Askar u dhalatay dalka Imaaraadka oo lagu diley dalka Yemen & Waxa dhacay

Muqdisho (Kalshaale) Afar askari oo ka mid ah ciidamada Imaaraadka ee ka dagaalamaya dalka Yemen ayaa lagu diley dagaal ka dhacay magaalada dekeda ee Xudeyda.

Taliyaha guud ee ciidamada Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in askartan la diley xilli ay ka dhinac dagaalamayeen ciidamada huwanta ee taageerta dowlada wadanka Yemen.

Ciidamada huwanta ayaa weerar isugu jira duqeyn xagga cirka ah iyo weerar dhulka ah ku qaaday magaalaa saddexaad ee ugu weyn dalka Yemen ee Xudeyda taasoo ay ku taal deked muhiim u ahayd kooxda Xuutiyiinta ee ay dowlada Iran taageerto.

Bishii September 2015 ayaa waxaa lagu diley 45 askari oo u dhashay dalka Imaaraadka wadanka yemen kadib markii uu gantaal ku dhacay baqaar ay ku xareysnaayeen rasaas iyo waxyaalaha qarxa.

Dekeda Xudeyda ee ku taal badda cas ayaa ah dekeda kaliya ee ay kooxda Xuutiyiintu maamulaan waxana ay dhinaca KoofurGalbeed kaga beegan tahay 150km caasimada Yemen ee Sanca.

Sida uu baahiya taleefishinka Al Arabiya ee xaruntiisu tahay wadanka Imaaraadka ciidamada Yemen ayaa qabsaday degmada dhinaca koonfur ku taal ee Nekheila.

Dekeda Xudeyda ayaa ah marin muhiim ah oo cuntada looga soo dejiyo dalka Yemen iyadoo malaayiin ruuxna ay qarka u saaran yihiin macluul, sidoo kale kooxda Xuutiyinta oo taageeo ka hesha dalka Iran ayaa waxaa ugaga soo dega dekadaas hubka noocyadiisa kala duwan haddii ay ka baxdo gacanta Xuutiyiintana waxaa ay wax ka bedeli kartaa awooda dalka Yemen ee kooxaha ku dagaalamaya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo Dr. Cali Ciise Cabdi oo sharaxay Kulankii dhexmaray MD. Farmaajo iyo Gudiga Dhaqaalaha Qaranka (Video)
- Aug 15, 2018
Muqdisho ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan ...
WARAYSI: Siyaasi Puntland oo Jawaab Kulul siiyey Faysal C. Waraabe oo yidhi Garoowe ayaan Qabsan doonaa (Video)
- Aug 15, 2018
Garoowe ( Kalshaale ) Siyaasi Daahir Ciirro oo horay u soo noqday xildhibaan baarlamaankii KMG ...
Muuqaal: Sh. Aadan Sunne oo Xabsiga Hargeysa Fariin uga soo Dhex diray Muuse Biixi iyo Wuxuu ku yidhi (Video)
- Aug 15, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Sheekh aadan Sunne oo kamid ah Culimada ugu Caansan magaalada ...
MUUQAAL: Fannaanka ku Caan baxay Shirkibka ee Nuuriyo oo 20-sano kadib Muqdisho kasoo degay , Muxuu Arkay ?
- Aug 15, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya inkastoo ay Jiraan Dhibaatooyin kala ...
DHEGAYSO: Ururka Gol-Khaatumo oo eedayn dusha uga tuuray Puntland iyo Somaliland iyo Taageerada Dr. Galaydh
- Aug 15, 2018
Laascaanood ( kalshaale ) Ururka Gol-khaatumo oo eedayn dusha uga tuuray, Puntland iyo Somaliland, ...