Salaantii taariikhda gashay ee Trump iyo Kim iyo Sidii wax u dhaceen (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma hogaamiye dalka Kuuriyada Waqooyi, arrintan ayaa imanaysa ka dib markii uu kulan la qaatay Kim Jong-un, waana mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Labadan nin ayaa isku soo dhaqaaqay si saani ah ayayna gacmaha isu luxeen iyaga oo hortaagan calammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa gacantii kale ku taabtay Kim iyaga oo ku taagan roog guduudan erayo kooban ayayna is waydaarsadeen, ka hor inta aysan u jeedsanin dhanka saxaafaddii kulankooda isugu soo arruuray.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa saadaaliyay “in xiriir wanaagsan” uu dhexmari doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Wax yar ka dibna way is hareer fariisteen iyaga oo deganaan ka muuqato kana duwan sidii la filayay, ka hor intii uusan dhex marin kulan aan lagu wehelinin.

Labada masuul waxaa weheliyay tarjumaanno waxayna wada hadleen ilaa afartan daqiiqo, intaas ka dibna waxaa ku soo biiray ergo kooban oo la taliyeyaal ah iyaga oo ka dibna qado shaqo cunay.

Dadka arrimahan falanqeeya ayaa ku kala duwan waxa shirkan ka soo bixi doona. Dadka qaar waxay u arkaan in kulankani uu yahay guul borobogaando oo uu gaaray Kim, kuwo kalana waxay u arkaan in jidkii nabadda cagta la saaray.

Kalshaale  | Warar Sugan iyo Suugaan


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo Waraysi Dhexmaray C.raxmaan Cabdi shakuur iyo Wariye Cali Xaraare
- Aug 16, 2018
Minneapolis ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya Wuxuu la ...
Daawo Qosolka: Reer Laascaanood iyo Reer Buuhoodle oo Dalxiis isku Arkay, dalka Malaysia Biyihii Badda yaa Cabay
- Aug 16, 2018
Nairobi ( Kalshaale ) Dalxiiskii Jasiirada Langkawi ee Malaysia Iyo Muqaalo Cajiib ah
War deg dega: Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ku sameeyay Hay’ada Nabad sugida iyo Milatariga Iyo Fahad Yaasiin oo Madaxtooyada laga bedelay
- Aug 16, 2018
Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ...
Muuqaal: Amiirka Qatar oo $15-Bilyan ugu deeqay Turkiga oo dagaal dhaqaale Wajahday iyo Siduu u garab istaagay
- Aug 16, 2018
Istanbul ( Kalshaale) Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ...
Afartan iyo siddeed ruux oo lagu dilay Xarun waxbarasho iyo waxa dhacay
- Aug 16, 2018
Muqdisho ( Kalshaale) Afartan iyo sideed ruux ayaa lagu dilay 67 kalana dhaawac ayaa ...