Israa’iil oo difaacday Ficilkeeda QASA iyadoo 55 ruux ay dhinteen (Warbixin)

Muqdisho (Kalshaale) Dhimashadii ugu badnayd ayaa Qasa ka dhacday tan iyo dagaalkii 2014kii, masuuliyiinta Falastiinna waxay sheegeen in ciidammada Israa’iil ay dileen 55 ruux ayna dhaawaceen 2,700 oo kale.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigiisu ay iska difaacayeen Xamaas oo jihaaddoon ah oo uu ku sheegay in ay doonayaan in ay burburiyaan Israa’iil.

Hogaamiyaha Falastiin ayaa cambaareeyay kuna tilmaamay “xasuuq”. Qaramada Midoobayna waxay sheegtay “in uu dhacay xadgud laga caroodo oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah”.

Falastiiniyiinta ayaa muddo todobaadyo ah dibadbaxayay hasayeeshee dhimashada ayaa sare u kacday maalinta uu Mareykanka safaaradda ka furtay magaalada Qudus.

Falastiiniyiinta ayaa arrintan u arka in Mareykanku uu si cad ugu taageerayo Israa’iil inay la wareegto gebi ahaanba magaalada, taas oo dhinaceeda bari ay Falastiiniyiintu sheegtaan.

Hasayeeshee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa fariin muuqaal aheyd waxa uu ku amaanay tallaabada safaaradda dalkiisa Qudus loogu raray.

Waxa uu ka sheegay xafladda arrintaas loo sameeyay in muddaba laga soo shaqeeyay, waxa uu intaasi ku daray “Israa’iil waa dal madax bannaan oo xaq u leh inuu go’aan ka gaaro meesha uu caasimad ka dhiganaayo hasayeeshee sanado badan ayaannu iska dhegatirnay inaannu arrintaas qirno.”

Mareykanka ayuu sheegay inay “ka go’an tahay inuu fududeeyo heshiis lagu gaaro nabad waarta.”

Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus maanta uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta.

Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen ‘dibadbaxyadii soo celinta’ kaaso socday muddo lix toddobaad ah.

Israa’iil waxay sheegtay in dibadbaxyaashu ay burburinayaan xayndaabka xadka.

Ciidammada Israa’iil waxa ay sheegeen in illaa 35,000 oo falastiiniyiin ah ay ka qaadanayaan isu soo baxyada rabshadaha wata.

“Maanta waa maalin weyn, waxaanan doonaynaa in aan xeendaabka gudubna, Israa’iil iyo adduunkaba u sheegno in aanan ogolaan doonin in waligeen nala heysto” ayuu yiri Cali oo macalin ka ah magaalada Qasa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Hiila Aanta falastiin, way Hadimeeeeeeeee,
    Iyadoo Horaroo Hiigayaan, Ayaan Halacsi kaga hogte,
    Hiilkii walaal Miyaa Laga Hogteeyeeeeeeeeeeeeeee,
    Anaa ishiif Hanjabaad isugu HawlanNee, ma kuwo
    Huqiyo hagardaamo, Lagu Hillaan, Hiil U HurRiieeeee,

  2. cabdi yare says:

    yahuuda insha allaaj alle ayaa ubalan qaaday in uu ciqaabo markas oo ay kibraan immikana way taagantahay oo way kibreen

  3. cabdi yare says:

    waxa misna cajiiba dad muslim sheganaya oo markasta islaynaya ama hab qabiil ama hab maamul waan sida tan laga shegayo tukaraq iyo agaarkeeda waxa alle waydiisanayaa in uu kala qaboojiyo aamin

  4. NUURKANEDERLAND says:

    NATANYAHU WAA DHAGAR QABE KU QABAYSTA DHIIGA MASAAKIINTA FALASTIIN
    INKA BADAN 150 QOF BUU SHALAY KU DILAY FALASTIIN.
    LKN NATANYAHU WAXAA RAALI UGA AH UK,EU,USA IWM DILKA FALASTIINIYIINTA
    FALASTIIN WAXAA U EG INAY KA BAXAAN MAAMULAAN GACAN SAAR KA LA LEH ISRAEL EE FATAX.
    DAGAALKANA TOOS UGALAAN OO AY ISKA DHAAFAAN DHAGAXA AY TUURAYAAN EE M16-KA LOOGU BEDELAYO,AMA INAY IS DHIIBAAN.
    WAA RIYO IN ISRAEL NABAD LAGA KEENO WAXAYNA KUSOCOTA ISRAEL SIDAY U WADA QAADAN LAHAYD FALASTIIN & QAYBO BADAN OO DHULKA CARABTA KALE AH.
    WAANA MASHRUUC II SIYAASADEED EE 1980 EE AHAA(GREATER ISRAEL PROJECT) KII ISRAEL DEJIYEY DHULKA FALASTIIN WADA HADALADA UU SHEEGAYO WAA HUUHAA.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video