Daawo: Dawladda Qadar oo Qalab iyo Gaadiid ku wareejisay DF Soomaaliya

Muqdisho (Kalshaale) Dowlada Qadar ayaa maanta ku wareejisay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir 30-gaari oo nuuca basaska ah, waxaana basaskan loogu tala galay in loogu adeego shacabka Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Basaskan lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, waxaana maanta si rasmi ah basaskan loogu wareejiyay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay dowlada Qadar basaskan ay ku wareejisay iyo taageerada kale ay u heyso, waxa ayna Masuuliyiinta maamulka gobolka sheegeen in basaskan loogu adeegayo shacabka Muqdisho.

Dowlada Qadar ayaa xoojisay taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya tan iyo markii Qadar ay go’doomiyeen Wadamada Khaliijka Qaarkood, waxa ayna Qadar dowlada Soomaaliya uga mahad celisay go’aankii ay ka qaateen Xiisada Khaliijka.

Qadar ayaa sidoo kale dhawaan la filayaa in dalka ka fuliso Mashaariic kala duwan sida dhismaha Wadooyin waa weyn, waxa ay sidoo kale dowlada Qadar dowlada Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah Dowlada Federaalka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (10)

  1. Land of Punt says:

    Amsiom i waardiyee, qadar iyo Turki cuntada ii keen, we love you walaaha cusub, IMF iyo World Bank iyo deeqaha aduunka Somali kale ma jirto aan Xamar ahayn! Carab iyo cidii kale ka maqalno Berbera iyo Bossaso waa cadowga umadda Somaliyeed.. Taas Waa aqli Hawiye Hawiye Action Group aka HAG.
    Farmaajo waa symbol ha ii ahaado aan wax ku dhagro.!
    Wadanka haddii daacad laga yahay in la mideeyo waa in serviceka gaaraa dalka oo dhan!
    Maaha in meelaha qaar horumarkeeda lagu xajiimoodo meelana laga dhigo waajib muqadis ah.
    Yaa dabaal ah oo duurka loo diraa!

  2. Cadaado says:

    kkkkk, daanyeero. Basaskaan halkii bus ba kama badna 2000 oo US dollar, oo waa used, wax horay loo isticmaalay. Ciyaala suuqa, iyo daanyeertii dadka iyo dalka Somaliya rogay ciyaalkoodii tuugta ahaa marka eey dhahaan wadan ayaan hogaamin tan oo kale ayaa dhaceeysa. Weeyna socon muddo baddan. In la tuugsado, la dawarsaddo. Daanyeertaan waxaa iskaga qaldan in hogaaminta dal iyo tuugsi “organized” ah, tuugsi abaabulan eeysan isku mid aheeyn.

    Maantay Qatar ayaa kuwassi, shalay Imaaraad ayaa kuwasay, dorraad Ethopian, iyo Ugandhess iyo Kenyaati ayaa kuwassay.

    Dad iyo dal eey hogaaminayaan wasaqdii aduunka, waxaa lagu gartaa kuwa hogaaminaya Somaliya. Hadeer basaskaan used ah, oo kuligood jooga 1000 dollar ayaa looga dhigay wax. Daanyeero nijaas ah. Tuugsi ayeey shaqo ka dhigteen. Waxaase kasii wasaqsan oo dulli ah, kuwa wax kasugaya kuwaan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Cadaado says:

    Land of punt, you are an iditot. Walaahi. Baskaan aan ka hadlay, ayaad rabtaa in qabiilkaada wax laga siiya. Daanyeeryahow. Adiga oo Majeerteen ah, iyo Hawiyahaas aad ka hadashay, walaahi in aadnaan waxba is dhaamin. Daanyeero ayaad tahiin dhamaantiin. And that is the fucking reason you are in the predicment you are in. Najis daanyeer ah.

    Dalmida.
    God bless Somalia.

  4. Aarka hargaysa says:

    Qalabkan oo loo gu deeqay gobolka banaadin xataa dowlada somaliya lama odhan gobolka banaadin kkkkkkkkk kkkkkkkkk wata hoshiina

  5. shaxda says:

    30 gaari kaliya gobolka banaadir kuma filna

  6. wiil hiraab says:

    basaskaan magacoda waxa la dhaha Karwa modelkodu waa 2005 waxa ay ka shaqeeyn jireen State of qatar waa basas gaboobey o laso naash naashey noocani waa nooca ugu gagaaban waxa jira nooc ka dhaadheer waxana iska laheeyd o so nacdey xaaska sheekh Xamad bin khalifa alla tani sheekh tamiim hooyadi magaceedu waa sheekha Mussa waa iraaniyad wixi ay carabi so nacdaba somaaliya aya lagu so fogeeya ….. kaaraka basaskan aan ku raaci jirney qimahodu waxa u ahaa bishi waa 15 Dolar ama 53 Riyaal

  7. Dusha says:

    Qadar waa sokeeye…Qadar waa walaal…mar hadday Xamar kaliya wax siinayso…Qadar waa sokeeye mar haddaysan Bosaaso iyo meel kale wax naga siinayn…kkkkkk….dad kala jeeda…

  8. Garqaad says:

    Waa maxaay basaskaan qadar ay soo dhiibtay ma laalushaa.

    War khaliijul carab ina dhaafiya.
    Mexeey isu keey dhamaan 2 daanyeer oo walaalo ah.

    Emaraad iyo qadar waa labo qaniis oo reer galbeed u raran. Weligoodna asxaan nooma Sameyn

    Emaraadeey albaabka dhaaf qadareey soo dhawoow macquul maaha

  9. Wiil somaliyed says:

    Walaahi tan ilaahaybaa umaqan waxaa lagu murmayaa ooysheeko maraysaa qadar aanlasaaxiibno mayee imaaraatis mayee turki kadaa anada dawlad hebelbaa magaaladanada waxsiisa taas marabnee miya anaga waxnasiinaysa halaraaco
    Ileen ceeblooma dhinto hhhhhhhhhhhhhhhhhh

    Gabadh shan nin wada shukaansanayaan oo ninkii la aqalgali lahaa kuwareersan ninwalbana sheekada libaaxa ugasheekaynayo makagarataa xaalka somaliya

  10. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    LOP, adeer inta ay reer Puntland dooranayaan C/Weli Gaas oo kale RAG ay ka midyihiin Cali X. Warsame & khaliif Ciise Mudana neecawda laga qarina KU TASHO inaysay Puntland marna horay u soconayn. Adeer waxaan u jeeda inaad adna qabto tii Gaas oo ahayd; “Turki ma Xamar buu tegay? haddaba annagu ma rabno”. Soo doorta Gaas & wax la mida SHAKI kuma jiro inay Puntland ka liidanayso cid kale iska daaye HIRSHABEELE. WBT




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
WARAYSI: Qosol iyo Sheeko ‘ Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho (Muuqaal)
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Qosol iyo Sheeko Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho
Rasaas culus oo laga maqlay Qasriga Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Rasaas culus ayaa Xalay laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada ...
MUUQAAL: Sh. Aadan Siiro oo si kulul Uga hadlay Arinta Berbera iyo Hadalkii Kasoo yeedhay Imaaraadka ! (Daawo)
- Apr 22, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Sheekh Aadan Siiro ayaa si kulul uga hadlay hadaladii wasiirada arimaha dibada ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiir Awood Badan Dawlada Qatar usoo magacowday Soomaaliya
- Apr 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay ...
Boqor Buur-madow oo Xabsiga laga sii daayey iyo Sababtii loo xidhay (Daawo)
- Apr 21, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Waxaa magaalada Hargeisa  Xabsiga laga soo daayey  Boqor-Cismaan Buur-madow , Wuxuuna sheegay ...

Featured Video