Wasaaradda Howlaha Guud Ee Dalka Oo Hirshabelle Ka Saacideysa Dib U Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Muqdisho (Kalshaale) Waxaan booqasho ku joognaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowl-goboleedka Hir-Shabelle, Wasiirka Howlaha Guud Dib-U-Dhiska & Guryaynta DFS Eng. Saadiq Cabdullahi Cabdi Ujeedada booqashada ayaa ah tallaabo daba socota fulinta mashruuca Tayaynta Wasaaradaha Howlaha Guud heer Dowlad-goboleed iyo heer federal Mashruuca waxaa naga kaalmeenaya Bangiga Horumarinta Africa (African Development Bank). Hiigsiga fog ee bangiga ayaa ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka isagoo garowsan inay wasaaradaha howlaha guud ay yihiin tiirarka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Mashruuca waxaa fulintiisa nagala shaqeynaya hey’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay.

Hadafka Mashruucu waa in Hey’adaha Howlaha guud ee wadanka ay mashruucaan kadib iskood Mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha u qorsheyn karaan, dhaqaale ugu raadin karaan, dhan dhaqaale iyo maareynba mashruucyada u maamuli karaan isla markaana u kormeeri karaan. Markuu mashruucu dhamaado hey’adaha howlaha guud waxay ahaan doonaan kuwo isku filan oo iskood waajibkooda u guta.

Waxaan hadda wasaaradda howlaha guud ee Hirshabelle u keenay qalab casri ah oo si maqal iyo muuqaal ah wasaaradaha howlaha guud dhexdooda iyo adduunka intiisa kaleba ugu wada xiriiri karaan. Sidoo kale waxaan goordhow, bil ilaa laba bil gudaheed WHG ee Dowlad Goboleedka u keeni doonaa qalabka xafiisyada oo ay ku shaqeyn lahaayeen (office furniture) iyo agabyada xafiisyada lagu isticmaalo ee joogtada loogu baahan yahay (office supply), taasoo ka haqabtirkeeda dhowr sano wadi doono si wasaaraddu howlaha ay umadda u heyso u gudato.

Waxaa intaa dheer iney ila socdaan shaqaalaha wasaaraddayda ee qaabilsan fulinta mashruuca ayna sameyn doonaan daraasad ay ku ogaanayaan baahida wasaaradda HG ee Dowlad-goboleedkaan, dhinaca qorshe-dejinta, shaqaalo tayo leh oo wasaaraddu yeelato, tababarada ay u baahan yihiin, qalabka farsamo ee lama huraanka u ah, shuruuc dejinta ay rabaan inay sameeyaan IWM. Baahida ay daraasaddaasi muujiso ayaanuna wax ka qaban doonaa annagoo isticmaaleyna qoondo mashruucu arrimahaas u meeleeyay.

Horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad-goboleedkaan waa halbowlaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka guud ahaan, sidaas darted waxaa wasaaradda HG ee federaalka ka go’an xoojinta la shaqeynta Wasaradaha HG ee Dowlad-goboleedkaan si horumarka wadanka guud ahaan loo hurumariyo.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video