Isbaheysiga Muqtada al-Sadr oo ku Guuleystay doorashada wadanka Ciraaq

Nairobi (Kalshaale) Isbaheysiga uu hogaamiyo wadaadka shiicada ah ee sida aadka ah uga soo horjeeda Mareykanka Muqtada al-Sadr ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalka Iraq.

Iyadoo inta badan la tiriyay codadka la dhiibtay, ayuu Isbaheysiga Al-Sadr uu hogaaminayaa ilaa iyo lix gobol. Waxaa kusoo xiga xisbiga uu madaxda u yahay Hadi al-Amiri oo madax u ah koox maleeshiyo ah.

Ra’isulwasaaraha hadda talada haya Haider al-Abadi, oo ay taageerto dowladda Mareykanka ayaa ka codsaday dadka reer Ciraaq in ay ixtiraamaan natiijada kama danbeysta ah ee kasoo baxda doorashada.

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha Muqtada Al-Sadr ayaa isugu soo baxay magaalada Baghdad kadib marki lagu dhawaaqay qeyb ka mid ah natiijada.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ku qeylinayay bog cusub ayaa u furmay dadka Ciraaq, halka kuwo kalana ay dhahayeen waa dhamaadkii musuqmaasuqa.

Al-Sadr ayaanan u ordin kursiga baarlamaanka mana noqon karo Ra’isulwasaare, laakin maadaama uu yahay gudoomiyaha isibaheysiga doorashada ku guuleystay, waxa uu door weyn ka ciyaari doonaa jaan-goynta siyaasadda Ciraaq iyo soo dhisidda dowlada soo socota.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video