Maxaa ka Jira In Puntland aysan dhaafi doonin Tukaraq ? Shuruudo la sheegay Inuu Cabdiwali Gaas ku Xiray dagaalka

Laascanod (Kalshaale) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ku celiyay in Puntland ay mas’uuliyad ka saran tahay maamulida deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlaayay arrinta dagaalka ayaa sheegay in Puntland ay mar waliba ku taagan tahay wadada difaaca, hase ahaatee aysan diyaar u aheyn inay ku xadgudubto maamul jaar la’ah.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Somaliland micnuhu uusan ka turjumeynin inay diidan yihiin nabadda, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay waligeeda ka shaqeyn jirtay sida ay nabad ugu wada noolaan
lahaayen Somaliland.

Gaas, ayaa tilmaamay in Puntland ay soo dhaweyneyso nabadda iyo baaqyada kaga imaanaya saaxiibada caalamka hase ahaatee ay munaasib tahay in Somaliland laga helo fulinta Seddex shuuruud oo kala ah:

1-In ciidamada Somaliland laga saaro aaga Tukaraq isla markaana la geeyo halka xadka u ah.

2-In gacanta Puntland dib loogu soo celsho Maxaabiista iyo hantida lagu furtay dagaalka Tukaraq.

3-In Somaliland aysan rasaas dhankeeda uga imaan doonin Puntland inta ay waan waantu socto, isla markaana la durjiyo ciidamada Somaliland ee soo galay Tukaraq.

Gaas, ayaa ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo ay kuwada hadleen qadka Teleefanka u sheegay in Puntland aysan diyaar u aheyn dagaal dhiig ku daata.

Gaas waxa uu mar kale Michael Keating u ballanqaaday in Puntland aysan horboodi doonin dagaalka, hase ahaatee ay dooneyso in dagaalkaasi lagu joojiyo shuruudo cad oo aan xadgudub laheyn, iyadoo la raacaayo Seddexda shuruud ee kor ku xusan.

Sidoo kale, Gaas, Waxgaradka iyo Michael Keating oo saacadihii ugu danbeeyay ay kuwada hadleen qadka Teleefanka ayaa isku waafaqay in xal degdeg ah laga gaari doono dagaalka, balse inta uu xalka socdo ay Puntland joojiso dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland ayaa dhankiisa kala imaaday shuruudo adag 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Wiilkii Reer Mudug ee xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey +Jacaylkiisa [Dhegayso]
- Jan 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku ...
Daawo: Sheikh Kenyaawi iyo Ciidanka Booliska Somalia Wixii dhexmaray iyo Dardaaran uu siiyey Maanta [Muuqaal]
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, Islamarkaana ...
Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...