Daawo Puntland ”Hasha geela cunta ee Cabaadda weeye Soomaliland” (Video)

Garoowe ( Kalshaale ) Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntand Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir-jaraaid ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq, Afduubka dad shacab ah loogu gaystay degaanka Caynaba Iyo hadalkii Sacad Cali Shire.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirku waxaa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo Puntland kala galayso Somaliland ee ku adan arrimaha Gobolka Sool, mar la weydiiyey in ay jiraan dadaalo beesha calamku ay wado oo la xiriira dhexdhaxadin labada Maamul ayuu yiri ”JEEGAAANTU ( Somaliland ) waa Hasha Geela Cunta oo hadana cabaada, Arrinta beesha calamkana ma jiraan cid aan Wadankayaga wada hadal kala galayno, cidii hadal rabtaa waa inay ciideedii tagtaa oo ka baxaan dhulka aanay lahayn” Wasiir Qarjab.

Wasiir Qarjab waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed Gobol kasta haka yimadeene aan laga lahayn oo ay joogi karaan,imaan karaan, waxkabaran karaan, ka ganacsan karaan aysana jirin cid waxyeelaynaysa ,waxana aaminsanahay in aan dhulka laga lahayn isu socodka bulshada aan cidna xanibaad u gaysan Karin.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (20)

  1. Abwaan deeq says:

    @walahi Waa layska celinayaa @Maamulka jeegaanta @wey Ku banaan yihiin maahmaahdan @hasha geela cuntee cabaada.wbt

  2. sOmalilander says:

    War ilayn tanoo kale, waar yaa dumar la dagaalami jiray?! Waar hanjabaad baabaa naftii naga gooysaye bal talo nagasiiyaa ragii haweenka dhirbaaxi jiray ma tanoo kalaa haysatay?!

    Waligay iyo alahay HAWEEN ma dhirbaaxin walee.

    K
    Kk
    KKK
    Kkkk
    Kkkkk
    Kkkkkk

  3. BARAWANI KING says:

    SOOMAALILANDER

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    War heedhee, dee isma maqashaan. War wasiirkaan QARJAB wuxuu u jawaabayaa DR. SACAD CALI SHIRE.

    Ma jawaabta baa ku dhibtay. Hadii eeydaan jawaab rabbin, dee iska aamusa.

    DR SACAD CLAI SHIRE wuxuu yidhi; SOOMALILAND IYO PUNTLAND wada hadal baa u socodaa.

    MR. QARJAB wuu u jawaabay oo yidhi, DR SACAD waxa uu ku hadlay waa beentiis. Wax wadal hadal oo naga dhaxeeya ma jiraan.

    MR QARJAB, hadalkiisa waa see watay; SOOMALILAND nabad hadii ay rabto ha ka baxdo dhulka HARTI DAAROOD, ama xabbad ha wajahdo. Wixii khaaarana yimaada waxaa dusha u ridanaaya reer SOOMALILAND – JEEGAAN.

    Marka, maxaad PUNTLAND ku haaysataa. la hadal odayaasha oo waliba sida PHD Degree oo beenta sheegayaa.

    JECLIYAA OOHINTA JEEGAAAN LAND

    lkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. BARAWANI KING says:

    SOOMAALILANDER

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    War heedhee, dee isma maqashaan. War wasiirkaan QARJAB wuxuu u jawaabayaa DR. SACAD CALI SHIRE.

    Ma jawaabta baa ku dhibtay. Hadii eeydaan jawaab rabbin, dee iska aamusa.

    DR SACAD CLAI SHIRE wuxuu yidhi; SOOMALILAND IYO PUNTLAND wada hadal baa u socodaa.

    MR. QARJAB wuu u jawaabay oo yidhi, DR SACAD waxa uu ku hadlay waa beentiis. Wax wadal hadal oo naga dhaxeeya ma jiraan.

    MR QARJAB, hadalkiisa waa see watay; SOOMALILAND nabad hadii ay rabto ha ka baxdo dhulka HARTI DAAROOD, ama xabbad ha wajahdo. Wixii khaaarana yimaada waxaa dusha u ridanaaya reer SOOMALILAND – JEEGAAN.

    Marka, maxaad PUNTLAND ku haaysataa. la hadal odayaasha oo waliba sida PHD Degree oo beenta sheegayaa.

    JECLIYAA OOHINTA JEEGAAAN LAND

    lkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Xaange says:

    Siilander
    Dumar cay maaha waa qof bini aadmi ah oo alle abuuray waxaana laga yaabaa kuwa badan oo qoora ka laalaadaan ood adigu ka mid tahay inay ka karti badan yihiin.
    Shalay waxaan arkayey kay yiraahdaan sacad cali shire oo leh sidaa maanu moodeyn dagaalka oo talow ma wuxuu moodey meesha in inta la uunsado qaad laga dhergo qaacigii Sahra Axmed in la dhagaysanayo baan is iri.
    Botoriskii iyo boola xooftayntii way dhamaatay birtaa la iska aslayaaye bal kaalay bilan ilkacaseey kkkkkkkkkkkkkkk

  6. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    ABTI, ZAHRA AXMED ka reeb. weey ina ka hooseesaa.

    ILAAHEEY ha u soo caqli celiyo walaalaheena JEEGAANTA, oo dhulkooda ha ku noqdeen.

    Sidaas baa lagu kala bad-baadi karaa.

    WA BILAAHI TAWFII1Q

  7. Garqaad says:

    Hadalkaan waxaa xaq u lahaa nin isagu haysto meel uusan lahayn.

    Laakiin ninkii la haystay waa siduu aaminsan yahaye haduu isagu u hadlo nin wax haysto oo kale sidee loo qiimeynayaa hadalkiisa.

    Hadalka digashada ah ee Somaliland. ee ah nabadbaan dayiir la nahay mecnaha ku jiro Reer pudland meysan fahmin.

    Muuse biixi waa xariif weyn oo yaqaano xeeleysiga dagaalka.

    Isaga dani uguma jirto in uu sii socdo dagaal isir wacasho ah.

    Muuse biixi wuxuu ku heesayaa.

    Hadaad is waashana ka xoog badni huwan darood × villa xamar. Hadii la heeshiyana waan joogaa meesheeydii.

    Huwan darood raali ahaada ceebtaas waan wada qabnaa oo kaligiin maaha marba Hadii federaalkii dagaalka ku biiray.

    Annaga waxaa noo balan ah hadeey yoocada soo dhafaan. Waa balan in aynaan gacanta ka laaban.

  8. Ahmed Najaad says:

    Somalilander
    Meesha ma hanjabaad baa ku jirta si fiican u dhagayso.
    Wasiir wuxuu beenshay war aad sheegteen oo ah puntland baan wada hadal kula jirnaa.
    Wuxuu kaloo sheegay inaad dad shacab ah afduubateen. Ma waxaad leedahay maxaa loo sheegayaaa waxaas oo dhan?

  9. Ahmed Najaad says:

    Garqaad
    Saad adigu ma aaminsan tahay inuu cid muusee biixi ka xoog badan yahay?
    Mase aaminsan tahay in federal puntland ka taageero dagaalka?
    Waxa ay sool ku joogaan waa inta wali dad harti oo ay been u sheegeen ay wataan. Puntland ma degdegayso ilaa qof harti laga dhameeyo inuu somaliland taageero sababtoo ah anaga in la isku jabiyo waa in laga taxa daraa. Dagaalka iyo siyaasaddu waa wada socdaan.

  10. Mustafe Daacad says:

    Garqaad
    Idoorka adigaba kawerwer badsn sida qoraalkaga kamuuqata maalin fhaweydna waxad laheyd in waqooyi iyo koofur lowada hadlo ayaan rabaa wadahalkas cida wax laga weydinaya adiga maha waa aniga waayo labada dhanba aniga leh no adiga kkkkkkkkkkkknnnnkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Cidbaa xoog bada caydiid kaga quuso o muuse kana awood iyo hub badanaa iyo ciidan 0 akhirkina guuldaro walba isgeyku danbeysay sow adigii lahaa wanso dagalami jiray o dagaal ayaan waxka aqna caku rer csmsr iyo faaaan muse manta aniguu jilbaha iheysta baryo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkklkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Aarka hargaysa says:

    Sacad cali Shire madhihin puntland ayaa wadahadal no socdaan ee dolda farmaajo ayuu lawadaa horena mujaahid muse ayaa sheegay faysal Cali waraabe na waakii lahaa meesha islamihii jaadka iibinayay ay kaarayaal wataan yaa lalahadlaa mesgiiba maleshiyo beeleed ayaa yaacayee

  12. Jabhad says:

    Hasha geela cunta hadana cabaada

    Muuse biixi somalididka wayn waa yaban yahay

    Godkiisa biyo ugu galeen waxaa ku dhacday ragoow

    Kibirka waa lagu kufaa taa hala ogaado wuxuu

    Meesha la yimi siyaasadii 1970 ee ahayd adoo

    Doobinaya ciidan hogaami isagoo islaha inta calank

    Soomaaliyeed aminsan caburi oo calal reered qorta

    Ugu xir hatan muuse somalidiid wuxuu xaqiiqsaday

    Runta iyo inay joogan wiilal u dhimanaya midnimo

    Soomaaliyeed oo aaminsan somali mida oo laga

    Xukumo villa soomaaliya

    Intaa markey dhacday muuse somalidid wuxuu toos

    U wacay madaxwaynaha qaranka soomaaliyeed

    Farmaajo hatan maalintii sadex jeer ayuu villada

    Wacaa farmaajo oo fahmay muuse somalidid wuu la

    Hadlaa wararkii ugu danbeeyey waxay shegayan

    Madaxwayne farmaajo inuu muuse somalidiid ku

    Yiri musow wac oo la xiriir raisalwasaare khayre si

    Loo guda galo xiriirka adiga iyo dowlada dhexe

    Muuse somalidiid codsigii madaxwaynaha wa qatay

    Wuxuuna toos ula hadlay raisalwasaare khayre

    Arinta haday saas ku sii socoto muuse somalidiid

    Wuxuu qadanayaa magaca muuse somaliwayn

    Wuxuna baranaya sida loo marsado bunka laga

    Dubo villa somalia insha allah guul waxaan ilaah ka

    Baryeynaa soomaali oo mid ah calankii cirka u ekaa

    Gees walbaba laga taagay

  13. Mustafe Daacad says:

    Puntland dhan wslba weyku adkatay sida muuqata wana guul usoo hoyatay shacabka rer o dhan.
    Dagaaladi dhacey 2 jeer
    Siyaasadii gudo iyo dibadba
    Tageeradii shacabka Ssc o dhan ilaa dhaqankii.
    Qeybtik saxafa ama mediahana ilaa hada anagaku leh .
    Idoor besha calamku waxey weydisay bal xuuduka iska dhaafe shacabkan idin nacey waxka dhaha afkiba juuqda gabay dhulna waxa lagu jooga waa shacab viva puntland kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. Garqaad says:

    Axmed najaad salaan sare mudane. Ciid

    Marka aan kaftanka meel iska dhigno.

    Muuse biixi oo wato isaaq kaliya kama adkaan karo harti. Ama xitaa qabiil kale. Laakiin markuu Reer woqooyi wato xitaa wuxuu iska dhici karaa koofur.

    Muuse wuxuu wataa dhulbahaantii wax garadka ahaa. Hormuudka ahaa. Sidaan filaayo.

    Haa federaalku pudland waa uu caawiyay haduu u ogaaladay in laga tageero dhinaca dhinaca qalabeynta ciidanka. Iyadoo pudland iyo Somaliland dagaal ka dhexeeyo.

    Been kuuma shegaayo dowladda dhexe waxaa tariikhda u gashay in ay u kala hiiliyeen 2 maamul oo ay sheegtaan in ay iyagu masuul ka yihiin.

    Laakiin waxaa ceeb noogu filan hadaan ciida laascanood ku dukan weyno.

    Dooda kalshaale waa in aan xirnaa.

  15. Dabshid says:

    Horaa loo sheegay inuu Gurbaanku yahey -Difaaca Garowe iyo ololaha Doorashada Mr Gaas iyo Mr Camey.

    Anigu waxaan ku talinlahaa in Reer Waqooyi wada hadlaan oo danahooda ka wada tashadaan.

  16. Ahmed Najaad says:

    Garqaad
    Saad sheegtay waad ku saxan tahay waxaa kaffaddu u liici doonaa dhinaca dhulbahante maro. Puntland midda ay ku dadaalaysaa waa taas. Waa sababta dagaalku u daahay una daahi doono haddaysan durba dhan u dhicin.

    Tan laascaanood ceeb uma arko haddaan ciidda lagu tukan waayo laascaanood shala lama qabsan ee 10 sano ka badan bay maqan tahay. In la qabsadana hawl siyaasadeed iyo dagaal labadaba waa u baahan tahay. Marke aniga ma qaba nin 10 sano haystay laaska dad badan oo laaska ahna haysta in si fudud durba looga dirayo. Laakiin waxaan idiin hubaa in isaaq ay ka huleeli doonaan laaska ama hakuu dhawaato ama hakuu fokaato.

  17. Ahmed Najaad says:

    Dabshir
    reer waqooyi maxaa la dhahaa?
    Saw ma ogid in xitaa puntland reer waqooyi tahay oo la dhaho waqooyi bari.
    Haddaad reer waqooyi ka wado dhulkii

  18. Ahmed Najaad says:

    Dabshid reer waqooyi maxaa la dhahaa?
    Saw ma ogid i xitaa puntland waqooyi tahay oo la dhaho waqooyi bari.

    Haddaad reer waqooyi ka waddo dadkii biritishku gumaystay waa daalaysaa sababtoo ah dhulbahante biritish oo gumaysta ah bay diideen iney dhulkaan kala hadlaan oo ku dileen koofi iyo raggii u sarreeyey adna waxaad ka hadlaysaa isaaq oo waagii hore dhulbahante ka qaadi jireen saqaaro bakhtiday magteed.

  19. Dabshid says:

    Ahmed Najaad

    Waxaan ku moodi jirey nin ardeydii hore ah, Soomaalida Xortaa waa Koofur iyo Waqooyi, hadana markii laga hadlaayo Koofur dhexdeeda ayaa la dhahaa – Koofur oo ah dhulka Dowladdihii, Jabhadihii iyo ururo Diimeedkii dalka Soomarey maamulaan ( ama dhulka webiyada) iyo Gobolada dhexe oo ah Galgaduud ilaa gobolka BARI.

    Waqooyi waxaa la dhahaa Goboladdii uu gumeystey English.

    Galbeed waxaa la dhahaa Somaligalbeed oo aan wali la xoreyn,

  20. Jabhad says:

    Dabshid

    Hadee sxb maanta waxaad gadaysaa siyasadii

    Somali diidka war miyadan arkin axmed i samatar

    Meshu uga haray doodii ahayd kala Goynta dhulka

    Soomaaliyeed waqooyi bari iyo waqooyi galbeed

    miyadan dhegaysan markey cayaraha gobolada

    Socdeen sxb saancadalihiii siduu u baxay soomaali

    Waa mid SAN ku neefle iga sarayn kara ma jiroo

    Soomaali baan ahay soomaaliyana somali baa leh




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...