Guddoomiye Yarisow ayaa soo dhaweyn kaddib, ka waramay shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay amniga iyo Khayraadka dalka oo markii ugu horeysay uu ka qeyb galay, waxuuna madaxda qaranka uga mahadceliyey kaalinta fir-fircoon ee ay siinayaan mar walba bulshada Benaadir, isagoo xusay sida ay ugu heellan yihiin dadka Gobolka Benaadir dhismaha Dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya.
Madaxweyne-yaasha Maamul Gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa mahadcelin kadib, isla qiray in Muqdisho ay tahay astaan Qaranka, iyadoo taas laga duulayana maamulka iyo shacabka oo wadajira laga doonayo sidii mar kale loo soo celin lahaa sumcaddii iyo wanaaggii ay caanka ku ahayd Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre oo xiritaanka cashada ka hadlay ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii rajada iyo soo celinta dawladnimada, isla markaana ay xaqiijin doonaan wax walba oo lagu gaari karo rajadaas
Kulanka cashada ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Fannaaniin ay kamid yihiin Faadumo Cali Nakruumo iyo Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, waxayna goobta ku soo bandhigeen heeso iyo gabayo ka turjumaya muhiimadda uu dalka u leeyahay wadajirka iyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed.
Muu IDP iyo masaakiinta daadsan Muqdisho iyo nawaaxigeeda u sameeyo casho inta ku khasaarinayo raashinka mooryaantan ka been sheegtay himilooyinka;
horumarineed,
Diineed/akhlaaqeed
xoreyn,
difaaceed,
midnimo
maamul wanaag
iyo qarannimo ee ummadda Soomaaliyeed.
Mase xisaab kalaa lagu cunahayaa meesha ama koox dad ah aka Suppliiers/tenders ayaa lagu naas nuujinayaa.
Waa waddan wada mashruuc ah
Kooxahan u niikinaya ayaa wax walba ka daran.
Waa zaman al nakhaas al raqiis.
Sharaf dhimatay
Viva Soomaaliwayn
Ali zubeer asc Mudane sare
Marti qaadka kama soo qeyb gali karaan qof aan tuug aheyn qof aan cunin hantida shacabka cunin qof aan qado iyo quraac heysan
Tanoo kale waa tii habluhu dhihi jireen AQAS
Mudane Garqaad
Asa
Ishaad ka ridday wallaahi.
Waar wuxu xishoon mayaan
Viva Soomaaliwayn
Meel iiga qora kista yar ee loogu talo galey shaqaalaha Gobolka, wuxuu ku dhameyn Xaflad ii dheela iyo Ina Kabo-yare hees ii tiri.