Taliyaha ciidamada Xooga Soomaliya General Gorod oo gaadhay Kismaayo

Muqdisho (Kalshaale) Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Genaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah AL-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan qarax ismiidaamin ah lagu weeraray wallow laamaha ammaanka ay sheegeen in ay fashiliyeen.

Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tababaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo Waraysi Dhexmaray C.raxmaan Cabdi shakuur iyo Wariye Cali Xaraare
- Aug 16, 2018
Minneapolis ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya Wuxuu la ...
Daawo Qosolka: Reer Laascaanood iyo Reer Buuhoodle oo Dalxiis isku Arkay, dalka Malaysia Biyihii Badda yaa Cabay
- Aug 16, 2018
Nairobi ( Kalshaale ) Dalxiiskii Jasiirada Langkawi ee Malaysia Iyo Muqaalo Cajiib ah
War deg dega: Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ku sameeyay Hay’ada Nabad sugida iyo Milatariga Iyo Fahad Yaasiin oo Madaxtooyada laga bedelay
- Aug 16, 2018
Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ...
Muuqaal: Amiirka Qatar oo $15-Bilyan ugu deeqay Turkiga oo dagaal dhaqaale Wajahday iyo Siduu u garab istaagay
- Aug 16, 2018
Istanbul ( Kalshaale) Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ...
Afartan iyo siddeed ruux oo lagu dilay Xarun waxbarasho iyo waxa dhacay
- Aug 16, 2018
Muqdisho ( Kalshaale) Afartan iyo sideed ruux ayaa lagu dilay 67 kalana dhaawac ayaa ...