War deg deg ah: Dagaal culus oo ka socdo madaxtooyada Cadaado

Cadaado  ( Kalshaale ) Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inuu dagaal culus ka socdo madaxtooyada Galmudug, Kadib markii Ciidamo ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka Galmudg iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa weeraray madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan wasiiro iyo xildhibaano taageersan Madaxweyne Xaaf.

Sida wararka sheegayaan ciidamadii soo weeraray madaxtooyada ayaa dib loo celiyey markii uu qarxay dagaal culus.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka darandooriga u dhaco ayaa qalqal ku keenay Magaalada Cadaado, iyadoo Dagaalka uu hadda dib uga durkay madaxtooyada waxaana muuqato in laga guuleystay Ciidamadii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciod Siyaad ayaa lasoo sheegayaa inuu ku jiro madaxtooyada dhexdeeda, mar aan la xiriirnayna wuxuu sheegay inay ciidamada madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay weerarka soo qaadeen.

Dagaalka ayaa weli socdo mana istaagin waxaana ciidamadii weerarka soo qaaday loo diiday inay galaan madaxtooyada.

Khilaafka madaxda Galmudug ayaa gaaray meesha ugu sareyso, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka soo xoogeysto maadaama ay jiraan gurmad labada dhinac soo gaarayo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawr asbuuc loo diidanaa inay ku shaqeeyan madaxtooyada iyagoo saldhig ka dhigtay guriga ku yaalo Cadaado.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Laalays says:

    Armaajo lee fidnadaa ka danbeeya😡👎🏿

  2. Maxamud says:

    Saan waa mxy




Daawo Waraysi Dhexmaray C.raxmaan Cabdi shakuur iyo Wariye Cali Xaraare
- Aug 16, 2018
Minneapolis ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya Wuxuu la ...
Daawo Qosolka: Reer Laascaanood iyo Reer Buuhoodle oo Dalxiis isku Arkay, dalka Malaysia Biyihii Badda yaa Cabay
- Aug 16, 2018
Nairobi ( Kalshaale ) Dalxiiskii Jasiirada Langkawi ee Malaysia Iyo Muqaalo Cajiib ah
War deg dega: Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ku sameeyay Hay’ada Nabad sugida iyo Milatariga Iyo Fahad Yaasiin oo Madaxtooyada laga bedelay
- Aug 16, 2018
Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ...
Muuqaal: Amiirka Qatar oo $15-Bilyan ugu deeqay Turkiga oo dagaal dhaqaale Wajahday iyo Siduu u garab istaagay
- Aug 16, 2018
Istanbul ( Kalshaale) Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ...
Afartan iyo siddeed ruux oo lagu dilay Xarun waxbarasho iyo waxa dhacay
- Aug 16, 2018
Muqdisho ( Kalshaale) Afartan iyo sideed ruux ayaa lagu dilay 67 kalana dhaawac ayaa ...