Duufaan halis badan oo ku soo Fool-leh dhul xeebeedka Puntland & Somaliland

Boosaaso (Kalshaale) Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO.

Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe, Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah.

Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.

Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.

Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Ahmed Najaad says:

    War haddaanba beri joogaa bisinkee. Kolay jawigu waa badalan yahay. Roobab baa da aya dabayl tii xagaaga aad moodo ayana waa socotaa. Bosaso kulaylkii lagu yaqaanay maba laha maanta iyo xitaa shalay.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video