Daawo Video: Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Cali Khaliif oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jarmalka iyo Waxay u Tageen !

London (Kalshaale) Waxaa dalka Jarmalka gaadhay  Madaxwaynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Xubno ka socday Jaaliyadaha Labada dhinac ee Halkaasi ku sugan, Waxayna ka mahad celiyeen soo dowaynta loo sameeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal oo dhowaan Xog ka bixiyey Safarka  Jarmalka ayaa sheegay  inay halkaasi u tagi doonaan Dhaqaalle Jarmalku ugu deeqay Soomaaliya, Iyagoo u sheegi doona inay Khaatumo iyo Somaliland is raaceen Qaybtoodana ay soo qaadan doonaan.

“Aniga iyo Cali khaliif Waxaanu ka sheekayn doonaa Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Waxay bixinayaan 122-milyan oo doollar, waxaanu doonaynaa inay Qabteena na siiyaan,  Khaatumo iyo Somaliland oo wada socda ayaanu Adduunka soo tusaynaa “ Ayuu yidhi Faysal.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (29)

  1. Wiilwaal says:

    Ma la hubaa inaad waxa ka soo helaysaan?

  2. Dabshid says:

    Arintaan waxey naxasuusineysaa markey Madaxdii Gobolada Waqooyi oo wada socda yimaadeen Xamar Midnimadii 60kii ka hor.

    Markaan ka hadalno Xaqiiqda dhabtaa ee ay wada ogyahiin inta Aqliga u saaxiibkaa waa inuusan Caalamku aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland Republic, waxaase jiro dareen guud oo ah in la saxo wixii qaldamey taas oo laga bilaabo Region united rather than Tribe Grievance.

  3. cabdi yare says:

    asc waxa aan uarkaa in ay ku saxan yihiin in wax ka qaataan waxii magaca guud waa in qaybtoda lasiiyaa kolay gud madow ayay halaysaaye

  4. Abwaan deeq says:

    @Waa wax laga xumaado in @Cali @faysal wax la kala goosto raqiifna noqdaan oo Kala dhamaan waayaan taasi Waxay muujinaysaa inuu @faysal la tittle yahay.

  5. rooble says:

    asc yaa asxaabul xay

    waxuun baan maqli jirray dalkeena nimcaa fadhidaa lakiin maanta ayay cadaatay oo gobolkii sanaag iyo buurta cirfiida laga helay dahab
    aan lagu dhibtoon oo kor ka xaadis ah kkkk.
    maansha.allaah weeye

  6. rooble says:

    abwaan deeq

    fayzal cali dhurwaa iyo dr cali bisad labaduda waa labo daanyeer oon waxba garanayn kkkk.

  7. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Abwaan deeq, haddaad dhashi binu Haashim? u caqli celiseen MA dacwaad qabta?. DAL MIDA.
    👳Suldaan Cali noo fasax DALMIDA toosintaada iskama dhega-tiri karne. WBT

  8. rooble says:

    baafin waar yaa haya oday dhaqameedkii
    ugaas jaamac ugaas faarax ugaas cali
    kkkkk. dadbaa ciyaar u haystee magaciisu waa caynkaa

  9. rooble says:

    kkkk. dr cali daanyeer khalaf galay

    waxa uu yidhiy m.wayne silaanyo iyo horjooge . faroole waa labo nin oo ah kaaf iyo kalla dheeri micnahayga waxa uu yidhi cali khalif markii aanu ku shiraynay taleex silaanyo waxa uu yidhiy reer khaatumo shirka ha dhamaystaane yaan la weerarin . horjooge faroolena waxa uu dhaqaale ku bixinaayay sidii uu shikaasi u baabah u noqolaa wbt soo soco labo raadle

  10. Garqaad says:

    Asc asxaabta

    Heshiiska khaatumo iyo somaliland maxaa ka galay Jarmalka?

    Feysal ma wuxuu leeyahay jarmalku wuxuu lacag ku bixinayaa heshiskii ay khaatumo iyo somaliland galeen?

    Heshiiska khaatumo iyo somaliland wuxuu iila egyahay heshiiska gaalkacyo oo maalin walbo wax lagu cuno

    Dagaal hunguri iga dheh

  11. rooble says:

    digniin dr cali daanyeer iyo fayzal dhurwaa
    iska jira inaad sheekada noo dhex racisaan
    midnimo somaliyeed oo hore ay dhib badan naga soo gaadhay midawgii aanu la midawnay somalia kudarsoo wax noo qirsaniba ma jiraan oo wabay na dafireen kkkkk nacasnimadooda ka u sahlan ayaa odhanaaya somaloo dhan ayaa is dishay
    igawallee hadii aad geedka yoocada soo dhaaftaan in lays waydiin garoowe oo dadku ku murmi bari baa la da gi jiray iyo waligeed cidi madagin kkkk.

  12. rooble says:

    garqaad

    waar anagu maba rabnoo waallaa khaatumo wallaa somaliya ninkii xooghayaa ha yimaado gobolada somaliland

  13. rooble says:

    kkkk. waxaan ku qoslay nimankii hawiye ee loo hanwaynaa ayaa maanta baryaaya maamu goboleed yadh oo la yidhaahdo
    banaadir laan bal silica haysta hawiye eeg ma nimankii maanta baryilabaa maamul yar magaciinba hawiyoow meesha waad ku cebaysantiiin yacni galkii aad koonfur oodhan aad gacanta ku dhigilaydeen ayaad maamul yar baryaysaan kudarso waliba ninka madaxa qaada ee yidhaa waar ha naagu gafina habeenkii ayaa guriga luugu dhacaa sida argagaxisada oo laga dhigaa mid gacan jaban iyo mid xaaska iyo maatida loo gacandhaafo way jirtay wakhti ?intaaba maan ku koobo ma hadalbaa dhamaan wbt soo soco ama soo gurguuro

  14. Garqaad says:

    Rooble

    War joog sxb marbaa dowlad aad idinku kamid tihiin xogaa idinku tuurtuurtay ilaa weli waad ku qarawdiin mardanbe hadii laydin maago malaha itoobiyaan ayaad toos u noqon lahaydeen kkkkkkkk

    Intaas kaftan kasoo qaad

    Bal xooga dib noogu dhig

    Heshiiska khaatumo iyo somaliland mexey tahay sababta jarmalku lacag ugu dhibaayo?

    Siyqqsinta somalidu waaba kuwa aan xishooneyn oo bahdilka jeebka kusito

    Kulahaa Jarmalka lacag nalaga sinaayo ayaan soo doonanay madaama aan heshiinay

    Dal mida dad mida

  15. rooble says:

    garqaad

    cali khalif iyo faysal dhurwaa

    jarmalka waxay u tageen horumarinta iyo maalgashiga somaliland ee bal adigu sxb ka waran maamulkii yaraa ee banaadirland ee beel waynta hawiy kkkk. alla qosolwaynaa ma nimankii hawiye ee aan la haa waxay xukumidonaan koonfur oodhan ayaa maanta baryaaya maamul yadh . majeerteeniya waa kaa adagyiin kkkk. waxan aanu afarta bm ku soo dhaqaajino yaaca ayaa adiga nafta kuu keenay

  16. Garqaad says:

    Rooble

    Awoowe annaga waxaa na xukumo Mr beyle iyo mareeye waad arkeysay in uu Mr beyle lahaa canshuurta aan kordhiyay qofkaan bixin karin xoolihiisa kismaayo iyo bosaaso halla aado

    Xageeyna wey ka dhamaatay sheekada raqiista ah ee la yiraa hawiye welcome qofkii wax nagu soo kordhin karo

    Adiga rooble xitaa kalaay

  17. samawade says:

    ROOBLE

    ASC ADEER DAL IYO DAD AYAAD HAYSATEEYE XEJISOO

  18. Kalsame says:

    Wallee tanu dhan bay u badatay, Puntland Kahaatumo galbatayoo waydun aragtaane isaga hadha oo nimankaa waxay kala helaanba ugu duceeya, kolley sida aan qiyaasayo way adagtahay sida ay ku heshiiyaan oo waxa la kala aamminsanyahay baa ah kaaf iyo kala dheeri lkn sida ay imminka u muuqato 80% Ree Khaatumo waa Somalilander sanyihiin, sidaa la ajligeed dani seeto weeyee waaqica wax ku cabbira ree Puntlanoow.

    Anigu waxaan qabaa midawga Khaatumo iyo Somaliland inay soo dedejin doonto midawgii Soomaaliya waayo waxaa imanaya in Koofur iyo waqooyi wax loo qaybsado inta laga saxayo waxa ay Somaliland qoonsadeen ka dibna sidaa tartiib tartiib loo dhayo boogihii taxanaha ahaa ee la kala tirsanayay. Khayr iyo baraka..

  19. C/Raxmaan says:

    Rooblow sxb ma waxaad ku soo celcelineysaan marwalba waa baa nala TUQAANTUQEEYEY! War ninkii dhintey ee kalitaliyaha geesiga ah ahaa adiguna aad u taqaanay Afweyne reerkii uu ka dhashay waxaa la siiceyrsanayey ilaa iyo KAAKUMO oo dalkiiba waa laga saaray! Intii ay ciidamadii kacaanka ka dileen shacabka reer Waqooyi amaba beeshiina Isaaq 10 jibbaarkeed ayaa laga dilay beeshii uu ka dhashay kalitaliyihii. Hase ahaatee beeshii Hawiye ee ceyrsatay Daaroodka DEYNTA qabay iyo Daaroodkii la ceyrsaday waxay wada garowsadeen iney dib u saxaan qaladkii shalay dhacay, dibna u qotamiyaan qarankoodii ay gacmahooda ku burburiyeen. Halka aad adiguna ku celcelineysid Ethiopia ayaa WAAGAAS Ila soogaartay QAMADI!
    Hadduu shaqsi reer Sheekh Isaaq ahi dililahaa aabahay, waligey ma dhaheen Ethiopia’kaa iga xiga Isaaqa! Imana mataleen siyaasi qaba fikirkaas.

  20. C/Raxmaan says:

    Adinkoo iga raali ah waxaad iga dhaadhicisaan sababta aan ugu kala ABTIRSANNO TALYANI iyo HINGIRIIS! Haa wey na gumeysteen 1884’tii ilaa 1960’kii. Ka hor waqtigaas waxaan aheyn Soomaali xor ah, kadibna sidoo kale. Maxaa Marjac nooga dhigay KOODADKII kufaarkii KOEFIELD ahaa ee uu Sayidku ku tagay!

    Waa muslim, lkn gaalnimey RIMANTAHAY!

  21. C/Raxmaan says:

    One Ummah ayey dadka caqliga lihi ka dhigteen YOOL. Markaasuu doqonkii walaalkey ahaa doonayaa inuu igu qanciyo axaadiista QABIILKEENNA BARAKEYSAN!

    Qabiilkeyga BARAKEYSAN waxaa kutubtiisa ku Qoran iney jirto Soomaali nasab ah iyo kuwo ah nasab-dhiman oo wada ah muslimiin! Caqliga Qabiilkeyga waa inuu NABI ADAM cs dhalay dad nasab ah iyo kuwo nasab-dhiman ah. Diintii, dadnimadii iyo nolashiiba wuu iga CALWIYEY Qabiilkeyga, misana waan caabudaa! War miyaanan qasaarin adduunyada iyo aakhiraba?

    Maxaad dareemeysaa? Mise maskaxdaba kama tihid XOR?

  22. C/Raxmaan says:

    Talaf / Telef= ku seexday baahi iyo daal.
    Dig = Macal Casho, waa calool buuxda.
    Is-halgaaday = Hurdo iskaabulo.
    Lugta qaniinay = Hurdada waraabaha.
    Is-tuuray = Hurdada dhedigga. K. K. K. K.
    Galay sariirta = Yaahuu. ( shumey & Shuun)
    Sariirtaa ii yeereysa = Doob dareensiiyey baa dilay.
    Iyo iyo iyo…….

  23. Garqaad says:

    C/raxmaan asc Mudane sare macalin

    Majiro qof jawaab waafi u heli su.aalahaas

    Waxaa igu soo dhacday macalinka oon adigoon filaneyn ku yiraa subac saf halo soo galo ulo aan gacanteyna kusoo gurnay wexey yaliin hortiisa markaas ayaan indhaha mirig mirigsiin moyee wado kale kuuma furno

    Hadda indha mirig mirig moyee wada kale lama haayo

    Kaliya maskaxda xurmaha nihin mana muuqato wadadii aan uga xuroobi laheyn

    ALLA WEYN

  24. Kalsame says:

    C/Raxmaan

    Waxaa taa looga gudbi karaa aragtidayda kaliya dawlad caaddil ah iyo baahida/Caymiska/Insurance-ka sanamka qabiilka loo qabo oo ay dammaanad qaaddo dawladdu.

    Sida aad ogtahay caymiska reerka waxaa lagama maarmaanka ka dhigay waa ku tiirsanaanta xag nabad galyo, caddaalad iyo dhaqan dhaqaale, haddii intaa dawlad daboosha la helo waxaa meesha ka baxaya qiimaha sanamka halkii tolbeelayey laga oran lahaana waxaa la oranayaa “Dawlad beelayeey” oo xafiisyada iyo hay`adaha qaabbilsan xaaladdaa shaqsiga haysata ayuu u qayla dhaansan.

    Midda ah Laba Soomaaliyood oo uu gumaysigii sameeyay baan kala nahay waa baadhil la sharciyanayo oo lagu doonayo dheeri aan meeshaba ool, soomaalida 4teeda Sanam ee ugu waaweyn iyo kuwa yar yarba waxay dani ugu jirtaa qarannimo, midnimo iyo dawlad si caddaalad ah ugu adeegta.

  25. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    qaasatan C/Raxmaan, iyo Garqaad, iyo nimanka Isaaqa ee meeshaan tororogta iyo quraafaadka ku haya.

    C/Raxmhaan, waxaan shaki kujirrin, oo run ah, Daaroodka iyo Hawiyaha is jaa’ifeeyay in eeysan midna wadanka midka kale uga cararin. Laakiin, walaalaheen Isaaq, fulaynimo iyo qabyaalad darted ayeey maantay oo qarninga 21’aad lagu jirra, ayeey rabaan in eey Somalidaan 10 indhood leh, iyo aduun weeynaha eey ka gadaan in iyaga oo qabiil ah loo ogolaado in eey dal noqdaan.

    Hadii eey saliid lahaan lahaayeen, sida reer Sa’uud, ee Sacuudi Arabiya, haa, reer galbeedka iyo Afrikaanka kale, inta lacag siiyaan, ayaa la’aqoon san lahaa.

    Laakiin, qabiilkaan jaadka intooda badan cunaan. Uuna shiiq u yahay Shiiq Aadan Siiro, oo qabyaaladiista ah, suurtagal maahan riyadooda beenta ah ee dal ayaan nahay in eey u shaqeeyso.

    Waxaa iigu yaab badneeyd, maqaayad Greek, ah, oo aan cunto ka gadanayay maalin dhaweeyd, nin carab ah oo ka shaqeeynayay, ayaa markii aan salaamay igu dhahay “are you from Somaliland”? Markaasaan ku dhahay, waa been, wax layiraahod Somaliland majirto, Somaliya ayaa jirta. Markaasuu dhahay, haa annigaba Soomal kaliya ayaan aqaanay.

    Marka, dadkaan kaliya caruutooda ma jahawareerinayaan, ee umadii aduunka oo dhanm qaasatan dadka caqliga yar, ayeey waalayaan. Daanyeero.
    Dalmida
    God bless Somalia.

  26. C/Raxmaan says:

    Asc dhamaan. Qaasatan Garqaad, Cadaado iyo Kalsame.

    Hadalka waa sidaas aad u tiraahdeen. @Kalsame waa run dadka waxay u OOMANYIHIIN dawlad buuxinkarta baahidooda ADEEG.lkn midda aan u waayay qiil waa iney dad muslimiin ah u kala qoqobanyihiin kooxo, kooxo, misana ay waliba isku soo FARANDULLEYNAYAAN sidii dugaagga iyo HABAAHINKA kale. Caqligaanagii waxuu dhaafiwaayey inaan tuugsanno shisheeye,isla shisheeyahaasna uu horjooge nooga dhigo mid SIRGAXAN.

    @: cadaado. Maqaaxida Greegga ma ICTIRAAF ayey ka doonayeen! K. K. K. K. Sxb aniga waxaan qoslaa markaan arka iyagoo BASBAASEYNAYA qabiilweynaha Hawiye oo ay ku leeyihiin : Hayeelina, iswaala, wax laaya, Cayrsada, adinkaa iska leh, qariba, la colooba Daaroodka, iyo balaayo iyo baas kale oo ka daran. Ulajeedada kaliya ee laga leeyahay arrinkaas waa in la hormaro inta ay Koonfurta qaribantahay. Weel yar baa loo hoorsaday ALLE SWT.

    @: Garqaad sxb haa i xasuusin Macalimiintii dugsiyada quraanka. Waxay ahaayeen kuwo aan inaba laheyn aqoonta BARBAARINTA. Waxay adeegsanjireen CIQAAB kaliya. Ardayga waa in la jecleysiiyaa waxbarashada, waa in waqti la siiyaa midkooda JIITAMAYA. Lkn in UL washtaas laguhayo wax soo kordhinweyday.

  27. C/Raxmaan says:

    Kalsame inkastoon kaaladaahay ku soo dhawoow madasha. Inta aan ka arkay qoraaladaada waxaad tahay qof mugweyn oo macquul ah, misana isku-marqaatifurikara.

    Soo dhawoow mudane. Dee in marmar la is HARDIYANA waa iska SUNNADA madasha.

  28. Kalsame says:

    C/Raxmaan

    Ustaad mahadsanid waa dhawahay, aad baan aragtaada u dheehdaa waana la dhacsanahay sxb, Hardidu waaba inta golaha lagu joogo, haddaan lays hardiyin meeshuba falaag bay noqon. Khayr iyo baraka

  29. C/Raxmaan says:

    OK sxb. Waa inoo sidaas.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video