Ergayga QM Micheal Keating oo dalab u diray Madaxda P.land iyo Somaliland

Muqdisho (Kalshaale) Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka qarxay agagaarka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Danjire Keating ayaa sheegay in codkiisa ku biirinayo baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dagaalka si degdeg loo joojiyo, lana gaaro xabad joojin iyo heshiis siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in dagaal mar kale dib u bilowda uu xaalada uga sii dari karo, isla markaana uu ka dhalan karo barakac iyo xaalad bani’aadanimo.

Mr Keating ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland inay si degdeg u raadiyaan xal nabadeed oo laga gaaro khilaafkooda iyo kala duwanaanshadooda.

Hadalka Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmo ka hor uu Madaxda labada maamul uu la kulmay, kaddib markii uu booqasho ku tagay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    ISIS=ISRAËLI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    ISIS LEADER ABUBAKR EX-NAME (ELLIOTE SHIMON) 100% HE WAS MOSSAD AGENT!.
    17 YAERS ISIS & ALQACIDA THEY NEVER ATTACK ISRAEL

  2. NUURKANEDERLAND says:

    MICHEAL KAETING DABCAN ISAGAA SOO DHIGAY QORSHAHA DAGAALKA
    WHY? MAXAA KULMIYEY WEERARKAAS IYO BOOQASHADIISA
    MOVE MICHEAL KAETING
    MICHEAL WAA KA UKALA DAB QAADA,ISKU DHUFTA, KALA LAALUUSHA SOMALIDA.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video