Sucuudiga oo ku faanay inuu dowladda iiran Cashar ugu dhigay Qaarada Afrika

Nairobi ( Kalshaale ) Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa mar kale sheegay in dowlada Iran ay uga dhamaatay ku dhex milmida dowladaha qaarada madow ee Africa.

Maxamed Bin Salmaan, waxa uu sheegay in Iran ay caqabad ku tahay dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo midka Siyaasadeed ee uu Sacuudiga kawado Africa.

Maxamed Bin Salmaan, waxa uu tilmaamay in iminka ay ka takhlusiyeen awoodihii ugu badnaa ee Iran ay ku laheyd Africa sida saameynta Siyaasadeed iyo mida dhaqaale.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa tilmaamay inay hoos u dhigeen saameyntii Iran ay ku laheyd dalalka Qaaradda Africa.

Dagaalka ay la galeen Iran ayuu sheegay xitaa inuu saameeyay fekerada shiicada oo Iran ay ku dhex faafin jirtay Africa sida dalka Nageira.

Waxa uu Dhaxal sugaha intaa raaciyay inay albabada u laabeen dhowr xero ciidan oo ay Iran dooneysay inay ka hirgaliso Africa, hase yeeshee ma noqon.

Bin Salmaan ayaa tusaale usoo qaatay in Iran ay ka jareen wadamda Somalia,Sudan, Nageira, Masar, Ethiopia, Kenya, Libya, Ugandha, Yemen iyo Djibouti oo dhamaantooda ay ku faafinayeen Shiicada.

Bin Salmaan waxa uu sheegay in sacuudiga uu burburiyay unug kamid ah xisbulah oo laga aas aasi rabay dalka Nageria, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Bin Salmaan waxa uu cadeeyay in Sacuudiga ay ka go’an tahay in Africa uu ka niyad jabiyo Iran oo uu sheegay inay halis ku tahay diinta.

Dhinaca kale, Dowladaha Sacuudiga oo dal Sunni Muslim ah iyo Iran oo Shiica ah ayaa waxa ay yihiin labada quwadood oo isku haya siyaasadda bariga dhexe oo hadda u soo tafaxeetay dalalka Africa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Wiilkii Reer Mudug ee xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey +Jacaylkiisa [Dhegayso]
- Jan 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku ...
Daawo: Sheikh Kenyaawi iyo Ciidanka Booliska Somalia Wixii dhexmaray iyo Dardaaran uu siiyey Maanta [Muuqaal]
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, Islamarkaana ...
Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...