Dhegayso C.wali Gaas “Somaliland waa la iska celinayaa Wuxuushta Cadaystay Dhiiga shacabka Soomaaliyeed ”

Laascaanod (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaaladda Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay dagaalki ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobalka sool ,kaas oo u dhaxeyaay Ciidamadda Puntland iyo kuwa somaliland isago sheegay in ciidamada somaliland cashar loo dhigay isla markaana la iska difaacay.

C.wali Gaas ayaa sheegay in somaliland gardaro ay ku socoto ,isla markaana somaalinimo diiden balse la iska dhicin doono Ciidamadda Puntland aysan u dulqadan doniin garadarada qaawan ee somaliland waddo.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay sharaftooda ,dadnimadooda iyo dalkoodaba inay difaacdan ,isago sheegay in shacabka looga bahanyahay inay iska difaacan cadowga kusoo duulay dhulkooda,wuxuna sheegay in la iska difaacayo wuxuu ku sheegay wuxuush caadaystay daadinta dhiiga shacabka somaliyeed.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA CABDIWALI GAAS 

 “Mala good baa galay dadkaas dugaaga ah ee wuxuushta ah oo soo duuley oo banaystay dhiiga Islaamka waana ku dhimanayaan, difaaca dalka iyo xorayntuna waa soconaysaa” Ayuu yidhi Gaas.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (11)

  1. Jaamac says:

    Ilaahay ha sahlo oo ha innaga qaboojiyo kani wuu iska hadlayaa qabiilku ayuu ku hadlayaa kuwa kalena xadkii ingiriis ayeey ku socdaan isaguna daarood iyo harti ayuu hoonku kaga dhegay

  2. Jaamac says:

    Oo morgana waxba ma ka tari waayey sidii ninkii lahaa alamtarana soo dhaaf

  3. Abdirizak says:

    Jamac ninka xuduud aan jirin radinaya iyo ninka darood radinaya kekhaldan Somalia qabiil bay u burburtay lona kalafadhiyaa.run buushegay lascanod waa puntland dhamaan dhulka dhulbahante waa puntland dhulna makala leha dhulbahante iyo majeerteen iyo warsangeli iyo darood dhamaantii

  4. Land of Punt says:

    Safarbaan ku jiraa, waxbadan ma qori karo.
    Walaahi waa ka naxay dagaalkaas.
    Aniga weligey waan ogaa in khayr kasoo socon xuduudkaas.
    Waxaan reer tolkay dagaal ay go,aansadeen shar iyo qayrba diyaar u yihiin.
    Waad arkin ayagoo laascaanood jooga.
    Waxaa jebin kara Dhulbahante oo kasoo horjeesta.
    Allow kala qabooji.👎

  5. Land of Punt says:

    Page waxaan ku arkaayey Dabdhid iyo Cadaado oo dabaal degeya..dabaalo
    Waa laba fulay oo reer Galmudug ah oo Majeerteen ka baqa, waxooda waa allow Majeerteen cid xoogooda jabisa usoo dir.
    Kkkkkk

  6. Land of Punt says:

    Ramadam karim, maryooley iyo muslim.
    Inta dhimatay alle u naxariisto.
    War dagaalka joojiya, wiilbaa ku dhinta, wiil kuma dhasho.
    Maanta run bay joogtaa oo bootadii Faysal Garoowe soo gubin maaha.
    Dagaalkaan wuxuu noqon karaa mid dhiig badan ku daato. I am worry

  7. Land of Punt says:

    Jamac
    Hadalkaaga waa run mid leh Engris baa dhul ii cabiray iyo mid qabiil xuduud u yahay oo labaduba isla garleeyihiin ayaa umadaan halaag usoo wada hadaan aqliga shaqayn.
    Mala garan waayey nin walba tuuladiisa waa yaqaan, dadka dega cod ka qaada oo ha raaceen dhica rabaan, hadday ayaga state noqon karin.
    Ha la isxasuuqo ma aqlibaa oo wiilasha
    Ha la isku laayo. Mise dadbaa bootadii run mooday Garoowe la gubin iyo Burco la gubin, taas dhiig badan baa ka sokeeya diyaar ma looyahay mise lagama fekerin.
    👎

  8. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Dagaal & dhiig data maya Dagaalki afka haa. Dagaal ooge Muuse Biixi muxuu yiri WIILAL laga keenay Badhaadhe, Buur hakabo, Baraxley ayyaa laygu soo fasaxay? WELINA waxaan joogaa TUKARAQ?. MAASHAA ALLAAH war adeerow kaalay OGAADANYA & NFD noo xure. WBT

  9. Galmudug boy says:

    Waxaan codsanaynaa in walaalaheen pudlaand loo soo celiyo taangigiii lagu difaaci jiray gaalkacy ama mudug

  10. Laalays says:

    Kkk

    C/uusbuur yaa ka cadhaysiiya, waaxay Caydi?😀

  11. geeljire says:

    gaas iyo bixi may kaligood is dagaalaan oo meel banan ah isku balansadaan intay shacabka isku dilayaan




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video