Sawirro: Mashaariicda dawladda Qadar ka Fulinayso Soomaaliya iyo Kulamadii dhexmaray Madawaynaha Hirshabeelle

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Sii Hayaha Safiirka Qatar Xasan Xamza iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Hey’adda Jidadka Qatar iyo Hey’adda lagu wado inay dhowaan bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo horay u saxiixay dowladda Soomaaliya heshiiskii mashaariicda ay Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid istiraatiiji ah, isla markaana ay aad ugu baahi qabaan dadka Soomaaliyeed dhismaha wadadaas oo xilligan burbursan.

Waxaa uu ka codsaday Mas’uuliyiinta Qatar inay dardar geliyaan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Mas’uuliyiinta ka socday Qatar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa mashaariicda dhismaha waddooyinka, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo dhowaan la bilaabi doono iyo mashaariic kale.

Illaa 200 milyan oo dollar ayaa ku baxaya mashaariicda ay ka Qatar ka fulineyso Soomaaliya, sida wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, xarumo loo dhisayo dowladda iyo mashaariic kale oo horumarineed.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (13)

  1. shaxda says:

    Waare Waaba Qof Macquul Ah Ma Istiraahdeen ?

    Wixii Wanaag Kujiro Dalkana Wax Udhimeyn Weykuu Furan Tahay Inaad Shacabka Aad Matasho Wax Uqabaro

    Waare Horey Uwad Shacabkaada

  2. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    M.C.Waare, adeer waxqabadkaagu faylan BALSE
    ka qaybgalkaagi jilaafaynta Dawladda ee Kismaayo WELI igama degin. DAL MIDA. 🐧Suldaan, jid adaa leh BALSE noo qille aan adeegsanno DALMIDA ila macaane. WBT

  3. Dabshid says:

    Shaxda

    Eebow ha qaldin shaxda, majiro sharci u fasaxahayo in Barasaabyadu la shiraan Dowlado kale, wixii mashaariic ah waa iney uga dambeeyaan Dowladda Dhexe.

    Sxb! Human ninkii caloosha u buuxsho ayaa iska leh, yes Barasaabyadu waxaa looga baahanyahey diyaarinta goobaha mashaariicda loogu talo galey.

    Madaxweynaha Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ka soo qaad. SALAANTA KULA EKI iga dheh.

  4. Ali Zubeer says:

    Waa guul iyo tallaabo hore loo qaaday in kasta oo aanan jeclayn dawarsiga iyo baryada gaalada iyo carabta.

    Waare garan maayo laakiin war aan maqlay hadduu jiro waa grand mafio like rest of the pack. Keliya Qadar haddii ka gudubto wasaaradda Hawlaha Guud waa inayan u dhiibin crocks and hyenas ee lacagta ugaadhsada oo way iyaga maamulaan.

    Dhinaca kale waddooyinka Africanka loo dhiso ma aha kuwa macna leh oo malaha calaamada kala badha waddada, gaas stations iyo food courts ama rest rooms… iyo wax kasta oo ku tusinaya xadaarad iwm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    meel ay gawaadhi marta ayaan ka hadlaynaa Suldaanna qurxinta waddada …….bal wadda un hala helo.

    Waxaan la yaabanahay dowladda himilada iyo riya la’aanta khayre iyo farmaajo ee ku saabsan in waddankan railways loo helo

    Riyada waa qayb hammiga wacan ka mid ah

    Ha i odhan nabadda ayay 3 sana u hartay u heensan yihiin.

    Axmad Soomaali

    Dal mida weeye sidaad qirtayba. Haddii loo xamaasaysan yahay taasi waa arrin kale. KKKKKKKKKKKKK

    Viva Soomaaliwayn

  5. shaxda says:

    Dabshid

    Eebow Waligaa Waxaadku Fekertaa Horumarka Dalka Iyo Sidii Aan Ula Mid noqon laheyn wadamada Reer Galbeed Aan Iska Deeno Qofka Inoo cad mucaaradnimo waa waxwanaagsan Haddii Waxlagu Toosinhayo Laakiin Marnaba Kuguma Raacsani In Waxwalbo Dhankaad Uwado Laguu Raaco Igana Raali Ahow

    Waare Waxaa Garabfadhiya Wasiirka Qorsheynta Somaliya Mr Jamaal
    Miyuuna Dawlada matalin jamaal

    Waan Soo Dhaweynayaa Laamiga Iskuxidho Jawhar Ilaa Muqdisho inla dardargaliyo Si Wadanka Uwada Gaaro Dayactirka Kabilaabmay

    Hala Taageero Wixii Wanaaga

  6. BARAWANI KING says:

    SHAXDA:

    Ku lahaa EEBOOOW. War ninkii HAWIYE QAARMADOOBE igu noqday.

    Walaahi wiil daraawiishta aan moodi jidhay.

    DABAMADOOBE, QAARMADOOWBE.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  7. Dabshid says:

    Shaxda

    Warkeygu waxaa waaye si loo helo Qaran mid ah oo looga maarmo Safarka Addiss Ababa

    Waa in Qaadada iyo dheriga looga dambeeyo Amiirka Villa Xamar.

    Garab yaaca waa waxa burburiyey qoysaska Qurbaha.

    Gabar 14 jir ah oo hooyadeed Ceejin canaan ka dib iyo
    Wiil 15 jir ah oo aabihiis feera
    Waxaa noo keenay odey iyo islaantii oo midba Gooni ugu jiro AYUUTO/HAGBAD

    ” Jiimbaarta kula Eki ayaa qurbaha ka jirto xataa.

  8. Hiilqaran says:

    DABSHID sxb aan ku saxo eeboow waa afka somaliga eray kamida ee qabiil laguma noqdo ee saas u ogaaw qof kasta oo afka somaliga ku hadla ayaa adeegsan kara wbt

  9. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    sOmalilander;
    Waar NINOOW anigu waxaan ka mid ahay dadka kugu wareeray, macnaha ma Soomalia Mise Somaliland Mise DDS kolayba Djibouti ma tihide!!.
    🐦👳🐧Adeer sOmLilander, horta aan quraacanno Dabadeed Highway-da ku dhacno oo noogu tuur heesti Sidirigam KA gadaal anaa kaa dherjin WAXAAN ahaye. Adeer heesaha igu roonow oo waxaan AUNTE M/med Mooge, Xasan Aden & Qadra LIILAW-LIILAW ahay maqashiin.
    💙Adeer beenta layga roon oo inkastoon FULAY ahay markaan wax qora qolkaygaan ku jira oo cidna ka baqimaayo. Adeer waxaan ahay dhal SYL oo aan ku hana qaaday MARKA damaqaygu waa ku; Somali, Isaaq, DDSI & weliba hayga reebine ku JABUUTI. Adeer WAA waxaa jirtay Gobollada Koofur AAN la sheegan karin QABIIL oo Qabiilka qura ahaa SOMALI oo weliba ragga damaqaa horbooda waxaa ku jiray kuwo aad isku haybtihiin. Marka adeer haddaad xilligaa joogi lahayd waxaad dhihilahayd QABIIL UF. 🐧🍎🔛Adeer Qadra ku tuur waa saq dhexe. DAL MIDA ilaa uu suldaanku ka soo fasaxa DALMIDA. WBT

  10. Garqaad says:

    Asc asxaabta

    Mr waare ugama jeedo qalad gooni ah

    Haduu safiirka muqdisho kula kulmo iyadoo wasiirka dowladda dhexe goob joog ka yahay

    Kuleey laysma dhafaayo ee walbo ninkii kugu daneysanaayo hallagu daneysto iyadoon wax loo dhimeyn sharafta dalka iyo dadka

    Mr waare wuxuu ka taliya gobalada somaliya ugu dhaqaalaha badan markaan hadalkiisa qiimeeyay iilama socod eko waraabayaasha waan soo dhaweynayaa hormarka wadanka ma ogolin wixii wax u dhimaayo sharafteena

  11. Nuurkanederland says:

    KHALIIJKA OO DHAN WAA XAASASKA MARAYKANKA. WAANA BIRIIJKA MARAYKAN USOO MARO DUNIDA CARABTA WAANA MEESHA LAGA BURBURIYEY CIRAQ,SURIYA,SOMALIYA,LIBIYA,YEMEN,SUDAN,INQILABKII MASAR, AFGHANISTAN, & IIRAAN OO LAGU SOCDO HADA.

  12. Nuurkanederland says:

    (MAANDHOOW CAYAAYIRKA IGA DHAAF CARABI WAA NAAGE,)

  13. Cadaado says:

    Alla maxaa been iyo quraafaad la’isku sheegayaa.

    Jidadka Doha, Qatar yaa dhisay? Ma’eeysan dhisin Engineero carab ah, amaba Qatari ah. Reer Galbeed ayaa dhisay.

    Markaaseey wasiirkaan qorsheeynta dowladda dhexe Mr. Jamaal iyo mas’uuliyiinta Somaliyeed noogu sheekeeynayaan engineero Qatar kayiimid ayaa jid Somaliya u dhisaya.

    This is fucking joke, loogu sheekeeyo dadka caqliga daanyeerka ah leh.

    Yes, lacag saliid Qatar waa heeystaa, laakiin, aqoon iyo caqli iyo karti jid lagu dhiso walaahi in eeysan laheeyn. Marka, waxaa ka dhow iyada oo la dhaho lacagta bixiya, oo nimankaas wax bartay ee Turkiga ah lacagta lasiiyo, iyaga ayaa dhisaya jidka Somaliya’e.

    Waa ruwaayad iyo munaafaqnimo. Beenta in eey xaaraan tahay dad badan oo Somaliyeed oo muslin sheegta ma’oga.

    3 sanno kabacdi jidkaas hadii niman qamiisyo gashan oo Qatar ah eey dhisaan, warkeeyga danbe ha dhageeysaninna.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video