Daawo Muuqaal: Wadahadal toos ah oo Somalia iyo Imaaraadka u bilowday iyo Waxa kasoo baxay Shirkii Sucuudiga !

Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Wasaaradda arrimahad dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay hormarada kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.

‘’Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuu kaloo weydiistay caalamka Carabta in go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee Jaamacada Carabta iyo kan hadda soo dhamaaday ee ku aadan taageerada Soomaaliya in la fuliyo, madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay midnimada caalamka Carabta islamarkaana la ilaaliyo walaalnimada iyo sharafta’’

Dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay ay jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku u gudbiyeen Jaamacada Carabta gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARAYSIGA 

Mar uu ka jawaabay su’aal aheyd madaama uu xumaaday xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Imaaaraadka in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dowladood laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.

‘’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socta ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wada hadallada ayuu sheegay in hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Ali Zubeer says:

    Bro Hayaan

    Asa

    Ciddii nixi lahayd iyo ciddi kaleba wallaahi Muqdishu quruxdeeda iyo bilicdeeda way soo noqotay. Dal waynu leenahay laakiin nijaas baa ku xaartay Somali u badan iyo ajaanib iwm.

    Bal khayraadka ceega baddeeda from jaziirada Kayunka (beyond Raskambooni) to Saylac bal eega aynu ka baahannahay.

    – I think dunida badankeeda kalluunkeenna ayaan ka iibin karna. That means $ for all our families.

    – Webiyada is jiidhaya iyagana fiiriya oo noogu filan agro business oo dhan oo weliba commerical geli kara iyagoo dabooli kara our food security.

    – Xoolaheena geela, lo’da iyo gaabanow adhi………waxay dabooli karaan caanaha iyo bi product of milk, hilibka, hargaha iwm oo dalka ku filan commercialna geli kari. That means $$$$$$ for every Somali family

    – Minerals iyaga warkooda daa from Uranium, black Gold oil iwm. That is billion dollar commercial and Somali middle class wada noqdaan in short period.

    – Ugaadha iyo dalkxiiska warkooda daa oo ah billion dollar business ah.

    – Solar energy ama tamarta qorraxda warkeeda daa

    – Career skills/education ka soo baxaya oo dabooli kara baahida qarankan, weliba dunida u dhoofiin kara aqoontada

    .

    Waddan intaasi iyo ka badan kulmiyay si fudud ayuu industrial u noqon karaa haddii uu helo good governance iyo dad visionary ah oo qabylaadda xabaal ku tuura…….

    Soomaali maryooleey hurdada ka kaca oo dalkiinna dheefsada

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors
    Down Amhara/UAE lackeys

  2. Ali Zubeer says:

    Imaaraadka waa nijaas socota waa in meel lagu xidhaa.

    Somalia waa inay daanyeertan u sheegtaa

    In Somalia mid qudha tahay oo dalka noo dhaafaan.

    Period……

    Farmaajo intaa haddii uu sameeyo khidmad ballaadhan ayuu Somalia u qabtay.

    Haddii uu intaa qaban waayo dee hana dhaafo.

    Viva Soomaaliwayn
    Down Arab lackeys/Ahmara lovers

  3. Dabshid says:

    Carabta waa Rati u raran reer Galbeed, bal aqligiina yarkaa weydiiya Carabey xageed jirteen intuusan Turkey imaan dalka kahor. .

    Reer galbeed oo ka maseyrsan Turkey ayaa soo kireystey Shuko Weynta, Soomaali faqri iyo Jahli isku darsateyna aqligoodu waa maxaan cunaa maanta.

    * Dudumooyinkoo lala hadlaa Damac mayeeshaane *

  4. Cadaado says:

    ASC Ali zubeer iyo Dabshid, iyo walaalaha kale ee iga dambeeyay.

    Waa nasiib darro, iyo nijaasnimada qabiilada Somaliyeed ee kala duwan ee quranka ah ee sameeyeen, in madaxweeynaeena iyo Somali oo dhan futada u dhigtaan carab khaniisiin ah. Waa ayaan darro, iyo nijaasnimo eey sameeyeen daanyeertii qabqablayaasha dagaalka Xamar, iyo hadeer nijaasta alshababaak iyo Xassan Daahir Aweeys, in carabta madaxweenaheena Somaliya, Mr. Farmaajo, inta diyaarad u soo dirraan, hadanna ku hanadadaddaan in uusan waxa u dan u ah dadkiiisa iyo dalkiisa uusan sheegi karrin.

    Diyaarad uu dalkale kuusoo dirray, iyo hotel uu dal kale kaa bixiyay, marka aad isticmaaleeyso, dhillo lawasay camal ayaad noqon.

    Daanyeerta madaxda Somalida isku sheegta, waa in eey joojiyaan isticmaalka dad iyo dal kale xoolahooda.

    Hadii aad isticmaasho qof kale waxiisa, waxuu lamid yahay adiga oo dhillo camal ah.

    Dadka kaliya oo aanan fahmi karrin waxa aan ka hadlayo waa dad daanyeero ah, amaba dad dhilooyin waligood ahaa oo daanyeero ah.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  5. Land of Punt says:

    War horta Somalida waa dabaalo.
    Ma la socotaan in hantida Somalia 70% taalo UAE.
    Xitaa 100 dolar ehelkaaga u dirto ku dhacdo Dubai!
    Hanti Somaliyeed oo billion dolar ayey dhici karaan sida u dhaceen Qadar!
    Irisiqa ilaah ayaa bixiya laakiin dano badan oo dhaqaale, culture iyo taariiq ayaa noogu jira dalalkaas.
    Emiratka waxaa kadabaxqaatay Turki oo aniga tuug cusub oo danihiisa wara u arko.
    Turkish Airline waxay Muqdishu ka faaiiday Lacag weligeed meelkale ka helin, waayo cidkale kula tartanaa ma jirto, inta doonaan ku saaran.
    Dubai waa laga abaal dhacay.
    Gaas Uusbuur waa nin rajo ka qaba in Somalia Madaxweyne ka noqdo, danihii Puntland wuu gatay!
    My opinion.🙊

  6. Dabshid says:

    Land of Punt

    Warkaadu waxaa waaye CADKA RAG ISKU RAACEY ayaa na hogaamiyo, Gaas iyo Madaxweyne Villa Xamar waxey la mid tahey Soomaalidii Gabdhaha ula bixijirey Barliin jaceyl ay u qabaan Berlin awgeed.

    Xoriyo ninkasto ma geeyo.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video