Muuqaal: Sh. Shariif oo Imaaraadka tagay, Kana hadlay Xiisada Somalia kala dhaxaysa iyo Wariye Hadalkii u diiday

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Sheekh Shariif oo la hadlay Telefishinka Al Carabiya ayaa sheegay in Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ah, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka hada jira.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa cadeeyay in Dowlada Imaaraarka Caraba si weyn u taageertay dowlada Soomaaliya gacana ka geesatay caawinta shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL | WARAYSIGA SH. SHARIIF

Waxa uu xusay Sheekh Shariif in labada dal ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid iskaashi, waxa uuna ku baaqay in xiisada la qaboojiyo lagana gaaro xal deg deg ah si uusan xiriirka usii xumaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (12)

  1. Land of Punt says:

    Sheik Shariif runta ayuu sheegay, wuuna ogyahay in Emitares lagu haysto! Maxaad ula xaajooteen gobolada oo runtii ka horeeyay xitaa inta koofur imaan Emitareska, waagii Chaoska iyo qablalayaasha dagaalka Xamar haysteen ayey amninga iyo mashaariic horumarineen ka caawinayeen gobolada nabadda ahaa sida Puntland/Somaliland oo tagi kareen.
    Markuu xamar jawi ka howl gelikaraan ka bilowmay waxay ku bixiyeen kharash in Somalia yeelato ciidan adag!
    Laakiin kuwii Xamar joogay jacayl Turki iyo Qadar caashan iyo in Dubai ka howlgasho gobolada waxay keentay in lala safto Qadar iyo Turki.
    In dhexdhexaad ka noqono arimaha Carabta iyo Turkiga way jabiyeen.
    Halkaas ayey arin maraysaa.

  2. Dabshid says:

    Land of Punt

    Adigu miyaad ogolaan laheyd in caruurtaada lala xaajoodo adigoo joogo, Gobolada ayaan la xaajoon xagey ka jirtaa.

    Dowladda Emaaradka hala xaajooto Bombasa ayadoon u soo marin Dowladda Kenya.

    Aqli Gaaweeto, waa lagu quudin ee Mish mishta joojiya.

    Mahbar waa uun Mahbar.

  3. Dusha says:

    Reply »

    Dusha says:

    April 17, 2018 at 2:42 pm

    Oo dee qolyhan reer Xamar miyey ba kala jecelyihiin in ciidamada Puntland cadowga ka ilaalinayaa inay mushaar helaan iyo inkale. Waxaan filayaa inayba la tahay inaysan ciidamadaasi aanay mushaarba u qalmin maadaama aysan wax ka ilaalinayn xaafadihii hore ee Xamar. Ogoow xaafadaha Xamar wax alla waxa u ciidana oo ajnabi iyo Soomaaliba ah in iyaga mushaar ay Turki iyo Khadar siiyaan waa waafaq. Maalinta kuwwas mushaar waayaan diyaaradaha la fuulayaa, waa la tuugsi tegayaa. Waa garanay…muxuu oran jiray Abwaan Deeq..dad kala maana..oo kaasi caqligiinii ahaa…se yaa idinka kaa yeelaya…

    War waddankan Soomaaliya wax ciidan SoomaLiyeed oo madaxbannaan oo iskiis u taagan isagoon ku hoos gabbanayn ciidamo ajnabi oo dhul iyo dad difascaya waxaa jira ciidankaas Puntland iyo Soomaaliland jooga….bal sheega ciidanka kale ee Soomaaliya jooga oo iskiis dhul soomaaliyeed oo xora keligiis cadoow ka hortaagan waa ma jiro….ciidanka xaafadaha Xamar laga sheego weli ciidan hawshiisa ka adkaaday oo dal iyo dad lagu hallayn karo maaha…wuxuu ku hoos gabbanyahay ciidamada Africanka ka ah…meeshay ka baxaana iyana waa ka soo baxaan…hadda ogoow gobolka Banaadir waa gobolka ugu bedka iyo baaxadda yar 18 kii gobol ee Soomaaliya isagoo dhan haddii ciidan dhab ah la hayo ciidan aan badnayn baa lagu wareejin karaa ka dibna gudaha loo gelin karaa…Banadirta la sheegayo waa xaafadihii hore ee Xamar….markii dowladdii kacaanka ciidan aan saas u badnayn baa inta bandoo saara iyadoo dhan guri guru u baari jiray..maxaa dhacay hadda waa mashruuc…waa dabeecadaha Xamar looga xoogsado…in la yiraahdo 10 sano ayaa ciidan xaafaha Xamar laga qorayaa lagana tababarayaa…nabadgelyada xaafadahana ma sugi karaan ee waxaa sugaya ciidamada Amissom….haddana waa ciidan qaran oo mushaar ayey u baahanyihiin…weliba ciidamada Puntland ee iskood u taagan iyagoo aan Amisom ku hoos jirin cadoowga quusiyey iyagaa mushaar iyo taakulo ciidan uga xaq badan…waa uun caqli sirgaxan iyo kala maan…yaase loo sheegin….

    Oo toloow immisa sano ayey qaadanaysaa in ciidan dhab ah oo howshiisa ka adkaada oo aan Amison ku hoos jirin in xaafadaha Xamar yeesho….ilaa hadda ogaantay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa la lahaa ciidamadii Xamar baa tababar u soo dhammaday…..waxaa ku xigta..xeradii lagu tababarayey ayey bililiqaysteen wayna kala tageen, haddana waxaa ku xigta qabiil bay isu laayeen, haddana waxaad maqlin intay soo guureen bay isbaaro dhigteen….suaasha aan qabaa waxaa weeye immisa sano oo dambe ayaa la sugayaa in la helo ciidan deegankaa oo hanta nabadda xaafadaha Xamar….waa taas suaasha aan jawaab ula ahay…waxaa igu maqaala alla ha u naxariistee intii u noolaa in Cali Samatar wakhtigii dowladdii Sh. Shariif talo ciidan dhis la waydiiyey shir ka dhacay Washington DC. Markii jeneraladii ka socday dowladda ay u sheegeen qaabka iyo sida ay rabaan inay ciidan u dhisaan ayuu ka horyimid wuxuuna yiri haddaad saas ku socotaan weligiin ku guulaysan maysaan inaad ciidan dhab ah oo haybad qaran leh heshaan…laakiin haddaad malaysiyo beeleed rabtaan ku socda…tii baa muuqata….waa kala maan..

  4. Dabshid says:

    Puntland soo maahan jufo yar oo Majeerten ah, maxaa keenay in Bakeyle miisaan lala saaro Maroodi.

    Dowladda Dalka Galmudug iga dheh,
    hadde ogow Maamulka Galmudug waxaa wada dhistey, 4ta Soomaaliyeed marka laga reebo Raxanweyn (Bay iyo Bakool).

    Aqli Gaaweeto

  5. Land of Punt says:

    Dabshid
    Kkk
    Waaba Dabshid quud ka sug!
    Mala docotaa in Dubai Quud ka digin Abudubay!
    Maxaa igu kalixay in Dabshid quud ka sugo, ms dhul iyo dad la’aan ayaa i hsysa.
    Waa kaas aqliga Xamar yaal.
    Waxba hs qabsanina, Xamar u nakaa leh, Somalia anaga ayaa ka masuul ah.
    Aala kula tahay boowe.
    Kkkkk😗

  6. Mr BaHaL says:

    Lacag raadis oo dhan ayaa helay fursad ay wax ku cunaan.Waxan siyaasad lama yidhaa e waxaa la yidhaa siyaasada dhilaysiga.Hadba cidda ay isdiidaan dawlada inaad daba u lusho maaha dadnimo.

    Hore ayaan u sheegay in dadkii Ethopiya oo caydh ah u kala dhuumanjiray Emaaraateska u kala hadhidoonin ilaa shaqsi wax fahansan mooyaane.

    Ethopiya ayaa Highway iyo Airports noo dhisaysa ayaan u hore uga dhagaystay Mr Gaas oo shacabkiisa warbixin siinaya kkkkkkkkkkkkkk

    Calashaan wixii la soo faray ayuu dadka u sheegayay.

    Waxan u soo jeedinayaa dadka u nool dagaalka hunguriga inay Emaaraateska isku shubaan.

    Halkaa ayay maaanta ka jirtaa fursad qaali kuu ah adiga oo sacabka laga tumayaa.

    Dalmida

  7. Land of Punt says:

    Dabshid
    Reer Dhul Udug in cid quudiso ma rabaan, shalay u halgameen in rag Dabshid ka mid yahay nafta kusoo noqoto Xamar oo dad isku maleeyo.
    Calooshiis la cayaar, kkkk
    Maanta In baabuur warshado samaysto oo oil iyo gaas lasoo baxo oo qayraadkayga ka faaiidaysto rabaa adiga wax kaa diiyo!
    Kkkkkkk
    Anigu ku quudin kuye!!!!
    Kkkkkkkkkkkkk
    Walle reer aan ogahaya guuraan!

  8. Dusha says:

    Oo toloow immisa sano ayey qaadanaysaa in ciidan dhab ah oo howshiisa ka adkaada oo aan Amison ku hoos jirin in xaafadaha Xamar yeesho….ilaa hadda ogaantay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa la lahaa ciidamadii Xamar baa tababar u soo dhammaday…..waxaa ku xigta..xeradii lagu tababarayey ayey bililiqaysteen wayna kala tageen, haddana waxaa ku xigta qabiil bay isu laayeen, haddana waxaad maqlin intay soo guureen bay isbaaro dhigteen….suaasha aan qabaa waxaa weeye immisa sano oo dambe ayaa la sugayaa in la helo ciidan deegankaa oo hanta nabadda xaafadaha Xamar….waa taas suaasha aan jawaab ula ahay…waxaa igu maqaala alla ha u naxariistee intii u noolaa in Cali Samatar wakhtigii dowladdii Sh. Shariif talo ciidan dhis la waydiiyey shir ka dhacay Washington DC. Markii jeneraladii ka socday dowladda ay u sheegeen qaabka iyo sida ay rabaan inay ciidan u dhisaan ayuu ka horyimid wuxuuna yiri haddaad saas ku socotaan weligiin ku guulaysan maysaan inaad ciidan dhab ah oo haybad qaran leh heshaan…laakiin haddaad malaysiyo beeleed rabtaan ku socda…tii baa muuqata….waa kala maan..

  9. Dusha says:

    Ciidankii 5ta sano imaaraadku Xamar ku tababarayey way qalinjabiyeen kadib tababar nooc walba leh oo ay si isdabajooga u qaadanayeen 5tii sano ee u danbaysay…qalinjabintii waxay noqotay inay shalay bililiqaysteen wixii agab xeradii tababarka yaalay..ayna la kala dhaqaaqeen wixii agab xerada yaalay….waxaa kaloo dad goob jooga ay sheegeen inay qaab qabiil u kala baxeen intay bililiqada socotay…..tababbarkii xeradii weynayd ee Xamar ee mudada dheer tababarku ka socday halkaasay ku soo dhammaatay….

    Waxaynu sugnaaba waa qalinjabinta xeryaha Turkigu tababaro goorta ay dhacayso…waxay u badantahay marka tababarka Xeryaha Xamar ee Turkigu bixiyo muddo socoto in sidaasoo kale qalinjabintu ku dhammaanayso bililiqo loo gaysto agabka xeryahaa yaala sida ka dhaxday xeradii tababarka Imaaraadka ee Xamar….

    Waxa la isweydiinayaa xeryaha iyo askarta Xamar maxay bililiqo iyo asbaaro ugu qalinjabiyaan, halkii ay askari wax bartay edaab leh u noqonlahaayeen…waa suaal taagan….

    Waa wax ugaarahoo askarta Xamar lagu gartaa…

    • Ahmed Somali. says:

      ASC.
      Dusha, adeer markaad Bosaaso & Benaadir ka dhigtay ANNAGA & AYYAGA aqoontaadi maxay tartay? maxaadse libintaadi u siin Dabshid.
      WBT

  10. Garqaad says:

    Sheekh shariif

    Fadlan iskaga noloow emaraadka kuuma baahnin. Waan kaa maranaa.

    Sheekh shariif wuxuu agtena ka dhintay maalintii uu federaalka hunguriga somaliya u sharciyeey.

    War dalkaan ilaa dad badan qoorta lagawada gooyo weligii mahagagaayo.

  11. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    LOP, adeer odoyadeeni hore waxay noga tageen dardaaran dhaxalgala & digniin guud oon qabyaaladi ku jirin; Biixiyaha marki aan kajay boqonta taageeda…raggi buurta dheer igala baxay beerka ka ogsooni. LOP adeer markay gaajo daraadeed maydkeenu tubna bannaanada Emiraadku muxuu nagu taray markuu dhintay Aala Nahyaan ILAAHAY HA U NAXARIISTE ka dib? Sow tay Carabi lahayd maha ayyagoo fulina amarki Maraynkanka “Xoolaha Somali waa jirranyihiin ee yaan la qaadan”. Adeer teennu ma waxay ku jaan go’antahay, BAL INAY XUSUUS DARAN YIHIIN XAYDKA KALE MOOGE. Adeer xifaala qoysqoys waa hakiise YAANAN abaal ka dhicin oo aanan simin kii ii gargaaray & kii markaan liitay dhabarka ii jeedshay. WBT




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
WARAYSI: Qosol iyo Sheeko ‘ Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho (Muuqaal)
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Qosol iyo Sheeko Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho
Rasaas culus oo laga maqlay Qasriga Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Rasaas culus ayaa Xalay laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada ...
MUUQAAL: Sh. Aadan Siiro oo si kulul Uga hadlay Arinta Berbera iyo Hadalkii Kasoo yeedhay Imaaraadka ! (Daawo)
- Apr 22, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Sheekh Aadan Siiro ayaa si kulul uga hadlay hadaladii wasiirada arimaha dibada ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiir Awood Badan Dawlada Qatar usoo magacowday Soomaaliya
- Apr 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay ...
Boqor Buur-madow oo Xabsiga laga sii daayey iyo Sababtii loo xidhay (Daawo)
- Apr 21, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Waxaa magaalada Hargeisa  Xabsiga laga soo daayey  Boqor-Cismaan Buur-madow , Wuxuuna sheegay ...

Featured Video