Sawirro: Wasiir Puntland oo gaadhay Goobihii Dagaalka iyo Warbixin laga Baahiyey Tv-ga Puntland (Muuqaal)

Garoowe (Kalshaale) Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdilaahi Saciid Carshe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay goobihii uu shalay dagaalku ku dhex maray ciidmada Puntland iyo Somaliland, wasiirka ayaa booqday furimaha hore ee ay ku suganyihiin ciidamada puntland isagoo kormeeray goobaha ay difaaca kaga jiraan.

Wasiir Carshe oo ka mid ah gudigga taakulaynta ciidmada ayaa la kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka waxa uuna ka xogwaraysta baahiyaha hadda taagan ee ay ciidanku u baahanyihiin in laga caawiyo, waxa uuna tilmaamey in dhamaan baahiyaha jira si deg deg ah wax looga qaban doono.

Wasiir Cabdilaahi Carshe ayaa ka mid noqonaya madaxda maanta gaartay furinta ay ku suganyihiin ciidamada Puntland oo shalay dagaal uu ku dhex maray ciidamada Soomaaliland.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA WARBAAHINTA PUNTLAND

Ma jirto wax dagaal ah oo maanta ka dhacay aagaga ay labada ciidan isku hordhafiyaan, balse wararka ay helayso ayaa sheegaya in labadda dhinacba uu gaaray gurmad xoogaan, daqiiqad kastana ay macquul tahay in uu dhaco dagaal kale.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Idoor liqe says:

    Wiilka Saaran beebaha cadowga laga qabsaday waa Duqa Degmada Laascanood ee dowlada Puntland ina Makhtal haydayin.

    Shalay baan isku aragnay Jiida Qorigiisa buu watay .

    Waa Jaamac oo idinka kala soo hadlaya Jiida hore ee ku sugan yihiin Ciidamada Darawiishta dowlada Puntland ee Somaliya .

  2. Casoowe says:

    Wiilka Saaran beebaha cadowga laga qabsaday waa Duqa Degmada Laascanood ee dowlada Puntland ina Makhtal haydayin.

    Shalay baan isku aragnay Jiida Qorigiisa buu watay .

    Waa Jaamac oo idinka kala soo hadlaya Jiida hore ee ku sugan yihiin Ciidamada Darawiishta dowlada Puntland ee Somaliya .

  3. Cadaado says:

    Meeqa ayaa ka dhimatay labada cadow ee dowladda iyo dadka Somaliyeed ee Majeerteen iyo Isaaq?

    Isoo waca hadii aad hub u baahantahiin iyo dawo, laakiin, waxaa shardi ah in aad dagaalka bilowdaan kahor barrito, oo aad ku kala baxdaan koontaroolkaTukaraq, plus Garoowe, amaba Tukaraq plus Burco?
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  4. Dabshid says:

    Waxaan Facebook ka dhageystey mid isku magacaabey Islaam ( Beel-daaqe) oo meydkii dhintey Qabiilo u kala saarey. Wuxuu tiroyey dad Soomaaliyeed oo kabadan ilaa 70 in ay ku dhinteen Dagaalada Huganta Dir iyo Daarood ee Hunguriga Gaaweeto.

    Waxaan la yaabey dadku miyeysan qiyaasin waxa kaa soo gaarahayo dagaalo aan lagu kala baxeyn,ileen Itoobiya ma ogola in dagaalada lagu kala badiyo si aan loo waayin labo group oo fuliso mashruuca -BAD BAADO ITOOBIYA.

  5. Abdirashid says:

    Wariyahan iyo warbixintisuba way iga gadan yihiin golden voice

  6. NUURKANEDERLAND says:

    ISIS=ISRA√čLI SECRET INTELLIGENCE SERVICE




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video