DHEGAYSO : C.wali Gaas “Ma jirto Cid noo buuxinaysa booska ay noo jogaan Imaraadku Carabtu, Wayna Joogayaan”

Garoowe (Kalshaale) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas oo booqday xeradda Ciidanka Badda Puntland ee ay gacanta ku hayso dowladda Imaraadku ayaa ka hadlay xaaladda dowladda imaraadka ee ku adan in ay ka guureen xeradda Ciidanka ee qow oo la sheegay in ay ka guureen ayna joojiyeen taakulayntii arrimaha ciidanka badda.

Gaas waa uu beeniyey arinta guuritaanka sarakiisha ka joogay dowladda Imaraadka waxaana uu yiri  ” waxaan idiin sheegaya in aan dowladda Imaraadka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankeena badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dowladda imaraadku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman”.Madaxweyne C.wali gaas

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA C.WALI GAAS

C.wali gaas waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmamay in wararka sheegaya in dowladda imaraadku ka guurtay Puntland ayna kala baxday sarakiil tababar u joogay xeradda Qow ee ciidanka badda Puntland , Waxaana Jiray shirar iyo kulamo arinta la xiriirta oo looga wada hadlay xal u helida arrimaha la xiriira guuritaanka imaraatka ee Boosaaso,taas ayaana keentay in isfaham laga gaaro sii joogitaanka imaraadka ee Puntland.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (64)

  1. Dabshid says:

    Walaale majidho cid caloosha noo buuxineyso hadey Dubai joogaan Berbera wey joogeysaa Boosaaso, hadey ka tagaan Berbera waa arin kale.

    Afku xoogle wadne bolol tilaabo dheere.

    – Buur-madow kala xaajoo Tukoraq ha u xoog badnaan nin kaa weyn iyo amarka Xamar ka soo baxo.

  2. sOmalilander says:

    Good job and Good news, dawlada jamhuuriyada PUNTLAND waan hambalyaynayaa sida wngsn ee danteedu ku JIDHO eey samaysay.

    GOOD MOVE.

    GOD BLESS SOMALILAND.

  3. shaxda says:

    Kkkkkkkkkkkkkkjkjkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. shaxda says:

    Camey warkiisi ayaa hirgay boowe mahaaga iska fadhi mindhaa wuxuu soo maqlay dawlada federaalka iyo imaaradka ayaa wadahadal toos ah usocdaa marka wuxuu isleeyahay koleyba wey heshinayaanee yaanlagaala hormarin bariiska

  5. Dusha says:

    Marka laga soo tago wareerka iyo walaahoowga siyaasadeed ee hareeyey dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar…oo aan hayn awood qorshe horumarineed iyo mid siyaasadeed siman oo uga yaal waddanka oo dhan….ma garanayo inta taas laga gaarayo…in maamul goboleedadu sidii ay isubdabbari jireen iyo ciddii ay howlaha horumarineed iyo amni ay la kaashan jireen ay sidoodii ula macaamilaan….awoodda dowladda federaalku ay horumar iyo amni waddankoo dhan gaara ku hanan karto ma muuqdo mana dhowa…

    Maamulka Puntland oo gacanta ku haya dhul istratiijiya.. aad u ballaaran, amnigiisa iyo horumarkiisa gorgortan iyo dammaanad laaan amni dhaqaale oo la hubiyey wax aan ahayn laguma dhiqi karo….

    Dhulka Puntland waa u muhiim horumar ahaan iyo nabadgelyo ahaan mandiqadda geeska guud ahaan, gaar ahaan Soomaliya. Dowladda federaalka oo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay maamuli weyday …the ghost districts of Mogadishu….xaafadihii laga guuray ee Xamar…wakhtigan ma kafaalo qaadi karto amniga Puntland oo ah saddex meelood hal meel bed ahaan dhulka Soomaaliya….kuna taal bar muhiima/strategic spot…oo ay isha iyo maanka ku hayaan inay cagdhigaan cadowga ummadda Soomaliyeed…

    marka laga soo tago ..”The old percieved theories of post colonial dictator ruled African countries”….fikradda la iska dhaadhiciyey ee gabowday ee rajiimadii digteeytarada ahaa ee gumaysiga ka dib Africa xukumayey ….ee qaatay fikradda gumaysiga laga dhaxlay ee ah…a nation of one city….taasi soconmayso wakhtigan xaadirkaa ee adduunka lagu hoggaaminayo aragti toosan oo diiradaysan until in the 24th century…

    Adduunka maanta waxaa hanti haysta..ninka haysta dhul nadiifa..bannaan…hawo furan nadiifa oo macaan leh…bad iyo biijaj leh..buuro iyo daruur isku gadaaman leh…biyo macaan oo hodona leh….heli kara suurana gelin kara amni iyo kala dambayn deegaamadiisa….leh dad iyo dal la xukumi karo xadaaradna ka suurtoobi karto, xirrir iyo ummad la dhaqan leh…dowlado iyo shucuub xuduudo la leh….waa meesha astaamahaas iyo kuwo kale maanta meelaha adduunka qaaliga ka ah oo qof walba lacagtiisa iyo naftiisa ku soo aamini karo…

    Puntland gacanna dowladnimada Soomaaliya ayey uga qayb qaadanaysaa…gacanna way isku tashanaysaa oo deegaankeeda horumarkiisa iyo amnigeeda cid kale kama sugayso….

  6. Wiil-Omar-Wacays says:

    Reer binti waale inaay Habarti Oromo da ahayd ee laso qafashay dhasheeda yihin waba cadwoow shiisheye kalkale

  7. Dusha says:

    Ma garanayo wax diidaya..

  8. Dabshid says:

    Shaxda

    Kkkkk

    Hordag iyo nalooma yeerin miyaa.

    Waxaan arki jirey saqiil ka kor ooyo dusha hooyadiis oo markii dhulka la dhigo ordo sidii asagoo Isku filan, oo hadana markuu kufo asagoo ooyahayo soo ordo.

    -Gobol Dal ugu yeer
    -Governor Madaxweyne ugu yeer
    – Only waxaa laga helaa Soomaalida Maanta.

  9. Dusha says:

    Dalka iyo dadku ma sugi karo inta xal laga helayo…the old ghost districts of Xamar…

    Inta xal loo helayo xaafadihii hore, laga guuray ee Xamar waa wakhti qiyaastii fog….marka looma dhumin karo intan ka badan mustaqbaka iyo jiilasha cusub ee soo kacaya…

    Waa in dhanna wixii la qaban karo qaran dhiska la sameeyo, dhanka kalana lagu fara adaygaa nabadda deegaaneed ee lagu soo tabcay ee ka jirto meelo Soomaaliya ka mida…

  10. Aarka hargaysa says:

    Oo sowkuwii baxayba mise waa war hore waar unagahubiya warkani waa mid hore

  11. Doorka says:

    Madaxda maamul goboleedyada ninba meesha uu heysto ayuu PIMP ka noqday. Wax laga naxaayo ma jiraan dalkaan wax walba waa beec. Aniga lama yaabni madaxdaan iyo inta la shaqeysato oo lacagta qaadatay laakiinse waxaan la yaabanahay masaakiintaan qurbaha qaxootiga ku ah rooti ismariska kunool oo dadka kula dagaalamaya maxaa nalooga hor taagan yahay dhulkeeda in qiimo jaban lagu iibiyo sida in lacagta jeebkooda si toos ah ugu dhaceyso.

  12. Mr BaHaL says:

    Boowe

    Kolayba anuu ma rumaysan wixii ka dhacay Garoowe ee la lahaa Puntland ayaa dawlada la safatay.Waa ka aamusnaa arinkaasi.

    Taariikhda ma dhicin dagaankaasi oo dawlad Somaliyeed taageeray.Oo shsihssye la’aan noolaada.

    Annaga Muqdisho ayaan wax u dhiibanay,Mr Gaas wax aan u dhibanay ayaaba yaraa.

    Boowe,Dr Abiy ayaa kuu yeedhaya e Adis iska xaadiri.

    Dalmida

  13. Dabshid says:

    Miyaad taqaan farqiga u dhaxeeyo Tuugsi iyo Wax qabad.

    Miyaad taqaan Farqiga u dhaxeeyo Dowlad dhexe iyo Dowlad hoose.

    Miyaad Taqaan farqiga u dhaxeeyo Dal iyo Gobol.

    Midnimo iyo Soomaalinimo waxaa uga dhow Somaliland.

  14. shaxda says:

    Dabshid

    Shalay waxaan daawaday mdaxweynaha dawlada puntland ee somaliya oo lakaftamaya buurmadee boowe anaga xagayaga dhibmajidho
    Waxaad yeeshaa muuse iigala hadal dhanka tukaraq af ayay inooga hartay haddii aan amuusno xamar ayaa nalagaga qoslaa ee noobaneya aabow kanyar iga celi kanweyn ayaan iska celinaa

  15. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Ma waxey kugu dhaheen Dowladda dhexe ayaan la safaney, Faan cidloobey ahaa.

    Duhurkii ayey arkeen Carabtii oo boorsooyinkooda qaatey, markaas ayey hor istaageen diyaaraddii ilaa ay dhaheen Shukoweyntii. Waan soo laaban doonaa ee ka hor wareega diyaaradda yaaney idin dardarine.

    -Talyani cadow hanaga tagin, Carab cadow caloosha noo buuxi.

  16. Dusha says:

    Sida taariikhda adduunyadii hore ina barayso…haddii magaalo amnigeedu dhumo…oo foowdo ka dillaacdo…oo dagaallo ka dhacaan, oo markaas dadkii asal ahaan u degganaa oo dabeecad yaqaanay ka tagaan…oo dad cusub oo aan magaaladii dabci aqoon yimaadaan….badanaa sida taariikhdu ina barayso magaaladaaas…waxaa afka qalaad la yiraahdaa…the old ghost city….waa sida …the old ghost city of Mogadishu…dabeecadda iyo sawirka hadda Xamar ka muuqda…waa sida ay ahaayeen magaalooyinkii hore ee taariikhdeeda oo kale lahaa…

    Markii sidan oo kale magaalo u noqoto…way adkaataa in sideedii hore oo kale ay ku soo noqoto dadaal kasta oo la sameeyo…waayo markii maamulkii hore ee magaaladaas u meesha ka baxo…waxaa magaalada ku xididaysta oo ku dhex milma danbiilayaasha, maafiyada noocyadeeda kala duwan, mukhaabaraadleyda iyo wardoonada qarsoon ee caalamigaa waxaas oo dhan ayaa ku xididaysta oo ka hawlgala, wayna adkaataa si laaga sifeeyo…dhammaan xoogaggaas qarsoon ee magaaladaas saldhigtaa waxay marwalba u taaganyihiin inaan magaaladaas maamul iyo kala dambayn aysan mar danbe ka hirgelin…waxaa ugu daran waa qolyaha mukhaabaraadka caalamigaa oo iyaguna xarko aan la furi karin ku yeesha….waana taas sababta dadkii hore u bixiyeen….the old ghost cities….loogana guuray….waad aragteen filimo aad u badan oo Hollywood kaa ayaa laga sameeyey….iyadoo markii laga guuray kadib loo soo gurmanayo si loo sifeeyo…kadibna dhib culus lagala kulmayo…

  17. Dabshid says:

    Ma Xamarbaad u jirantahey mise Dowlad Soomaaliyeed ayaad u jirantahey.

    -Xamar waxey heysaa waayeelkii ku noolaan waayey Saxaraha Garowe ee xushmee gogosha aabahaa ku jiifo adna qodaada uga soo fadhiiso- Carabi waa Qadaam Americane.

    * Dudumooyinkoo lala hadlaa Damac ma yeeshaane *

  18. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Boowe i fahansii arinka – adaa dadkaa iga yaqaane!!!kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Wallaahi warkaagaasi ayaa run ah.Waxay igu yidhaahdeen”Garoowe ayaa la safatay Dawladii Somaliyeed”.Waa eegay oo waxaan arkay wax aan fahmiwaayay.
    “Diyaaraddii ayaa la horjoogsaday iyo waa la fasaxay”.Hadalo iskhilaafsan ayaan arkay.

    Waxaa ii xigay Carabtii oo aan ka hadlin wax Putnland la yidhaa oo ay ka baxeenkkkkkk

    Jilbaha ayaa la qabsaday.Ha naga tagin.

    Yaa Carab,yaa akhii,yaa Jabarti Cade,yaa Abu fuluus,hanaga tagin.

    Arinku sidaa ayuu ahaa.
    Laakiin carabtu ama Emaaraatesku waxay ka hadleen Somaliya.Inay joojiyeen tababaradii.Hadalka Mr Gaas waa baryootan.

    Dalmida

  19. shaxda says:

    Dad waxaa ugu garaad yar nin gefsan oo gar isla leh…C/weli Gaas wuxuu dhex fadhiyaa dhiiqo uu afkiisa ku sameystay oo dhaxalsiin doonta guuldarro siyaasadeed kaddib markuu af-buuxa ku qirtay inuu yahay
    Gaas ma yaqaanaa waxa ay isku heystaan dowladahaan. Khilaafka ka dhex jira wadamada Khaliijka waa mid maskaxdiisa ka weyn uusan garan Karin, waxaa kaliya uu gartana waa inuu xoogaa baqshiish ah ka helo, wax kale uu dan ka leeyahyna ma jiraan…

  20. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Waad aragteen siduu u cadaaday Faroole.Ssidii Maska ayuu xuunka iska siibay kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Alloow barakee Muqdishi.Waa hooy barakaysan.Farooel ayaa markhaati ka ah.

    Odayga kale ee la yidhaa Cabdi Xaashi,isna halkaa ayuu kaga raystay biyola’aantii Hargeisakkkkkkkkkkkkkkkkk

    Waligaaba soco,Bariiska Muqdishaba wuu ku soo qaban.

    Dalmida

  21. shaxda says:

    لكل داء دواء الأ الحما قة oo micanaheedu yahay jirra kasta daawey leedahay intaan ka ahayn dabbaalnimo nacas daawo ma leh.
    Warkiisu waa cadyahay maxaa cunaa boowe garoowe iyo bosaaso qubo aaka dhamaatay

  22. Dusha says:

    Anigu barigii dhoweeyd ee la yiri halla mataaneeyo….Xamar…our old ghost city iyo magaalo madaxda the great state of Minnesota…St.Paul….waan taageeray…si wacan baan u taageeray….Xamar Vs. Garowe…waxaan taageeray in Xamar lala mataaneeyo why? Waxaan islahaa bal in waxuun magaaladaas sumacad loo soo celiyo…oo aad asturtaan…oo dadkaan reer maraykan ee markay Mogadishu maqlaan cabsi xaaddu kacayso siday monster arkeen bal caadi ha iska dhigeen…oo cabsidu haka ba’do…anigu saasaan u taageeray..saasaan weli u rabaa in mataanaynta Xamar iyo St. Paul ay hirgasho.

    Laakiin waxaa yaableh marka la yiri soo banshiga magaalada taariikhdeeda iyo sharafta gaarka ah ee ay leedahay…waa halkaas meesha dhibku ka taaganyahay…dee beenna naga soconmayso…waa halkaas meesha la mari la’yahay….ilayn St. Paul waa magaalo sharaf iyo sumacad huwan…waxay rabtaa inay ogaato taariikhda iyo sumacadda ay huwan tahay magaalada ay la mataanoobayso…guddi baanu ka warsugaynaa aanu niri war bal soo diyaariya taariikh la inaga aqbalayo ee Xamar..oo iyaguna research kooda iyo baaritaankooda ayey la imaanayaane, dee wax runa inoo keena….waan ka warsugaynaa…laakiin waan ka walaacsanahay sida looga dhaadhicinayo…

  23. Maxamud says:

    Comentiyadiina waa wada qabiili mxd ku eedeyneysan hogaamiyayasheena ileen inaga sidaan fikirkeenu yhy ayeey namatalaane

  24. shaxda says:

    Dabshib saaxiibka dusha wuxu soo malmaluuqay ma aqrisay inta hore ayaanka aqriyay garoowe oo shangaani ka taariiqweyn ayuu halkaan kusoo malmaluuqay
    Kuye St.paul ayaa inaga sugeysa taariiqda xamar leedahay boowe st paul waxaad ku tiraahdaa anaga oo reer garowe =gofafka kaaraan kaxage nala mataanooba
    Aalagaa yidhi waa haddey st paul puntland macadalaa goof garoowe

  25. Ahmed Najaad says:

    Lagu sii qaad dheh

  26. NUURKANEDERLAND says:

    CALAACAL IGA DHEH

  27. Dabshid says:

    Shaxda

    Kkkkk

    Mar mar ayaan is dhahaa Kalshaale waa lagu aqli guuraa.

    Garowe iyo Shingaani hala mataaneeyo waa macquul. Laakiin Bakeyle waa ku miisaan Maroodi soo aqli guur maahan.

  28. Dabshid says:

    Mr BaHal

    ilaa laga soo xareynhayo Habraha Hargeysa, la karimahayo Habarta Bari.

    -markey u xisaabtamaan salaanta Addis Ababa ayey ku raftaan nalooma juuqin na lagama tashan.

  29. Aarka hargaysa says:

    Puntland way u madax banaantahay diday xidhiidhka layelanayso waa rag tashaday turkigaan dhuuqayaa iyo qatar adna halkaa fadhi

  30. Aarka hargaysa says:

    Dabshid sxb turjigaaga kasaar wadanka markasuu gaasna kasaar carabe

  31. Dabshid says:

    Aarka

    Bari iyo Nugaal waa labo gobol oo aan laheyn wax soo saar kama maarmaan kabka dowlad dhexe. Faan calool ma buuxsho Tuugmana laguma Tanaado taas waaye Xaqiiqada seeteyn Bari.

    Hala xaq dhowro heshiiskii 1958 ee midnimada Koofur iyo Waqooyi.

  32. Aarka hargaysa says:

    Dabshid sxb waahagaag isasoo saxa

  33. Dabshid says:

    Aarka

    Waxaad is weydiisaa hal su’aal.

    Ethiopia waxey isticmaashaa dekedda Jabuuti oo 90% kala soo degto badeeco oo waliba aad ugu dhow Berbera iyo Boosaaso ama Hobyo iyo Kismaayo, sidoo kale wali waxey isticmaalaan Asab iyo Asmara ( Eritrea) oo ay yahiin dad walaalo ah.

    Reasonka Carabtu Biro been ah u keenayso Bari iyo Berbera kama ahan horumarin ee waa ka hortag Dowladaha wado horumarinta Dekedaha East Africa sida Turkey iyo Chine.

    Hadey Chine dhisaan dekedaha Somaliya waxey noqonkaraan kuwo Tartan kula jiro Dubai.

    Arintaani waxey la mid tahey heshiisyadii ay dowladadihii hore la gashey SHIRKADDA SHIDAALKA ee SHELL oo hadda diidan in shirkado kale iyo rabitaanka Soomaaliyeed lagu baaro shidaalka Soomaaliya.

    – Tartamahaada Dekedaha u dhiibo Furaha Albaabka soo maahan- CALOOL BAAHANEY CUNTO WAAD RABTAA ciidada Gado.

    * Dudumohoo lala hadlaa Damac ma yeeshaane*

  34. Aarka hargaysa says:

    Danshid sidii kuwii geeljiruhu uhadli jireen ayaad uhadlaysaa sxb dakadaha waa lagu tartamayaa waxaana tartamayaa waa Barbara iyo jabuuti koonfur waa iskaqoobad aan muhiim ganacsiga u ahayn haa waaruntaa shinaha iyo reer galbeed ayaa tartamaya shinihii jabuuti ayuu dagay reer galbeedna somaliland markaa ciyaarta kymajirtaan ee dusha kadaawada mida kale carabta ayaa dakadahooda ubaqaya waa sheeko ciyaal Canada 🍁 iyo arjantiina iyo yurub ayay dakadahooda lawareegeene ma majal Cali ayay kuwana ugabaqeen kkkkkkkkk kkkkkkkkk

  35. Aarka hargaysa says:

    Shaqadiina dakada barbara way socotaa sidookale saldhigii waa socdaan

  36. Dusha says:

    Kkkkk….markii boardka magaalada St. Paul na weediiyeen inaan soo gudbinno taariikhda wanaagsan ee Xamar ayaan boardkii St. Paul ka codsanay inay wakhti na siiyaan…waa yahay bay yiraahdeen…labo wiik baan qabsanay inaan ku keenayno taariikhda wanaagsan ee magaala madaxda Xamar…kkkkkk…

    Annagii Soomaalida ahayd baa isku noqonnay..war maxaan sheegnaa…qodobada boardka St. Paul sida gaarkaa u eegayo waxaa ka mida…

    1..Taariikhda nabadgalyo ee magaalada

    2…Xurmada biniaadamka ee magaaladu ku wanaagsantahay…

    3…Xuquuq iyo ixtiraan la wadaago oo magaaladu leedahay.

    4…inay leedahay hay’ado dimuqraadiya oo shaqaynaya..

    5…In shacabka magaaladu yahay dad xadaarad horusocod leh oo horumarsan…iwm

    Marka waa nala sugayaa group reer Xamar ah ayaan niri idinku soo diyaariya waxaan la hortegi lahayn boardka magaalada St. Paul. Wakhtigii waa la dhaafay qolyihii reer Xamar ee la sugayayna weli wax wara lagama hayo…

  37. Aarka hargaysa says:

    Dabshid waadiga turkiga furayaasha udheebtee damaanada ma muuse suudi yalaxow ayaa idinka masuula

  38. wiil hiraab says:

    imaaradki hadmuu goey doraat gaasna maantu so baraarugey hurda weeyne STATE Of QATAR iyana waxa ay xamar kuso gurtey bussaski Karwa e Doha shaagaga kaso leeysey sidey Hindi iyo Philipin ugu eryayeen e Shekha Mussa so nacdey xamarna waa u cusubyihin wixi cusub caalinka jecel kkkkkkkkkk

  39. wiil hiraab says:

    xeryihi imaaradku ku tababari jirey ciidamada e ku yaaley muqdisho iyo nawaxigeeda o maantey la bililiqeeystey kadib marki saakey ay isaga baxeen sarakishi imaaradka ciidamadi ay tababareena u sheegen in ay suuqa wadda galaan markaas kadib ayeey cidamadi somaalidu bililiqo iyo kala boob ugu dhaqaaqen wixi gaadid iyo hub yaaley xerada wixi gaadid dagaal ahaana waxa ay gacanta u galeen wiilashi Hiraab o degaanka ahaa ragi laga keeney gobolada iyana waxa ay qaaten wixi qorya fudud ahaa isla maantana waxa laga dareemey suuqyada cirtoogte o durbaba lagu kala ibsanayey qoryihi fududaa

  40. Aarka hargaysa says:

    Wiil hiraab qosolka hayga dhamayn anigu waxaan kuu hubaa in somali ay wiilasha hiraab ugu quwad waynyihiin sababtoo ah waxaa turkigu iyo aduunkuba tobobaraan waa hiraab waanan kufaraxsanahay kkkkkkkkk kkkkkkkkk

  41. Laalays says:

    Puntland xaq bay u leedahay in meesha danteedu ku jirto la macaamisho.

    Qofkaa arinkaa ka xumaadaana waa xaasid.

  42. Aarka hargaysa says:

    Madaxwayne shariif sakiin Madaxwayne axmad madoobe madaxwayne xaaf madaxwayne ka hirshabeele madaxwayne Gaas madaxwayne farmaajo waligiin ma aragteen 6 madaxwayne oo wadan kaliya wada maamula mid canbojiyan Keena mid turkiga wata mid carabwata hawareegto giraantu waxaasoo dhan anagaa kadanbayna

  43. Land of Punt says:

    Aniga waan sheegay! Cid kasta ha iska riyooto iyo walaalo cusub oo Turki la yiraado ayaa helnay oo Xamar soo dhaafin, oo diyaaradooda Turkish airland tahay tickekta ugu qaalisan aduunka, most profitible distination forTurkish airland, is Mogadishu ticket.
    Waan xanaaqsanaa in Gaas Uusbuur Puntland dan u hayn, laakiin caawa waan la noqday hadalkaygii markaan warkiisa dhageystay.
    After all: he is smart man.
    Waa run kama maarano hadaan Somali nahay ganacsiga naga dhaxeeya Khaliijka! Xamar xitaa ku dar!!
    Waa Somali national intrest or Puntlands most vital intrest.

  44. Dusha says:

    Ka dhagayso Puntlandi moowqifka guddoomiyaha xiriirka debadda ee aqalka sare ee Soomaaliya ahan senator matala Puntland

    http://puntlandi.com/dhegayso-senator-jiruule-puntland-cid-uga-muhiimsan-imaaraatka-majirto-mana-jiridoonto-waana-inay-shacabka-reer-puntkand-iyo-dowladdooda-dareenkaas-qabaan/ Senator Jurriile…

  45. Laalays says:

    Dusha

    Maanta meel baynu kawada kaliumaysaynaa miyaa?

    Kkkkk

  46. Land of Punt says:

    Dabshid
    Waa maxay caawa banta kaa socota? Kkkkk
    Puntland Bari iyo Nugaal maaha keliya waxaa ilowday Mudug iyo Sanaag..
    Lkkkkk
    Aniga Baraxley ha iisoo dhaafin😅
    Puntland Somalia dhul ahaan waa bar, bad ahaan wa bar!
    Red sea iyo Indian ocean.?
    Xamar HAG, Amisom iyo Shabaab aya ku xaaray!
    Kkkk
    Somailand tagtay Puntland wax yar ka sokaysaa!
    Yaa cawaan Dabshid la aqli ah wax ku darsan kara?
    Vivo Dhul Udug, dhabarka xijiya Koofur.
    Isku taahada!
    ✌️

  47. Laalays says:

    Loo

    Waar horumarka halkaa inooga sii wada reer Puntland, wixii kasoo baxana;

    Ama Waynu wada qaybsan ama waanu idinka boobiye😀😀😀

    Looooooooooiiil.kkkkkkkkkkkkkkkk

  48. Dabshid says:

    Aarka hargaysa

    Hadalkeygii wuu ku dabo marey, anigu kama hadlin tartanka dekedaha i ee Waxaan ka hadley QOFKUU Tartanku kaala dhexeeyay Fure ma u dhiiban laheyd ama horumariye ma kuu noqonkaraa.

    Dekedaha Emaaradka iyo Dekedaha Soomaaliya tartan ayaa ka dhaxeeyo,

    Laakiin Dekedaha Chine ama Turkey tartan Kalama dhexeeyo Dekedaha Soomaaliya because deris maahin. Fahantu.

    Waa hadey doodu tahey cilmiyan iyo dhicikarto.

  49. Aarka hargaysa says:

    Land of punt maxaad tidhi somaliland tagtay puntland inyarbay kasokaysaa kkkkkkkkk kkkkkkkkk dhabaeka xijiya muqdisho

  50. Aarka hargaysa says:

    Dabshid sxb maxaad maalgalinta nogu diidaysaa adna aad taada umaal gashanaysaa bal nooga jawaab

  51. Aarka hargaysa says:

    Dabshid xaradii imaradka muqdisho waa labililiqaystay baa lashegayaa see wax ujiraan

  52. Aarka hargaysa says:

    Walee somali waa Kala xaraabaan sanaysaa kkkkkkkkjjjjjjjjjj kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk

  53. Dusha says:

    Laaleys

    Siyaasadda in lagu kala aragtiduwanaada waa caadi. Micnaheedu maaha isnac xasadnimo, nololdiid, horumardiid, iyo curyaamin.

    Miyaad aragtay anoo mucaaradaya mashaariicda Berbera? Waa maya. Why? Because maxaa iska galay mashaariic nolol raadisa iyo siyaasad…

    Adeer siyasaddan Soomaalidu waa ku dawakhantay…wax kasta siyaasad jirran bay ku fiirinayaan…

    Waxaan sugayey maalintii baarlamaanka Soomaalidu arrinta Berbera la lahaa waa ka doodayaan inay soo bandhigaan khaladka iyo hadday jirto khayaanada ku jirta…sidaan doodaas xalaashaa u sugaynay, ayey waxay arrintiiba ka bilaabeen qiiro japantii lagu yiqiinay, inay labadii gacmoodba inta taageen…ay yiraahdaan…waa diidnay…may sheegin waxay ku diideen…

    Anigu adiga Laaleys siyaasad aynu ku kala duwanahay waa jirtaa….laakiin inta adiga aan kugu raacsanahay baa ka badan inta aan Xamar iyo Koonfur ku raacsanahay…..

    Adiga waxaan isla fahansanahay…

    1..nabadda inay tabac tahay

    2..nolosha iyo horumarka deegaanka oo la dhowro..siyaasadna laga fogeeyo..

    3…isdhexgalka, isu socodka, baacmushtarka oo lawada ilaaliyo ninba dhankiisa…

    5….waxbadan oo iskaasshi shacaba oo socda..

    6…qofka oo ku noolaan kara kana shaqaysan kara, kana adeegan kara.. Puntland iyo Soomaaliland kuu doono si nabada…iwm…

    Intaas iyo ka badan oo wanaaga baan kugu waafaqsanahay, adeer intaas hadda igu filan…inta dhimanna wakhtigeeda ayaan sugayaa….wanaagga hadda la hayo in la ilaaliyo ayaa muhiima intaan halka iyo labada aan kugu khilaafsanahay ay i indha tiri lahaayeen…fahamtu…

  54. Laalays says:

    Dusha

    Ana intaaba waan kugu raacsanahay Ugaas👍

  55. Laalays says:

    Qof caqli saliim ah ayaad tahay runtii👍👍👍

  56. Land of Punt says:

    Aarka Hargeysa
    Waa run, haddii Turki yiraado Ceel biyo u qodin puntland maya ayey oran, horumar kale iskadaaye, hadana Xamar unukaa leh Xaad kasoo jirihee iyo marti la ii yahay!
    Hadaad nolol samayso damacdo xitaa jid dhisan la maqlo xaasidnimo iyo buuq!
    Qof waxba kuu ogolayn sidee dal ula yeelan!
    Sxb tani kala socotay!

  57. jaamac says:

    salaamulaahi calaykum

  58. Garqaad says:

    Turkiya tolkeen waaye.

    Carab xabashi kukuuyo. Xaasidkeena waaye.

    Sisayaasadda garoowe taalo iyo shacabka bari degan wexey aaminsan yihiin waa wax aad u kala fog.

    Shacabka bari degan markii dekadda bosaaso lagu wareejiyay emaraad wexey kala kulmeen dhibaato weyn. Waxaa ii muuqato in ay ka go.an tahay in ay racaan ammarka dowladooda xamar kasoo boxay.

    Waxaan rejeynayaa shacabka bari degan in ay jawaab ka bixiyaan hadalka jilicsan ee kasoo yeeray mr gaas.

  59. Mr BaHaL says:

    Somaligu dadka kale ayuu u baahan yahaye uma baahna Somaliga kale.Si kale hadaan u eegno – waxan odhankartaa;Somaligu waa Tuug iibinaya wadankiisa iyo dadkiisa oo fuliya danaha dadka kale ay ka leeyihiin Somaliya.Tan ayaa keentay inuu Somaligu la coloobo Somaliga kale oo uu shisheeye ku xidho danisiiha oo dhan.

    Xamar waa cadowgeena,Walaalaheena Ethopiya.Xamar waxba naga dhexeeyaane Emaaraateska ayaan la leenahay wax walba.
    Hadba cidii wadanka dano kale uunbaa noqonaysa kuwa ku xiga.
    Bal dhegaysta Mr Gaas:
    Emaaraateska cid galaysa halkooda ma jirto.

    Mr.Gaas begs for attention.

    Dalmida

  60. Cadaado says:

    ASC, dhamaantii.
    Problem ka iyo mushkilada heeysta Somaliya iyo dowladnimadeeda ayaa waxeey tahay, dowladda dhexe waa shirka ku ah qabiilada Somaliya oo dhan. Qabiiladaas qaarkood dadka xilka u haya waxeey daacad u yahiin qabiilkooda, qabiilaada kalena waa dad daacad u ah dowladnimo Somaliyeed, taas oo ka dhiggi karta qoladaan danbe in eey yahiin dad caqli daanyeer leh oo doqomo ah.

    Xildhibaan Jurrile, iyo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliya, Mr. Cawad, waxeey daacad u yahiin qabiilkooda. Waana daanyeero. Laakiin, waxaa ka daanyeersan oo ka wasaqsan madaxweeynahaan Somaliya Mr. Farmaajo, ee Mareexeeanka, ah, amaba Hawiyaha daanyeertanta ah ee tashan waayay.

    That is the fucking probelm in Somalia.
    Kuwa Hawiaya ah oo dawaqsan oo badan ayaan u jeedaa, oo fahmi la’a sidii eey ula deal gareeyn lahaayeen, amaba ula macaamiltami lahaayeen labadaan qabiil ee Majeerteen iyo Isaaq ee is abaabulay. Intooda badan doqomadaan Hawiyaha waxeey la saftaan Isaaq, oo wali marsada kaarar been ah sida Iriir, Islaam iyo diin been laga sheegayo, iyo “hayaay iska ilaali Daarood” Laakiin, waxeeysan ogeeyn qolooyinkaan doqomada ah ee Hawiyaha horbooda, in bal eey ka sahlantahay si eey labadaan qabiil ee qatarta ku ah dowladnimada Somaliya, eey sahlantahay in lala shaqeeysto, lalana heshiiyo Majeerteenka iyo mahbarkooda, kahor inta aanan gacanta loo fiddin Isaaqa. Waa siyaasad eey dad caqli laawayaal hogaamiyaan midda dowladda dhexe, iyo midda dadkaan daanyeerada ah ee Hawiya, ee calanka Somaliya isku duuba, iyadda oo eey caruurtooda iyo waalidkood dacdaran yahiinh. Daanyeer waaye, ninka igala hadlaya Somaliya iyo dowladnimo, isaga oo caruurtiisa iyo naagahooda eey ilaalinayana Afrikaan, hadii eey rabaana wasayaan. Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video