Ruushka oo baaraya hil diyaaradeed oo 71 qof ay ku dhinteen (Daawo Muuqaal)

Muqdisho (Kalshaale) Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegaya in ay darsayaan dhawr arrimood oo ay suurtagal tahay in ay sababeen in ay soo dhacdo diyaarad ku burburtay meel ka baxsan magaalada caasimadda ah Moscow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Burburka diyaaradda ayaa waxaa ku dhintay dhammaan 71 qof oo saarnaa diyaaradda kuwaa oo isugu jiray rakaabka iyo shaqaale.

Diyaaradda ayaa burburtay wax yar uun kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee duleedka Moscow.

Baarayaasha ayaa sheegaya in ay eegayaan suurtagalnimada in burburkaasi uu ka dhashay cillad dhanka hawada ah, khalad bani’aadamka uu sababay iyo cillad farsamo.

Ilaa iyo haatan ma aysan soo hadal qaadin suurtagalnimada weerar argagixisnimo.

Dad goobjoogeyaal ayaa sheegaya in ay arkayeen diyaaradda oo gubaneysa oo cirka ka soo dhaceysa.

Sidoo kale muqaalo laga soo duubay goobta ay diyaaradda ku soo dhacday ayaa waxa ay muujinayeen burburka diyaaradda oo ku dhex dhacay baraf aad u xooggan.

Arrintan ayaa ku khasabtay hawlwadeenada ka qeyb qaadanayay gurmadka in ay baabuurtooda meel fog uga soo tagaan oo goobta diyaaraddu ku dhacday ay lug ku tagaan.

Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan.

Waxaa lagu soo waramay in Diyaarada ay ku dhacday meel u dhaw Argunovo oo sideetan kiloomitir kaga began koonfur bari ee magaalada Moscow.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video