War murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha iskaashiga Maamulada Somalia

Baydhabo (Kalshaale) Shirkii Madaxda maamul goboleedyada uga socday magaalada Baydhabo ayaa la soo gabagabeeyay, kaasoo laga soo saaray war.murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Shirkan oo ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa golaha waxay kaga hadleen arrimaha amniga, siyaasadda federaaleynta iyo arrimo kale.

Golaha waxay walaac ka muujiyeen dagaalka ka socda Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen, isla markaana ah ka mid ah deegaanada Puntland, wuxuu goluhu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo.

Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedyada waxay dowladda federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, sidoo kale aan wali la dhaqan qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii February ee ku saabsanaa dhismaha Ciidamada Booliska Daraawiishta dowlad goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna tilmaameen in loo arko in dowladda dhinac la safatay khilaafka dalalka Khaliijka.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Mr BaHaL says:

    Mr Cabdi Wali Gaas oo intuu ku sii jeeday baabiinta dawlada Somaliya isagii shaqo laga dhigtay.Wuu mahadsan yahay Muuse Biixi.

    Muusoow,waad mahadsan tahay.

    Dalmida

  2. Duulaane says:

    Gaasow waxaa la heblaayo intay gude naag kale dhaqayso ayaa keedi qurmaa. Intuu dowlada Soomaaliya dhibkeeda ku mashquulsanaa ayaa Muuse Biixi dhulkiisii ka shaqaystay, fule xaarwayn, afka noole, shisheeye kalkaal




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video