Daawo Ciidankii Khaatumo Oo Soomaliland Lawareegtay Balicad Iyo Masuuliyiin Ka Qayb Galay

Widhwidh(Kalshaale) Maanta Ayaa Degmada Balicad Ee G- Cayn Waxaa Lagu Wareejiyey 200 Oo Askari Kuwaasi Oo Ahaa Ciidanka Khaatumo

Munasibadii Cidanka Lagu Wareejinayey Waxaa Kusugnaa Wasiirka Amniga Khaatumo Keyse Cabdi Yusuf Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Xaaji Cali Wasiirk K/x/ Maaliya Maxamed Cali Bashiir

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

Masuuliyiin Kale Oo Katirsan Xukuumada Khaatumo Taliyihii Ciidanka Lagu Wareejinayey Aaga Widhwidh Gaanshale Sare C/laahi Dheere Saraakiil Katirsan Cidanka Iyo Waxgaradka Deganakaasi Balicad

Wasiirka Amniga Khaatumo Ayaa Cidanka Wareejiyey Isagoona Sheegay In Ay Kamid Tahay Qadobadii Ay Ku Heshiiyeen Soomaliland Kana Uu Yahay Mid Fulay Maanta


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (37)

  1. C/Raxmaan says:

    200 – 200 = 000. Waa jug-jug meeshaadi joog. Waa la kala adeeganayaa. Waa un sida xaflad MEHER ah looga qeybgalo op Kale . Dabar la’aan MAYRACO ayuu Yiri Axmed Somali.

  2. Wiilwaal says:

    Allahayow maxay noqon, ninkii awrkii lacag siistays?

  3. C/Raxmaan says:

    Oo Kale

  4. Garqaad says:

    Kkkkkkkklkk

    Dhulbahaante
    Waa xarfaan wexey ogyihiin pudland iyo somaliland midna in aysan waxba aheyn
    Wexey go.aan ku gareen iyo hadba meel kusoo cunaan lacagaha kasoo xereedo dekadaha bosaaso iyo berbero maanta pudland beri somaliland

    Dhulos gacan ayaan u taagay

    Maxaa idinka galay intii ay ka imaaneyso dowlad somaliyeed cuna dekadaha deriskiina

    Awalba emaraad iyo xabashi aan asxaan uga heyn ayaa cuni lahaa

    Dagaal hunguri iga dheh

  5. maxamud says:

    Waa dad dowlad waayey.Waa qeyb kamida qaranjabka

  6. Aarka hargaysa says:

    Waxaan uubataayaba tolkay ooda soojabi

  7. Aarka hargaysa says:

    Dhulbahante wuu tashaday wuxuu ogaaday in wax dowlada oo somaliya layidhaa inaanay jirin oo dib logunoqday 60 kii aduunkuna sidaa uqaabeeyay wadahadal waqooyi iyo koonfurana loo wadahadlayo somaliland iyo somaliya sidaa darteed reer waqoyinimadii ayay aamineen guul somaliland qaladkii 60 kii hadaynu saxaynaa ama waa lakala tagi

  8. farxiyo says:

    Waa kooxdii caynaba ee siilaanyo mehersaday,muuse biixina dumaaley.
    U dhutinmayno.
    *inta badan iyo baaqigaa hadhi*.
    Hadaanu aniga iyo laba islaamood oo kale soo hadhno,dhulbahante na dhamaantii iidoor iidoor raaco.
    Walaahay bilaahey tolaahey,halganku wuu soconayaa,AF iyo adinba.
    Kayse cabdi yuusuf,dhalasho ma yaqaan ee dhaladu yaqaan.
    Aabihiin nacasnimada qaangaadhey ka wasa..

  9. Land of Punt says:

    La ogaayoo Dhuloos malaha hogaan iyo kala dambayn! Macal ciyaal Faay Cali iyo Hawiyaha mooryaantooda ayaa maanta nidaam iyo kala dambayn ogol!
    Maxaa ku dhacay Daraawiishtii 1901 millitary gaardinaya ahaa oo Faras 100 km ku socda xabad ka dul ridayey!
    Walaahi aniga waa la yaabanahay cidaan!
    Cali Injir iyo horgale la mid ah oo aamineen ayaa waalay!

  10. farxiyo says:

    Bisada hargeysa.
    Waar waa in yaroo kayse idin Kala soo dudey waagii hore, Dee intii buu idiin soo celiyey.
    Ictiraaf bad u ooman yihiin,ee maalintii afar kirishboy oo dhuloos ahi idiin yimaadaan,naqasku haydinka soo baxo.
    Dhedo roob noqon wayday.

  11. Land of Punt says:

    Garqaad
    Sxb nin facaa ah u shaxaad tahag amaan maaha!
    Walaahi in Dhulbahante cidna wax uga baahdeen oo dhulkooda ka badan yahay hadday wax isku raci lahaayeen!
    Hadalkaaga aflagaado ayaan u arkay.

  12. xaange says:

    Majeerteen dhiillada afkay dhamac ka muujaane
    Nina uma dhaqaaqaan hadaan tooda loo dhicine.
    Allaylehe Dhulbahante oon dhiman dhaxalyey idoore

  13. Land of Punt says:

    I mean:
    Maxaa ku dhacay Daraawiishtii 1901 millitary gaardinaya ahaa oo Faras 100 km saacadii ku socda ayaga ku jooga xabad ka dul ridayey!
    Yaab

  14. Aarka hargaysa says:

    Land of punt sxb yaa kuyidhi dhuloos ayaa libaaxyo ahaan jiray ma tariikhdii beenta ahayd ee afwayne ayaad runmooday kkkkkkkkkkkkk

  15. Aarka hargaysa says:

    Farxiya inaabti adigu dumar bad katahay waxba Haku dawikhin dhulbahante wuu diiday inuu majeerteen gidaar ama darbi isaaq kagagudban ahaado isaaq iyo majeerteen balankoodu waa yoocada

  16. Garqaad says:

    Land

    Adigaa aflagaado wado oon xishoneyn
    Hadaan kula joogi lahaa gacanteyda ayaa ku gaari laheyd yaa nadel

    Dhulos ilaaheybaa daris ka xumeeyay oo isaaq iyo majeerteen ku dhex beeray laakiin iyaguna wey u qayileyn waana ku saxan yihiin lacagta kasoo baxdo berbero iyo bosaaso waxaa inta badan la geyaa sool iyo sanaag iyadoon abaal looga heyn cidna

    Reerku waa qaran wey ku adagtahay in ay qabiil ahaan u heshiyaan kaligoodna maaha waa somalida oo dhan

    Idinkaba waxaa idinku kala dhexjiro tegreega barlamaanka idiin furro

  17. Aarka hargaysa says:

    Garqaad sxb aflagadada nagadaa dadka afka somaliga kuhadla isaaq dad kagobsan majiro dadkii somali jacayl idiinku yimid iyadoon qaarkiin ayna afgaranayn ayaad abaalkayagii kadhigtiin waxaan lasoojoobi karin se sifiican ayaanu idiin baray

  18. Garqaad says:

    Aarka hargeysa

    Sxb somalida oo dhan ayaan gob aheyn maahan wax kaligiin idiin gaar ah

    Laakiin idinku waxaad dheertihiin 30 sano ayaad dowlad sheeganeyseen maanta oo ay tahay 2018 ayaad taagan tihiin gabadhii yar ee xamar tagto waan xireynaa

    Horta idinku dad wax isweydiiyo ma idinku jiraan?

    Weli ma is weydiiseen 30 sano ee lasoo dhaafay waxa idiin soo kordhay ileen dadku waa in ay isweydiin maxaan faa. Iidnay iyo maxaa naga qasaaray?

  19. maxamud says:

    Dhulbahantow habargidir kamayarid kamana dagaalyarid ee meel isuraaca oo labadaan qolo mid jabsada

  20. Aarka hargaysa says:

    Ok garqaad sxb 30 Sano waxaa nosoo korodhay in aanu sharaf iyo cisi kunool nahay oo matidayadii aanu nabad iyo wanaag badan u abuurnay oo aanu siyaasadii dariiq wanaagsan oo aduunku sheegay in aanu kaduwanahay somalida koonfureed marka xigta intaaba adigu mahaysid adigoo dowlad LA aqoonsan yahay ayaan haystaale ma awoodin intaa aan qabsaday in aad samayso dhulkaaga magaalo magaalo daadhi loo kalaraaco majirto maamul goboleed Cid ka Amar qaataa majiro anaga 5 tii gobol ee somaliland amaba goboladii waqooyi badhasaabo muse biixi magacaabo ayaa ujooga intaadoodhani waa waxaan kudheerahay mana samaysay kartid ayaandarada kugudhacday kuma muuqato tusaale reerka Arab layidhaa wadooyin ay magaloyinkooda tagta ayay samaysteen abgaal na ciidamo afrikaana ayaa goof kodii kuwaar diyeeya

  21. maxamud says:

    Dhalinyarada isaaqa kii jaamac kabaxa ama dhanka liibiya utahriiba ama dhanka hawiyaha(xamar).marka siyaasada hargeysa taal wixii berbera kasoo baxa madaxdeena iyo waardiyayaasheena noo qeybiya miyaa

  22. Garqaad says:

    Aarka hargeysa

    Sxb annagu maba diidin maalintii dowladdi dhacday ilaa iyo hadda waanu rafaneynaa oo naf malaheyn hadana waan kasii xumaanay madaama aan 6 dowladood aan noqonay

    Hadda idinkii 30 sano kor leydiin soo eegaayay oo xitaa awood u lahaa in aad wadanka oo dhan isu xukuntaan dadkana isu keentaan hadaad weli joogtaan qofkii xamar tago waan xireynaa iyo nabadbaan ku noleyn maxaanba ku muranaa waa wax isma dhaantee

  23. Aarka hargaysa says:

    Garqaad sxb hadii dad garowshiiyo le aanu idinku ognahay wuxuun baanu yeelilahayn se dad runta kunool natihidin maalintii calimahdi aad u cimaamadeen ayaanu ogaanay waxaad tihiin dadku waa inaga magaaladu waa muqdisho inoowada howsha markaad tidhaahdeen ayaanu idin tusnay in aduunka rag kunool yahay oo aanu lasonoqonay waxayagii asxaan laysu falayaana majirto miiska soo fadhiista idinkoo miyir qaba ama waxbaa laqaybsan ama waa lakala guran

  24. shaxda says:

    Garqaad sxb

    Land of punt Wuxuu Rabaa Inuu Dhulos Qoorta Kuugaliyo kk Hadduu Fahmilahaa Halkaad Ulajeedid Hadalkaada Kumuu Dhaheen Dhulbahante Ayaad Aflagaadeysay

    Yuuku Danbaajin Ee Halgankaagii Halkii Ksiiwad

  25. shaxda says:

    Farxiyo Oo Dhiriftay Ayaan Arkayay
    Farxiyo Kashaadii Sooqaado Inta Aad Nooshahay Dhufeyska UguJir Reer Dariskaa

  26. Land of Punt says:

    Garqaad..kkkkkkk
    Inaad mooryaan tahay u malayn kkkkkk
    Ma fikirkayga aan dhiibtay ayaad iigu gacan qaadi lahayd? Kkkkkk
    Allow aan ku mudan, taas waa waxa federal loo noqday.
    Ima taqaanide armaad cagaha wax ka daydaa markaa i aragtid?
    😀😎

  27. Land of Punt says:

    Garqaad
    Sxb waa run, dhuloos maaha dad dhul lahayn ama dad kale shaxaad uga baahan.
    From Docmo killilka ilaa Ceerigaabo dega, siyaasada ayaa ka qaldan ilaa wax isku raacaan macal wiilka dhaleen Farmaajo wax uma qaban karo.
    Run

  28. Laalays says:

    Garqaad

    U fiirso waxaad qorayso. Dhulbahante cid Isaaqa oo colaad u qabtaa ma jirto.

    Madasha waad ku cusubtahay 7 sano baan meeshan ka doodaa, qabiil aan ka difaacana waa Dhulbahante.

    Somali girl, Farxiyo iyo Ciise ayaa inta hada meesha soo gasha iiga marqaatiya.

    Dhulbahante waa i dhaleen, waan dhalay walaahay in aanan madal lagu maagayo oo aanan difaacin weligay eebe i joojin. Ilaahayna ima joojo.

    Viva Dhulbahante

  29. Garqaad says:

    Land
    Kkķkkkkkkkkkkk

    Imataqaanide armaad cagaha wax ka daydaa bareejo fiican iga dheh reer magaalku madagalaan ee wey isu baala xoofteyaan

    Horta mid ogoow aniga dhiigeygu 2 qabiil ayuu jecel yahay waa dhulbahaante iyo habar gidir xagooda laygama maro waayoo waa labada reer ee weligood gumeyste kusoo hoos geli karin laakiin waxaa ilaahey tol uga dhigay mudulood iyo majeerteen oo qaa. Iimin ah oo wexey usoo halgamaan meel cad ka qaato

    Somaliya halka ay jaaniska badan ka heleen mudulood iyo majeerteen hadeey habar gidir iyo dhulos haaniskaas heli lahayeen meeshaan maanta majoogteen

    Sxb reerku maamulkii khaatumo idinkeey idinka sameysan waayeen oo geed dheer iyo geed gaaban u koray in uusan dhismin ilaa aad gaarteen in aad dhahdaan wexey Somali ku lahayeen garoowe u hoos fariista

    Adiguna waxaad mar walbo soo qortaa idinka kala garan meyno waxaad soo qortaa viva somaliland adigoo iyaga ugu darnaanaayo waxaad soo qortaa haddalo badan oon istaahil ageyn ilaahaan kugu dhaarshee sidaas miyey xaq u leeyihiin?

    Muduloodka ayaa idin dhaamo oo habar gidir u sameeyay maamulka galmudug

    Dhulos tolnimaa ku jirto moyee wexey aheyd in ay mar hore muran idinka geliyaan dekadda bosaaso

  30. Land of Punt says:

    Laalays
    Anaa kaaga marqaati in weligaa Dhuloos difaac u tahay xitaa haday ku caayaan u jawaabin!! Kkkkkkk
    Dadka kale daaqada kala baxdo..kkkkkkkk
    Kolay in reer Abti kuu yihiin u malayn ama in Somaliland nationalist tahay oo xuduudkii Engriiska rabto in xirto xalaashan u dulqado inta dantaada gaarayso!!
    Waxaan isweydiiyaa tolow haddii Somaliland la aqoonsado Laalays muxuu qori lahaa?
    Kusoo fariista Faqashyahay mise difaaca Dhuloos meesha ayuu ka wadi lahaa? Kkkkk
    Laalays maalinta la idin aqoonsado waxaan u malayn i Harti adoon ah la arko!! Kkkkk
    Diradire igama aha ee waa suaal meesha ku jirta!!!!
    Iidoor dowlad international ah noqday sidee minoritiga Harti iyo Gudabiirsay iyo Gabooye ula dhaqmi lahaa! Big quetion.
    Time will tell.
    Laalays cidna kaama qaadi karto in Dhuloos sharafto, taas doqon aan waxa qorto aqrin ayaa ogeyn!
    Run🙄

  31. Somali girl says:

    Garqaad Waad iga yaabisey horta maxaad ka hadashaa habargidir halgantey oo mudulood kamaqan yahay xagee kadhacdey? Yaab yaabkiis xaqiraada waa waxa somali hore uga socon waysey inta beel kaliya la daajinayo beelaha kalena laga dhigaayo in baruur gacmaha kuheysteen oo iyaga la xoreeynayey waryaa halakugu dhaarto rag dalkan uso halgamey muddlood iyo mjba wa lahaayen ee kada liiditida reeraha.

  32. Land of Punt says:

    Garqaad
    Habagargir oo Hiraab jooga Harti lama sina, dadka ilaah ayaa badiyey!
    Kasoo tag! Majeerteen doqon maaha in Sool iyo Sanaag maamul gobol noqdaan waa rabnaa ee waa in marka hore nidaam adag la sameeyaa iyo dad midaysan ka dib heshiis cid ka maqnayn lagu dhawaaqaa, Somaliland taas waa ogtahay oo in dhicin rag u kiraysteen Lacag badan ku bixiyeen.
    Puntland xitaa shir u qabato laga diiday aan cid Dhuloos ah fadhiyin.
    Puntland si arinkaas u xaliso wasiirada arimahaas hoos yimaadaan waa wada Dhuloos ee Puntland.
    Wasiirka arimaha gudaha
    Wasiirka Xiriirka dibedda
    Wasiirka warfaafinta
    Wasiirka madaxtooyada
    Wasiirka ganacsiga.
    Madaxweyne ku xigeenka
    Intaas wax waa qaban waayeen…waayo Isaaqu waa ka aqli badan yihiin Hartiga.kkkkkkkkkkk
    Viva Iidoor😁

  33. Land of Punt says:

    Somali girl
    Aniga is deji Garqaad waa Sacad badow ah..kkkkk
    Haddii Mudulood iyo Majeerteen wax ahayn Habargidir oo qas iyo colaad ka shaqeeye oo ayaga wada hadlibkarin iyo Dhuloos oo wada hadli karin oo wax isku raaca laga la’yahay.
    Bal kaalay adiga Dhuusamareeb iyo Cadaado isku keen ama Dhuloos meel isugu keen.
    Mudulood ha is dileen laakiin waa rag miis go’aan wada qaadan kara Majeerteen la mid.
    Kana tira badan!😂
    Marka warka Garqaad iska hadle kasoo qaad…kkkkk
    Habargidir ha mideeyo markaas war laga dhageysan…
    Run

  34. Garqaad says:

    Somali girl salaan sare walasheey qaaliya
    Kkkkkkklkkk

    Oo miyaad joogtay inteey maqan tahay xogaa ku xad ayaan is lahaaaaaaa

    Sarbeebteyda maadan fahmin abaayo

  35. Dabshid says:

    Waan soo dhaweynaynaa midnimada Soomaalida Waqooyi.

    Si aan u gaarno midnimo dhab ah waa inaan ka shaqeyno Koofur mid ah iyo Waqooyi mid ah, ka dib waxaan gaari doonaa Soomaali mid ah.




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video