MUUQAAL: Nin Soomaali ah oo weerar Ku qaaday Masaajid oo Lagu Toogtay Cape Town – Koonfur Afrika (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa nin Soomali ah oo weerar loo adeegsaday Mindi ku qaaday Maasjid ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayay Boolisku ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex ruux oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Cape Town.

Saraakiisha Booliska oo arrintan baaritaano ku haya ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu dhacay waxyar kadib Salaada Tahjudka, waxay kaloo Boolisku tilmaameen ninka weerarka geystay in madaxa looga jiray ama uu qabay xanuunka dhimirka.

Ninka Somaliga ayaa la sheegay in uu muddo ku noolaa dalkaasi, islamarkaana mar uu ka mid ahaan jiray Ganacsatadda Soomaliyed ee halkaasi ku nool.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro.

Dhacdadan ayaa waxaa aad u hadal haya jaaliyadda Soomaliyed ee ku nool dalkaasi, waxayna tilmaameen in arrintan ay ku noqotay layaab.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: Amiin Caamir oo sawir la yaab Leh ka sameeyay Madaxda maamulada Dalka ee Garoowe Shirku uga Socdo
- Oct 21, 2018
Laascaanod  ( Kalshaale ) Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Cajiib ah wuxuu ...
DAAWO: Riwaayadda Qiyaano Qoys oo ay ka Qayb galeen Dalmar yare, Farxiya Kabayare iyo Jilayaal Caan ah (Video)
- Oct 21, 2018
Minneapolis  ( Kalshaale ) Riwaayadda Qiyaano Qoys oo ay ka Qayb galeen Dalmar yare, Farxiya ...
Daawo Muuqaal: Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda oo Xiiso badan, Arin Qosol badan, DF Somalia, Puntland iyo S.land
- Oct 21, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ee Wariye ...
Daawo: Xasuusta dawladii Kacaanka ee 21-ka Oktoobar iyo Wixii ka dambeeyay
- Oct 21, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) 21 Oktober 1969 waxaa Soomaaliya Xukunkeeda la wareegay Dawladdii Milatariga ...
Minnesota : Gabadh Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Arin Farxad gelisay Dumarka iyo Waraysi ay bixisay (Video)
- Oct 21, 2018
Minneapolis ( Kalshaale) Gabadh Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Arin Farxad gelisay Dumarka iyo ...