Muuqaal: Imaaraadka oo Go’aansaday Joojinta Tababarkii Ciidanka Soomaliya iyo Al-jazeera oo Warbixin ku eegtay

Muqdisho (Kalshaale) Dowlada Imaaraatka ayaa go’aansatay in ay jiijiso tababaradii iyo taageeradii ay siineysay ciidanka Milatariga Soomaaliya, kadib markii meeshii ugu xumeyd uu gaaray xiriirka labada dal u dhaxeeya

Wakaalada wararka u faafisa Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa shaacisay in dowlada Imaaraatka ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siinayeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland .

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay ka carootay lacagtii ay boorsooyin ku wateren diblumaasiyiin Imaaraatka u dhashay oo dhawaan lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wakaalada Wararka ee WAM ayaa sheegtay in dowlada Imaaraatka aad uga xumaatay sida ay u dhaqantay dowlada Soomaaliya, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dowlada Imaaraatka tababar siisay in ka badan 2,400 oo askari.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa Muqdisho iyo Puntland ku laheyd xeryo ay ku tababarto ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraatka dhaqaale iyo agaba siiyeen ciidamada ay Soomaaliya u tababareen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL | WARBIXINT AL-JAZEERA 

Imaaraatka ayaa Soomaaliya kala baxday qeyb kamid ah Saraakiishii tababareesay Ciidanka Kumaandooska Soomaalia, waxa ayna arintan cirka kusii shareertay xiriirka aan wanaagsaneyn ee labada dal u dhaxeeya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. Ali Zubeer says:

    UAE waxaan ka imid shalay, waxaanan caawa dareemayaa shucuurta Soomaalida iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in nijaasta imaaraadka ka baxaan Soomaaliya.

    Waxay UAE ahayd dowlad dowlad kale ku dhex jirta.

    Waa in sanka dhuudhiga Ugandeska. Xabashida iwm ka baxaan dalka not tomorrow but today.

    Waxaan la yaabay kibirka iyo isla waynida Soomaalida iyo sida weli spiritka Soomaalida weli u jabin despite mounting obstacles.

    Viva Soomaaliwayn
    Down UAE ninjaas
    Down Amhara lovers
    Down all Somali traitors

  2. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin, qaastan Ali Zubeer, congrats, ayaan ku leeyahay in aad kastoo tagtay Imaaaraadka carabta. Waligeey hal mar ayaan tagay 2014, oo aan hooyadeey u geeymay “medical tourism” Waxaan joogay 40 maalin, inkatoo eeysan lamid aheeyn qof ku nolaa sannado badan, hadanna, waxaan ku ogaaday aadaab xumadda, tarbiyad xumada eey kula dhaqmaan Imaaraadka dadka eey ugu yeeraan Muwaafid ayaan u maleeyn, oo ah aliens, sida Bangladheshka, Somalida iyo dhamaan dadka kale oo ajnabiga ah. Kaaga darrane, dadka bangaledeshka, oo misaajidyada cowska ka jarra, oo xaaqa, amaba nadiifaya, walaahi sida eey ula dhaqmayaan hadaan aragta waad caloool xumaan. Qof aan ehelnahay ayaa ka’ahaa Imaamka mid kamid ah Imaaradaha, sidaas owgeed, si dhow ayaan u wareeystay una bartay dhalinyaradii ka shaqeeyneesya mijaasjidka sida eey lacag yar ugu shaqeeynayeen, iyo fasax la’aan [hal maalin oo mid kamid ah labadda ciid ee islaamka ayeey ii sheegeen in la fasaxo, inta kale 364 days a year waa shaqeeyaan. Wax aanan bani’aadam lasiin ayaana lasiiyaa.

    Anyhow, sida uu Cali Zubeer sheegay, ciidankooda eey tababaraan danno eey iyaga leeyahiin ayeey ku fushan jirreen.

    Aad iyo aad ayaana ugu amaani xukuumadda uu hogaamiya madaxweeyne Farmaajo, ugu yaraan in eey “chalenge” gareeyeen carabtaan Imaaraadka, iyo waxa eey ka wadeen. Waana faa’iidada eey leeyahiin marmar dad qurbaha kayimid in eey dalka hogaamiyaan. Maxaa yeelay dadkii xukuumadahii hore hogaaminayay, carabta xataa indhaha kama fiirin karrin, oo lacag eey wataan carabta, iyo kalsnooni darro darteed, iyo ogaan la’aan xuquuqda iyo sharafka uu wadan leeyahay, iyaga oo aan ogeeyn ayeey carabta waxyaabo badan marsiisan jirreen. Still, xataa waxaan aaminsanahay madaxweeyne Farmaajo “chalenge” maahanee, in uusan sidii larabay ula dhaqmin carabta, sida in uuba xariirka u jarra, in uusan raacin diyaaradaha eey u soo dirraan. Sababtoo ah, qof iyo dal diyaarad “charter” ah kuu soo dirray, waa adagtahay in aad isku taago, waliba adiga oo uu hoteel uu leeyahayna kuseexiyay.

    Markale, qalad ayeeyba aheeyd Imaaraadka habka eey ku joogeen Somaliyeed, iyo sida eey qabiilada Somaliyeed qaarkood midba gooni ula macaamilayeen. oo heshiisyo ula galayeen, heshiisyadaas oo qabiilada kale ee Somaliya iyo dowladda dhexe ee Somaliya eeysan qeeyb ka’aheen.

    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Land of Punt says:

    Waan ku faray in Somali independent country tahay oo cidna wax u yeerin karin.
    Having Said that! Kuwa Xamar horbooda ma fahmi karaan culayska arinkan leeyahay, dad danyar oo ganacsigooda ku xirnaa Dubai iyo Sacuudiga!
    Bal hadalkaas iga qora, Khayre iyo Farmaajo waa ku fashimeen xiriirkii dibedda!
    Somali wadanimo wado iyo dowladiina ku dabafayla ayey heleen laakiin ma ogyihiin go’aamada qaateen iyo consequence ka dambeeya.
    I doubt. Time will tell us.
    😏

  4. Cadaado says:

    Land of punt,
    horta waan kusalaamay. Ninyahow don’t worry. Oo cabsida iska daa. Sweden ayaad joogtaa aduunkana waad martay. Miyaadan ogeeyn in waxa aad u suuq geeyso Imaaraadka aad u iib geeyn karto 50 wadan oo kale. S lamid ahna aad uga soo gadan karto bagaashka iyo qashinnka eey Soamlida kasooo gataan Imaaraadka 50 dal oo kale?

    Sida aad sheegtay time will tell, ee bal haku garab ordin, oo sida uu maamulka reerkaaga sameeyay oo ah tilaabo saxan, garab istaaga dowladnimada iyo hogaanka dowladda dhexe. Looma baahna, in qabiilada Somaliya eey u kala ordaan, heshiisyana lagalaan dalal kale.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  5. Mr BaHaL says:

    Warkaasi,war ka fiican oo ka farxad badan maan maqal muddo dheer.Hadii aan aahaan lahaa Formaajo ama Khayre,waan xidhi lahaa ninkaasi lacagta watay ee kiishka ku soo qaaday si uu Alshabaab ugu maalgaliyo.Hadiise ay iska dhaafeen oo xidhiidhka u jareen meeshan yar ee Emaaraateska waa u hambalyaynayaa.

    Runtii waxaad moodaa in ay Somalidu wax soo fahmayaan,gaar ahaan Mr Formaajo waa nin daacad ah – hayska shaqo yaraado oo hasyka aamusnaadee,daacad ayuu u socdaa iyo inuu wadanku wax noqdo.

    Land of Punt

    Fiiri.Ethopiya,Kenya,Jabuuti oo dhamaantood jaar inala ah,oo waliba innaga nolol fiican 100/100,waxba kagama xidhna oo xataa uma baahna.Maxaa adiga kaa xumaanaya,waxbaba ma hayside?

    Waxba ma dhoofisid,waxba ma soo saartid,maxaa kaa xumaan.
    Emaaraateska iyaga ayaa u baahan Somalida oo Somalida ayaa iyaga wax ka iibsada.Haday iswalaan,dee dadku meel kaleba wax way ka soo iibsan.Hadii uu jiro wax yar oo aad gaysaan Emaaraateska,dee meel kaleba waa la gayndoonaa.

    Formaajo guul wayn ayuu ka soo hooyay arinkaasi.

    Dalmida

  6. Ali Zubeer says:

    Bro Cadaado

    Asa

    I feel proud to b back to my homeland. Aqalkeennii Caasa populare ayaan maanta soo booqanaya iyagoo ay jiraan kuwa kale oo degmooyinka Xamar ku yaal.

    Ishaad ka ridday, imaaraadka waa nijaas yahuud ah. Bal siday u tababari karaan ciidan Soomaaliyeed. Yaab. Waa mashruuc dalka lagu bililiqaysanay.

    Mr Bahal

    Labadan nin khalad kasta oo ay sameeyaan, qarannimada wax bay ka soo nooleeyeen. Waxaana taa keenaysa in shacabkan dowladnimada doonayaan.

    Viva Soomaaliwayn
    Down Amhara lovers
    Down Somali traitors/Arab lackeys

  7. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin, qaasatan suldan Ali Zubeer, iska ilaali cadowga umadda Somaliyeed iyo munafafaqiqiinta dabadhilifka ah, waxaa igu maqaal ah in eey aad u xoog badan yahiin Casabobabolari iyo xaafada Hodan; ninyahow ninf qiimo ugu fadhiyo Somalidda caqliga leh, ayaad tahay ee taxadar baddan muuji, oo is ilaali. Yeeysan daanyeerta meel cidla ah kaa hellin. Ilaahey haku xifdiyo. Adiguunna muuji taxaddir aad u baddan, iyo in aadan daanyeerk kasta iska aamnin. Ilaahey idinkiis, dadka Somalilyeed maslaxadooda guud weey ka faa’iidi doonaan caqligaada iyo waaya araganimadadaada. Is ilaali, taxadar.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Rasaas culus oo laga maqlay Qasriga Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Rasaas culus ayaa Xalay laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada ...
MUUQAAL: Sh. Aadan Siiro oo si kulul Uga hadlay Arinta Berbera iyo Hadalkii Kasoo yeedhay Imaaraadka ! (Daawo)
- Apr 22, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Sheekh Aadan Siiro ayaa si kulul uga hadlay hadaladii wasiirada arimaha dibada ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiir Awood Badan Dawlada Qatar usoo magacowday Soomaaliya
- Apr 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay ...
Boqor Buur-madow oo Xabsiga laga sii daayey iyo Sababtii loo xidhay (Daawo)
- Apr 21, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Waxaa magaalada Hargeisa  Xabsiga laga soo daayey  Boqor-Cismaan Buur-madow , Wuxuuna sheegay ...
Muuqaal: C.xakiin Camey oo ka hadlay KIIN JAAMAC iyo Buuqii ka dhashay Safar ay Muqdisho ku timid (Daawo)
- Apr 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) C.xakiin Camey oo ka hadlay Kiin Jaamac iyo Buuqii ka dhashay Safarkeeda Muqdisho ...

Featured Video