Daawo: Gudoomiye Jawaari “Shirkada DP-World Waxa ay ku gaftay Qaranka”

Muqdisho (Kalshaale) Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in wax la qaadan karo aanay aheyn in Shirkad ay u gefto Qaranimada iyo bedqabka dhulka Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Jawaari ayaa sheegay in marka la galayo Heshiisyada caalamiga ay tahay in loo maro marinkii haboonaa iyo shuruucdaa u taalla dalka, balse Shirkadda DP World ay garab martay habka ay u gashay heshiiyadaas.

“Shirkadda tani wey garab martay habka ay u gashay heshiisyadaas, wuxuu taabanayaa siyaadada Qaranimada iyo bedqabka dhulka Soomaaliyeed, waa bareer in shirkadda ku hadasho hadalo gef ku ah Jamhuuriyadda, wax la qaadan karo ma ahan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay weerar ku aheyn dowladda Imaaraadka, isla markaana aysan dowladdooda iyo shacabkooda waxba ka sheegeyn, balse habka ay heshiiska u martay Shirkadda DP World uu yahay mid gurracan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ansixiyay xeer dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World, kaddib markii ay heshiisyo muran badan dhaliyay oo ku saabsan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ay la gashay Somaliland iyo Puntland.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (32)

  1. Aarka hargaysa says:

    Walee wixii aad maanta gudomisay fulinteedii ayaa lagaaga fadhiyaan horaad ugu ceeboowday mooshinkii jubaland

  2. sOmalilander says:

    kkkkkkkk

  3. Abwaan deeq says:

    @walee naf Ayaa haysa @jeegaanta Libaax kasi jeedda ayay isku Soo jeediyeen @Barlamaan aan sanadba mooshin arag oo ooman ayay u gacan haatiyeen.

    @Dad kalla maana

  4. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Hadday ciidamo Emiraadka ah joogaan XAMAR amaba Somalia WAA in si deg-dega looga saaro. DAL MIDA ama DALMIDA. WBT.

  5. sOmalilander says:

    Jawaari & dhamaan baarlamkuba markay MUSASAL kan dadka ula imanayeen … nin waliba at least 200$ oo xaqal SHAAH ah jeebkiisay ka qoslaysay oo IMAARAADKU siiyay.. ARMAA MIDIYO LAY QARSHAY LAGU MAAGA!!

    GOD BLESS SOMALILAND

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Abwaan deeq says:

    @Ahmed Somali

    @xaq miyaa inaad maalinkasta Ka oohisiisid Dumarka @Jeegaanta Adigo dhulkaagii @Emarat Iyo Ethiopia gacanta Ku hayaan kana Madax banaaneyn @Maalinkasta Waxay nuugtaa itobiya wabiga Shabeele Oo qalala @Ciidamadoodi Waxay Ku tacadiyaan @Hiiran Iyo @Goboladda la midka ah @markaa maxad Ku haysataa @Berbera Iyo @Mujaahidka manjaha seeda ah leh Mise waxad rabtaa @in xabaalo badan laso fadho.wbt

    @Dad kalla maana

  7. sOmalilander says:

    Ma’ anaa middiyo lay qarshay lagu qalaa.. HAWIYAHAA QAADAYAA HADEER OO KU TOOSAY DABINKA XAARMAAJO.

    GAHGAHGAHAGHAGAH

  8. sOmalilander says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. NUURKANEDERLAND says:

    NO MORE ETHIOPIA & DP WOLRD.
    OK. BERBERANA WAXAA LAKEENI DOONAA SHIRKADO XALAALA OO MAAL GASHANDOONA.

  10. Hiilqaran says:

    Adeer somaliya somalibaa leh yaan been loosheegin carab xun oo dirac gashan oo reer miyi ah oo moodey in wax walla lacag lagu xaliyo adeer dowlada somaliya ayaaxaq uleh heshiisyada calamigaa kkkkk waxaan layabaa qoloyinka ku barooranaya somaliya inteeda kale waa kagoosanay deeyaa idin aqoonsaday walee waayaab cidwlaba hadeey tiraahdo waa goosanya oo yaaba haraya wbt

  11. NUURKANEDERLAND says:

    THANK YOU BARLAMANKA DFS.
    100% THANK YOU.
    CAAWA WAA II FARXAD!!
    NO MORE ETHIOPIA & DP WOLRD.

  12. sOmalilander says:

    Hiilqaran..

    Adeer sida Somaliya Soomali u ledahay, baaa Somaliland na Somalilander u leeyahay.. Kenyana Kenyati u leyahay, Sudaana Sudani u leeyahay… Yayna kaa hoos bixin, hadaad magaca Soomali uun u aragtay Mogadishu.. dee Soomali waa badantahaye INDHAHA FURR!!

    God Bless Somaliland!!

  13. Hiilqaran says:

    Kkkkk nin lasoo kireystiyo ninkii aniga iidaran heska soo gurbaantumo this is our country is not four sell adeer yaan lesku qaldin in dalka horumar loodiidan yahay adeer isaaqa madiidin ee xaaqaan diidey somalilander mela socotaa mise weli waad baroraneysaa kkkkk oo gurigaad ku xirantaha brother don’t worry waad heliysaa waxaad radineysid ee somalinimada u hiili ayadaa ku deeqa wbt

  14. maxamud says:

    Baarlamanka somaliya waa iskahadlow ina egare.Howshaan waa howl dhamaty yaan lagu daalin

  15. maxamud says:

    Waliba go aanka baarlamaanku wuxuu sii kala fogeeyey somaalidii awalba isla wareersaneed.

  16. amaal says:

    Asc naga sifeeya Waxii qaranimada IYO sharafkena duulanku Mr jawari mahadsanidin inbadan shacabka wuu idin taagersanyahay mar walbo

  17. Hiilqaran says:

    Adeer somaliyu weey isku mashquushay bal u fiirso dhamantood waa difaac iyo weera ku waan aan anigu kamid ahay ee kalshaale wax ku khorkhora walee wayaab gormaan ishoga tusaleneynaa oo aan kashekey saneynaa wax wanaagsan anaga na anfacay u madana wax u tara wbt

  18. amaal says:

    Wlhi baanta kahor baarlaman matagerin waxku nacay mushin kuwii hore

  19. amaal says:

    WAXAN layabanahay dadka kasohorjedo guusha ugaaray baarlamanka fd ishiibuktay kubikacso

  20. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    sOmalilander adeer, 1860ki waxaad ahayd baa tahay ee UFFFFF dheh magacaan isticmaarku kuu baxshay oo dheh SOMALI BAAN AHAY ASSAL DHADA BAAN AHAY.
    DAL MIDA ama DALMIDA. WBT

  21. Hiilqaran says:

    Asc Amaal abaayo salan sare mamaqashey heestii aheed inkastoo loobaaqoo lohorseedey barwaaqo dadbeey meeli bugtaa marka lasoco dadku mawada cafimaad qabaane kkkkk markii gumestaha lala dirirayey kuwa somali nala sheganaaya ayaa dhinaca gumeystah kasoo dagalamayey ee abaayo ha ubixin somali waligeed waxeey eheed qaar galada lasafan iyo kuwa kasoo horjeeda guushana waxaale inta samaha jecel wbt

  22. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Cumar Dhuule, “DHEXDEENNA NINKII KU GEESIYA GABADA MARKA GOLE SHISHEEYANA GARTO ISNA YUU NASOO GELIN” ALLAAH aragti dheeraaya ALLOW UNSO, WAXAA maanta na hortaagan Muuse Biixi oo ah ninkaa uu abwaanku ka hadlaay. Mudane Muuse markuu ka hadla Dawladda Somali, u fiirsado Afkuu maroojin oo wuxuu isticmaali ereyo YASIDA oo siyaasi iska daaye aysan isticmaali xitaa ciyaal FAAY walaa IISHO. Markuu la hadla ama salaama kan Beejo Qabka ah ee derbiyada ADIIS ku kaadshana RUKUUCIISA waxaad isleedahay ARMUU dhabarka ka jabaa.
    *Waagi uu doorashada ku jiray ANIGU dhankiisaan u janjeeray oo waxaan islahaa Dagaal soo arag oo inuusan faai’do lahayn arag oo ku cibaaro qaaday KAMANA filayn; “bal Dawladda Xamar halka ha timaado”. *Beesha Isaaq siiba Xisbiga WADDANI waa inay ka horyimaadaan falkasta uu ninkaani qalqal ku gelin karo mandaqadda. *Xitaa weriye M/med Cabdi Ilig ka DHOWRSAY inuu su’aalo loo baahna weydiiyo SAAN filaa degenaasha làaanta Biixi ayyuu tuhunsana. ☆Aragtideyda Badbaadada Somali waxay ku xirantahay xisbiga WADDANI oo mawqif adag ka istaaga ficillada NINKAAN dagaalka u bisbisoona. 🔥Waa dagaal-ooge asli ah. ILAAHOW sidii roon. DALMIDA ama DA MIDA. WBT

  23. Casoowe says:

    Ahmed Somali

    @xaq miyaa inaad maalinkasta Ka oohisiisid Dumarka @Jeegaanta Adigo dhulkaagii @Emarat Iyo Ethiopia gacanta Ku hayaan kana Madax banaaneyn @Maalinkasta Waxay nuugtaa itobiya wabiga Shabeele Oo qalala @Ciidamadoodi Waxay Ku tacadiyaan @Hiiran Iyo @Goboladda la midka ah @markaa maxad Ku haysataa @Berbera Iyo @Mujaahidka manjaha seeda ah leh Mise waxad rabtaa @in xabaalo badan laso fadho.wbt

    @Dad kalla maana

  24. Ali Zubeer says:

    March 12, 2018 at 5:40 pm

    Tallaabo hore loo qaaday oo ku tusinaysa at least inayan Somalia weli wada iibin qarankeeda iyo ciiddeedda.

    Iidoorku save garxajis badan iyo inta wax garadka ah in badan baa madaxa loo salaaxay ilaa masaakiin badan ku sigteen inay rumeeyaan beentooda iyo biqlayntooda.

    Markii khadka cas ka tallaabeen dee wakaa Soomaaliya daciif kasta oo ay tahay tidhi waar joojiya beenta iyo riyada.

    Qarankan ciiddisa waxaa uu ka dhaxeeyaa Soomaali oo dhan. Cid iibin, kireyn iwm kartaa ma jirto no matter what

    Axyaa Soomaal oo daciif ah ayaa muuqata.
    Gacan ku dhiigle muusa shaani iyo kooxdiisa afduubtay habraha gaar maanta waa og yihiin inay karkaarka waydaarteen.

    Nijaasta Imaaraadka iyo daanyeerka Xabashiga waa og yahay in berbera tahay halka halganka xoreynta Soomaaliya ka billowday.

    In this day and age ma dhici karto in beel Soomaaliyeed sidii 1800 shisheeye ka siistaan ciiddan iyo badda Soomaaliyeed shaah iyo shilimaad.

    Pudhlayn iyo Jubbaland iwm kuwa la fikirka ah war criminal shaani waa nijaas kale oo sugahaya ninkii qayrkiisa loo xiidhayow soo qoyso adiguna.

    Anigoo Soomaaliwayn heli kara maxaa qabiil igu xayndaabay….

    Viva Soomaaliwayn
    Down All Somali traiors
    Down UAE and Amhara lackays

  25. Cadaado says:

    Ali Zubeer, waan kusalaamay, brother. Ku dar, hogaamiya beeleed Xaafka Galmudug, iyo Mr. waan qaraabtagnay in aanan isaganna laga yeeleeynin in uu heshiis qabiil ah lagallo dowlad iyo dad kale.

    Waxaa yaab ah, sida maantay 2018 eey ugu fikirreen qabiil Somaliyeed in eey heshiisyo lagalaan wadammo kale. Miyeeysan dadkaas ka fakarin, isla xaquuqdaas eey isasiiyeen in eey siiyaan qabiilada somaliyeed ee boqolka dhaafay? Sow taasi daanyeernimo maahan?
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  26. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    casoowe n2, sow tii seediga laga xishoon jiray mise isna wuxuu raacay Trash bagi.
    DALMIDA ama DAL MIDA. WBT

  27. amaal says:

    Asc hiilqaran waad asiibtay mahadsanid inbadan

  28. Land of Punt says:

    Jawaari hadalkiisu waa sax, Somaliland iyo DP World waxay doonaan iyo saldhig military ma kala saxiixan karaan! Hadday dhacdana dee dalku marhore ayuu kala go’ay.
    In waxaa qabsado ayaa diidan Laakiin dowladda dhexe ayaa dalka ka masuul!
    Maxaa uga qasaari lahaa hadday maraan dowladda dhexe.
    Yaa idin aqoonsaday? Iidoorkana gees isku kuus ayaa dilay!

  29. Land of Punt says:

    Dowladda fadhiidka ah ee Xamar fadhida oo ceelbuur xitaa gaari karin Ceerigaabo ha joogtaa yey idiin dhuuman!
    Xagga sharciga international waa libaax miciyo weyn! Waxay ogeyn Somalia kama socon karaan.
    Iidoorka iyo cidkasta oo iswaasha sharaabuha dhulka ugu xirin!
    Aduunka wax legitimation la dhaho ayaa jirin!
    Federal government waa hay’adda keliya oo dalka Somalia masuul ka ah!
    Dp World oo Xamar maslaxaynaysa waa arkin.
    Ama shadaafadeeda ka guratay Somalia!

  30. Ali Zubeer says:

    Bro Cadaado

    Asa

    Bro Cadaado

    Anigu Xaaf uma arko nin khatar ku ah qaranka sida so called puddhlayn, Jubbaland iyo so called Somaliland.

    Laakiin haddii uu damco in uu Hobyo ku wareejiyo gaalo iwm, markaasi wuu og yahay jawaabta Soomaaliwayn.

    Nijaastan Soomaaliyeed kuma dhiirradeen haddaan madaxa loo salaaxin inay baayacaan qarankeenna iyo ciiddiisa

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Amhara and UAE lovers
    Down all Somali traitors




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video