Shirkada GOLIS Telecom oo Si wayn ay Ugu Mahad Naqeen Bulshada Gobolka Sool & Shahaado Sharaf Video+Sawirro

Laascaanod (Kalshaale) Shirkada Isgaadhsiinta ee GOLIS laanteeda gobolka Sool ayaa waxaa ay ka mid ahayd shirkadaha ka qayb qaatay xilliyadii adkayd ee abaaraha sanadkii tegay door muhiim ah ka qaatay . Shirkadan ayaa dadwaynaha gobolka Sool ay si wayn uga maahd naqeen tallaabadii ay qaaday xilligaasi ,

HALKAN KA DAAWO VIDEO 

Waxaana ay bulshadu sidoo kale uga mahad naqday sidii ay Shirkadu u samaysay maal gelin ballaadhan oo isugu jirta dhismayaal , dhalinyaro loo sameeyo ganacsiyo yar yar iyo kuwo waawayn ka qayb qaadashada horumarinta dhanka Waxbarashada , wacyi gelinta nabadgelyada iyo waliba sidoo kale in ay ka taageerto dad dan yar ah baahiyaha.

Dhinaca kale Shirkadan ayaa sanadkii hore ka hirgelisay magaalada Laascaanood mid ka mida dhismayaasha ugu quuxda badan ee gobolka Sool , kaasoo ku baxday lacag ka badan 200,000 $ oo dollar. Dhawaan ayey ahayd markii ay Shirkada Golis la gudoonsiiyey shahaado Sharaf lagu maamuusayo Shirkadan , waxaana Shahaado Sharaftaasi gudoonsiiyey Maamulka gobolka Sool oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Sool .

Ugu danbayntii, Shirkada GOLIS ayaa waxay dar dar gelisay Maal gelinta ganacsiyada dadka danyarta , Dhalinyarada Jaamacadaha dhameeyey iyo waliba sidoo kale ganacsatada gobolka .

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. khaatumo haanoolaatoo says:

    shirkadan waxa iskaleh dad xor ah o weligood wax
    lahaanjiray waxana so maamuli jiray maaha
    jabhad hader rabta inay taariikh bilaabato kkkkkkkkkkkkk




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
WARAYSI: Qosol iyo Sheeko ‘ Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho (Muuqaal)
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Qosol iyo Sheeko Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho
Rasaas culus oo laga maqlay Qasriga Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Rasaas culus ayaa Xalay laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada ...
MUUQAAL: Sh. Aadan Siiro oo si kulul Uga hadlay Arinta Berbera iyo Hadalkii Kasoo yeedhay Imaaraadka ! (Daawo)
- Apr 22, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Sheekh Aadan Siiro ayaa si kulul uga hadlay hadaladii wasiirada arimaha dibada ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiir Awood Badan Dawlada Qatar usoo magacowday Soomaaliya
- Apr 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay ...
Boqor Buur-madow oo Xabsiga laga sii daayey iyo Sababtii loo xidhay (Daawo)
- Apr 21, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Waxaa magaalada Hargeisa  Xabsiga laga soo daayey  Boqor-Cismaan Buur-madow , Wuxuuna sheegay ...

Featured Video