Wada hadalada ONLF iyo dowladda Itoobiya uga socda Nairobi (Faah-faahin)

Wada hadalada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socday uu shir uga socdo goob qarsoodi ah oo ka mid ah magaalada Nairobi.

Baraha Bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu soo bandhigayay sawirada wafuuda labada dhinac ee uga qeyb galayay wada hadalada.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa sheegay in wada hadalada ay meel wanaagsan marayaan, lagana soo saari doono war saxaafadeed.

Waxaa uu sheegay in wada hadaladan ay ka duwan yihiin wada hadaladii hore, maadaama xubnaha ka qeyb galaya ay ka culus yihiin xubnihii horay uga qeyb galay wada hadaladii hore ee fashilmay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa wada hadalka ka qeyb qaadanaya.

Sidoo kale dhanka ONLF ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin sare oo Jabhadda xubin firfircoon ka haya sida Guddoomiyaha wada hadalada ONLF ahna Madaxa Arrimaha Dibadda ee Jabhadda C/raxmaan Sheekh Maadey.

Guddiga dhex dhexaadinta ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, horayna u soo noqday wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey oo dhamaan ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Labada dhinac ee wada hadlaya iyo dhex dhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhowr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya.

Dad badan ayaa isha ku haya wada hadaladan, waxaana jira rajo laga qabo in natiijo wanaagsan ay ka soo baxaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Wiilwaal says:

    Anigu kolleyba waan soo dhawaynayaa wada hadaladaa iyo is afgarad insha allah.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Faransiiska oo meel-mariyay Shuruuc adag oo dhanka dadka soogalootiga ah
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya ...
Musharixiinta gudoonka baarlamaanka iyo Wakhtiga ay isdiiwaan gelinayaan
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale)  Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan ...
MUUQAAL: RW. Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay Sanad ku gaadhay meel Caalamku uu ka yaabay oo laga filaynin
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha ...
Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay (Daawo)
- Apr 22, 2018
Nairobi (Kalshaale) Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku ...
Mo Faarax oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka London (Daawo)
- Apr 22, 2018
London (Kalshaale) Orodyahaynka matala dalka Britain Mo Farah ayaa Marathon-ka London ka dhacaya ka ...

Featured Video