Amiirka Dawladda Qatar oo ka hadlay Qorshahooda ku aadan Soomaaliya iyo Kulankii dhexmaray Farmaajo

Doha (Kalshaale) Amiirka Dawladda Qatar sheekh Tamim Bin Xamad Al-thani ayaa ka hadlay Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay¬† inay Dawladda Qadar ka go’an tahay Taageerada Dawladda Soomaaliya, Islamarkaana uu ka dhaxeeyo Labada Dawladood¬†walaaltinimo iyo is ixtiraam. Wuxuuna Hadalkiisu u dhignaa sidan.

“Xiriirka aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid walaaltinimo iyo is ixtiraam ku dhisan, wada hadallada aan la leeyahay walaalkay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay markale adkaynayaan macnaha xiriirkeenna waxaanna xoogga saarnay sidii loosii adkayn lahaa iskaashiga wadaagga ah ee labadeenna dal. Qatar way sii wadaysaa taageerada midnimada Soomaaliya, degenaanshaheeda, madax-bannaanideeda iyo barwaaqada shacabkeeda.”


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. Caamir says:

    Guulguulguul
    Muusa biixi Muuse Saamiri
    Cabdiweli gaas cabdi Caaq damiirlaawe
    Kanaxoo Nafta waaya waataa Soomali cadawgeedii iyo saaxiibkoodi kala gartey Guul Aabe Farmaajo

  2. Dabshid says:

    1. Dowladda Soomaaliyeed waxaan ka sugeynaa Amaanka oo ay sugaan, shaqo abuur, midnimada iyo dariswanaaga oo kor loo qaado. Mideynta dhaqaalaha gaar ahaan dekedaha,xuduudyada iyo qeyraadka badda.
    Tayeynta Ciidamada iyo isku dhafidda Maleeshiyooyinka Jufo maamuleedka.

    2. Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Governors maamul goboleedka waxaa looga baahanyahey la shaqeynta dowladda dhexe, uga dambeynta siyaasadda Dalka Soomaaliya, joojinta tafaraaruqa iyo qas abuurka.

    – ninkii diido taageeridda Dowladda Nabad iyo Nolol ma wuxuu taageeri Meles Gabre WAKIIL.

    -Aamina Abdisalaam.

  3. Mr BaHaL says:

    Hadii nin indholaaya’ay ama lug laaya’ay ma dhicilarto inuu u socdo sida uu u socdo qoka dhamayska ah.

    Waxa ka maqan qof ahaantiisa ayaan siinayn inuu u socdo sida qofka caadiga.

    Qaarbaan ka maqlaa,Maraykan waa Federal,Ethopiya waa Federal iyo sheeko noocaasi ah.
    Haa.Kuwaasi waa dawlado Federal ah.
    Aduu Somaliyoow ma tihid kuwaasi aad aragtay ee Federalka ahe waxaad tahay Somali.

    Waxaad qabtaa dulinimada aadka u wayn ee aduunka kaa reebtay.Waxaad qabtaa xanuunka ilaa maanta aad talaabo u qaadi wayday.

    30 sanadood ayaad ku fashilantay inaad dawlad yeelato.Shirkasta laguu qabay,heshiis lagu sameee,misana halkii ayaad joogtaa.

    Wax la cuno ayaad isku haysaa,afkana wax kale ayaad ka sheegaysaa.

    Hadaad ku heshiin wayday cadaalad,oo aad meeshaba ka saartay in cadaalad la duqsado,dee Federalkana afka ayaad ka sheegaysaa.
    Somaliya waa Federal.Federal keeni maayo cadaalad,keeni maayo nabad,keeni maayo dawladnimo – saa hungurigii aad isku haysay waa halkiisii,wixii adka aad ka sheegaysana waa halkiisii,Markaa Federalku maaha wax iska imanaya oo afka laga sheegto,laakiin la rabo in lagu cuno ama lagu helo wixii lagu waayay ku dhaqanka nidmaanka dawladnimo aan ahayn Federal.

    Haduu jiro wax sax ah oo la rabo in lagu dhaqmo,laysma qabsadeen,Isjiidjiidka iyo qayladu ma taagnaadeen e eeyarbaa shaqadu socon layd.
    Waar bal beenta iska ilaalaiya oo dadka beenta ka daaya.

    Waxayga aan kaliday cuno,waxaagana aan kula cuno.Waa Federalka ka jira Somaliya.

    Dalmida

  4. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Kkkkkkk

    Wadaad Carab ah ayaa Europe yimid wuxuu nin cadaan ah oo muslimey ayuu u soo qaatey Xadith Nebigu CSW uu nin uga waaniyey Macsida, qisada ayaa ahey Hebelow miyaad jeceshahey in walaashaa laga macsiyeysto, markaas ayuu ninkii dhahey maya, hadde gabar kasto ninbey la dhalatey ee ogow.

    Siduu Nebigu ugu dhahey Ninkii Carabka ahaa ayuu wadaadkaan ugu dhahey NIN CADAAN AH oo muslimey,

    -ninkii cadaanka ahaa ayaa dhahey Maxaa iga galey dheemanka walaashey meeshay dhigeyso- ayadey u taal ninkey la seexan.

    Wuxuu moogyahey in ninkuu la hadlahayo leeyahey Dhaqan ka duwan kan carabta,

    Hadda dadka leh America waa federaal ee aan ku dayano waa caruur ku dhalatey geed hoostii kdhaqankooduna yahey sidee xoolo loo boobaa, ama biyo loo boobaa. ( Raashinkii iyo Biyihii ayaa cariiri uga jiro)markaas ayuu la tartamirabaa nin awoowgiis hospitaalo u dhisey, Eeyaha iyo Mukulaasha, ama raashin gooniya u dhigey dukaamadaa laga adeegto.

    -waa noo bari haddaan safar ka kooyaye .

  5. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Masaakiin dawarsanaysa ayaa Somaliya ku nool.Dad caadi ahiba kuma noola.Maamul goboleedku waa meesha lagu helo aqoonasiga lagu dawarsado.Xataa dawarsiga iskuma ogola oo galmudug qasabqasab ayaa loogu soo saaray warqadaasi aqoonsiga.Heerkaa ayay taagan tahay talada Somalidu.

    Maxaa Federal lagu noqonayaa – ileen Federalku maaha wax la kala haysto e.
    Federalku waa noocyo badan oo qaarba si u shaqeeyaane.Federalkeenu ma ku dhisanbaa in la qaybsado wixii Muqdisho soo gala?

    Ileen doodu halkaa ayay ka taaqan tahaye?
    Waa in la cadeeyo Federalka ay Somaliya qaadatay.

    Dalmida




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video