Beesha Caalamka iyo Go’aano kasoo baxay shirkii kusoo dhamaaday Xamar

Muqdisho (Kalshaale) Qoraalo mideysan oo kasoo baxay Saaxiibada adduunka oo ay ugu horeeyan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey go’aannadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Qaranka ee Somalia (NSC) uu ka  gaaray kulankii 6-10 Febraayo 2018 ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga.

Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. Ali Zubeer says:

    Wagar. Waar nijaastan cadowga u ah ummadda iyo qaranka Soomaaliyeed waa in laga saara waddankan Somalia ee kufsadeen, loona qoraa homo persona non Grata.

    Saaxiibada Soomaaliyaa kulahaa

    Yeey carrada indhaha u marinhayaan

    shaacirkii wuxuu yidhi

    Laqad asmacta low naadayta xayan, walaakin laa xayaata liman tunidaa

    Dad nool baad wax maqashiin kartaa, laakiin qof aan noolayn baad u yeedhaysaa.

    Adduunyo xaalkaa ba’

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. Dabshid says:

    Go’aamadii ka soo baxey Shirkii dhex marey ido iyo riyo oo looga hadlahayey sideen ku helnaa biyo iyo cows – ayaa waxaa soo dhaweeyey ururada iyo dalalka

    Libaax
    Dawaco
    Dhurwaa iyo shabeel

    Bal aqliga qorahayo ilaa ay goob joog ahaadan Gumeyste Cad iyo Mid Madow, kama shirikarno sideen u wada noolaana soo maahan ido talada u dhiibtey Dhurwaa iyo Dawaco.

    Waliba waa hadoo ay kala barteen Kabo qaad iyo Calan qaad.

  3. maxamud says:

    Somalidu hadeey dalkeeda hananweyday yeey eedeyneysa

  4. Nuurkanederland says:

    WAX BEEL CAALAM LA DHAHA MA JIRTO.
    SOMALIYA KUWA NABADA & NOLOSHA U DIIDAN WA (USA & UK)
    SABABTUNA AY NAGU HAYSTA WAA MAXAAD ISLAAM U TIHIIN. SIDEE SOMALI U YEELAN KARTAA DHULKA GEESA AFRICA EEDIHIN IWM




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video