Xaalada magaalada Ceerigaabo oo Kacsan iyo Wararkii ugu dambeeyay

Ceerigaabo (Kalshaale) Mudaharaad balaadhan oo la iskugu soo baxay badhtamaha magaalada Ceerigaabo ayaa ka socda magaaladaasi, Booliiska ayaa rasaas nool u adeegsaday shacabka mudaharaadaya.

Mudaharaadkani ayaa la sheegayaa inuu bilaabmay markii Madaxwayne Muuse Biixi amar kubixiyay in lasoo qabto Taliye Caare oo ka tirsan Beesha Habaryoonis oo hanjabaad kula kacay Sargaal kasareeya oo maamula ciidanka Somaliland Ee Sanaag Sargaalkaasi oo Magaciisa lagu sheegay Fanax kana soo jeeda Beesha Habarjeclo.

Mudaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqaya Jeegaantu ka dhacdo iyo erayo ku lid ah Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.

Mid ka mida Odayaasha Ceergaabo ayaa sheegay in Mudaharaadka soo sida isdaba jooga ah maalmahani shacabku udhigayaani ka turjumayo xaalada Deegaankaasi oo kasii dartay wuxuuna ka digay in dagaalka beelaha walaalaha ah ee Habarjeclo Iyo Habaryoonis usoo fado magaalooyinka waawayn.

Ceel-afwayn iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxaa maanta laga jaray KhadkiI Taleefanada, Iyadoo aysan ka jirin Isgaadhsiintu.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (9)

  1. khaatumo haanoolaatoo says:

    reer sanaag waxay leeyihiin buuro ay ka dhigtaan dhufays cid qaban kartaana ma
    jirto intay banaanka waxay doonaan ka sameeyaan bay hadhowna buuraha galaan
    dowladi siyaad bare bay halka kasoshiidi jireen kkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkk
    reer sanaag isdejiya o inoo ilaaliya nabada
    WBT

  2. Aarka hargaysa says:

    Dhamaantood jeelka madheera halagu guro

  3. Kalahage says:

    Soomaalidu wax yar oo la xallin karo ayaa boqolaal qof loo dili sababtoo ah waxa marka laga hortagi karo la joojin.

    Arrintan muddo ayey soo jiitamaysay waana la daawanayey illaa ay faraha ka baxday.

    Kaliya waxay ku fillayd in la dilo kii wax dila.

  4. Kalahage says:

    Aarka

    Waxaan u gartay dadkan mudo haraadaya tuuladaada kama soo jeedaan.

    Waan hubaa inaad war kale la soo gali lahayd.

    Soomaalidu waxay wadani iska dhigtaa Marka aan dhibku haysanin.

    Bal ka warran hadii madaxweynuhu ka soo jeedi lahaa dhinacan mudoharaadaya oo tuuladiinna dhib ka dhici lahaa.

    Nacalad ayaad shubi lahayd hase sugi waayin isbadalka maalintaana yaan lagaa waayin wadaniyadda.

  5. Land of Punt says:

    Aarka
    War sow kuwan Iidoorkii carabaatiga iskaysta, Puntland waa dowlad kunool ma mudaharaadaan mise Puntland waa maqsuud Somaliland waa musalifeen oo dadkii waa gaajoodeen?
    Hadday Puntland taayaro gubaan kalshaale caawa shidnaan lahaa,Puntland duntay.
    Kkkkkk

  6. Aarka hargaysa says:

    Kalahage sxb anagu reer galbeed ayaanu nahoo dowladnimada waanu adeecnaa waxaanu ahayn ragii 92 kii lacagtooda kubadashay somaliland ee aaminay sinalilantana sidii loo Kala hor aaminay ayaa loogu Kala qabo bay reer barigu Wali waa badow xiligaa lajoogo ayay is dilayaan

  7. Aarka hargaysa says:

    Land of punt sxb waa reer miyi hadaa sutida loqabanayaa

  8. nasra says:

    allow siyaasi danaysta ka qabo dadkan noqday waxma gartayaasha lagu guurayo
    dhiigii islaamka wuxuu noqday in lagu shaah doonto maxaa laysku dilayaa sow dad dabada kama wadaan ku khamaaraya dadkaa reer miyiga ah iyaguna xooloha ay wataan iyo iyagaa isku mid waayo dhulka waa ku filan yahay qof waliba wuxuu ku leeyahay 2ba mitir ee lagu aasayo balse wax og baa iska yar dadka maanta ku abtirsada afsomaaliga sababtuna dadkeenu malaha cilmi maadi iyo diini midna waxa kaliya madax maray qabiilka baas ee lagu talaalay ku dar inkaarmihii siyaasiga ahaa ku korayey kursiga

  9. jaamac says:

    dhammaan akhyaarta salaamulaahi calaykum anagaa burco joogna wax ka jiraana ma jiraan ceerigaabo lafteeda caruur yaac yaacaysa waan maqlayey lkn balo ma jirtee anagu waa yaac yaac no qarax iyo uus xabaal




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video