Dawladda Qatar oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah Xulufada Sucuudiga

Doha (Kalshaale) Xukuumadda Qatar ayaa amar ku bixisay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sucuudiga, Imaaraat-ka, Baxrayn iyo Masar ee lagu iibinayo dukaamada waawayn ee dalkeeda gabi ahaantood ba dhulka la dhigo.

Arintani waxay daba socotaa khilaafka diblomaasiyadeed ee dhex yaalla Qatar iyo wadamadaas.

Wasaaradda dhaqaalaha Qatar ayaa warbixin ay soo saartay ku amar ku bixisay in badeecadaha afartaa dal laga soo dhoofiyo, oo dhamaantood ku dhawaad sanad ka hor xidhiidhka u jaray dalkaa yar ee Gacanka ku yaal, dalka laga mamnuucay.

Dalalkaasi markii ay xidhiidhka u jareen Qatar waxay sheegeen in ay ahayd tallaabadaasi mid ay kaga fal celinayeen taageerada maaliyadeed ee ay sheegeen in Qatar siiso mitidiinta Islaamiyiinta ah iyo xidhiidha dhaw ee ay leedahay Iran.

Qatar waxay kaga gaashaamatay cunaqabataynta dhaqaale ee ay afartaa dal ku soo rogeen, hantideeda badan iyo badeecadahii ay ka joojiyeen oo ay ka soo waaridatay Turkiga iyo Iran.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...