaq ayay dhaheen wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen shacabkii suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, ayuu yiri goob-jooge  Warbaahinta la hadlay.

Shacabka ayaa markii danbe qaarkood lasoo baxeen qoryo kuwaasoo rasaas ridey iyaguna waana ta sababtay in ciidamadii Somaliland yaacan iyagoo ka cararay hal qori oo nooca AK47 ah iyo agab kale oo ay kamid yihiin kabo kuwa askarta ah oo qaar kamid ah askartu haleeli waayeen inay qaataan.

Goobaha caafimaadka waxaa la geeyey sadex dumar ah oo dhaawacoodu daran yahay welise lala tacaalayo, waxaase dhici karta in khasaaruhu intaas ka badnaado, waayo weli ma jirto cid awood u helaysa inay suuqyada soo wada marto in xogta laga raadiyo isbitaalada maahaane.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo  Xiisado Colaadeed ay ka taagan yihiin Gobolka Sool,  Taasi oo ka dhaxaysa  Ciidamada Puntland iyo Somaliland, iyadoona Magaaladu haatan tahay Bandow aan cidi ku soo rogin, iyadoo lagu jiro maalintii u danbeysey u diyaargarowga maalinta ciidul Fidriga.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Ahmed Najaad says:

    Kkkkkk
    Ma naago iyo ciyaal baa qoryihii ka daadsaday!!!!

  2. sOmalilander says:

    Hello Xaarmaajo Hello Gaas Ciidkii aad ku tukaynayseen laascaanod waa caawaaa ..shacabkii wuu idin sugayaayee soo gaadhaa tolaayeey waataas shacabkii xabad nool nool lala dhacaayo…tolaayeey yaa daaroodaay, waar nagasoo gaadhaay IDOORKA.

    ALA MAXAA RAG BADAN KALSHAALE.COM dhuumasho kusoo gali doonaa iyo magac bedelasho.

    Guul Somaliland.💪🏿💪🏿💪🏿

  3. Garqaad says:

    Shacabka halla dhowro.

  4. Mr BaHaL says:

    Daaroodku kuwii ka yaacay dhawlad dhan oo ay maamulaan saw maaha?
    Diyaaradihii ayay ka yaaceen,noloshii dawlad nidama ayay qaxooti ka doorteen.

    Hello flight 13.

    Waxay rabaan inay mar kale qaxaan oo maraykan loo qaado.

    Flight 14 ayay rabaan

    Dalmida

  5. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Mr Baha
    Laaska waa laxorayn goray noqogto
    Adigu gormaad borama kadulqaadi
    Jabhada xooga ku haysata kahadal
    Gudabiirsay iyo gumaysigay ku jiraan
    Laascaanood waxay ku taagan tahay dhabaday
    Horgale dayuus isaga xorayn lahayd
    Boorama cidna uma maqna ceelna umaqodna
    Masaakiin itaanad cid kale kahadal ta shacabkaga
    Haysata kahadal Rabadaan Kariim

  6. sara says:

    iidoor idinkaa xashin iyo dulcad laydin geynayaa




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...