MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo Tababar u xidhay Ciidanka Daraawiishta

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray in kabadan 600 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Daraawiishta ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo saaka ka shaqa tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo hooy iyo xafiisba u ah ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo khudbad uu ugu jeediyey ciidamada tababarka uu u soo xiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaya shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Waxaa halkan iiga muuqada ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”

“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ku adkeeyey in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isagoona ballan qaaday in uu ku hoggaamin doono sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

HALKNA KA DAAWO MUUQAALKA IYO MADAXWAYNAHA 

Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Caamir says:

    Dag dag.Madaweynaha umada soomaliyeed Maxamad clhi Farmaajo oo ka guuleystey SNM mahbarka gobolada waqooyi afduubka ku heysto .waxuu balan qaadey in sida ugu dhaqso badan loogu sameeyo maamul goboleed fedraal guuleyso guul guul Aabo Farmaajo

  2. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Ilma Qube, Waa kaa U Qaxaay Kuwii Yuhuuda
    U Khidmeynjirreee,) Kamaan Dowsta Dananeysa,
    Qaracan Keeda Waa kaa U Quwad Qeyshadey,
    Calool Qufayaashiieeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Waa Laydiin Qarameynayaa, Qorfa Joog Qaiilba
    Idiinku Bixiwaayey,) Ayaad Nus Qarni ku Qoqobney_DeeNndeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)

    Qisaa Hargeysa Lala Qaracmeee, Qaalmaa Quus
    Nolosha Qirraay, Qawlkooda ku Qeexe Nalama
    Qaderriin, Qoys Aanu Qotomino, Nalagu Qiimeyn _Waayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Kuwii Aanu Nolosha La Qaybsan Layn Doobida
    Ma QubaanNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Qoraxdu intaaney is Qariin, Caqaarey QuutaanNeee,
    Leyl kanaa Qarshey Qudh QudhiyaanNeeeeeeeeee,)

    Qaalmahaasi waxay Cosi Mustaqbal, ka Codsaddeen,
    Ina Raag waxay Hargeysa ka muujiyeen, inaaney
    wax mustaqbalka La Qorsheeya, Quus ka Taagan_yihiin, Waa loo sheegayaa halka laga helo
    Cidii u baahata, Qisooyinku waa is daba QotomaanNee,
    Taariikh horraan Qada Gabay ugu Qeexay, umad
    Qorfe Lagu Qoofalaay, Maruun Bay Qarxiyeeeeeee,)

    waa taa qaalmihii, Cuqubada Laga Galey, Qarsan_Waayeen, Aakhir waa loo Ciqaabayaa, waayo
    iyagaa Qaalmahaa Mutaqbal La Aan Dhiggey waxay
    ka Qoqobeen iney Calaf furraan Hellaaneeeeeee,)

  3. amaal says:

    MASHALLAH guuul IYO gobanimo cadowgiin hajabo




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video