MUUQAAL: Xiisada ka dhex Curatay Galmudug iyo Xaaf oo hadlay (Daawo)

Gaalkacyo (Kalshaale) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay tagitaankii Cadaado ay tageen Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo eedeyntii ka soo yeertay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay inay daba mareen Carabey iyo Cali Gacal Casir, isagoo ugu baaqay inay yimaadaan Dhuusamareeb, wixii tabasho ah oo ay qabaan soo bandhigaan.

“Meesha aad madax ka tihiin waa Galmudug, Galmudug Caasimadeeda waa Dhuusamareeb, halkaan ayuu Baarlamaanka iyo Wasiirada joogaan, wixii aad tabataan halkan ku soo bandhiga”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay Muqdisho waxba ku soo qaadi waayeen.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in arrinta la isku hayay markii hore ay aheyd yaan la doonin Ahlusuna, markii la keenay la leeyahay maxaa loo keenay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Cadaado in aysan noqon god waraabe oo looga soo duulo, isagoo xusay in balantii ay wada galeen reer Cadaado uu weli u taagan yahay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...