Khayre oo kormeer ku maray qaar ka mid ah Xarumaha Dawladda ee Xamar

Muqdisho (Kalshaale) Raisul Wasaaraa Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow bilaabay kormeer shaqo oo uu ku kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlada ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa meelaha uu booqday waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda arrimaha dibeda Somalia, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradaas iyo qaar ka mid ah howlwadeenada ka howlgala xarunteeda.

Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya ayaa raisul wasaare Khayre warbixin ka siiyey waxqabadkiisii mudada kooban ee uu xilka hayo iyo sida ay u socdaan howlaha Wasaaradda, wuxuuna xusay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu xarunta Wasaarada ku yimid Raisul Wasaaraha.

Dhankiisa Raisul wasaare Khayre ayaa ku amaanay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada arrimaha dibeda sida hufan ee ay Waajibaadkooda u gudanayaan isagoo kula dardaarmay iney sii xoojiyaan dedaalkooda.

Xarunta Wasaarada Maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa ka mid ah Xarumaha uu booqday Raisul Wasaare Khayre, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda isagoo kormeeray qeybaha ay kooban tahay, wuxuuna u kuur galay sida ay socdaan howlaha Wasaaradan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee udub dhexaadka u ah dowlada Soomaaliya.

Raisul Wasaare khayre oo weli ku guda jira komeerkiisa ayaa goor dhow booqan doona xarumo kale oo ka tirsan kuwa dowlada ee ku yaalla magaalada Muqdisho.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video