MUUQAAL Khayre “Ciddii aan dowladda garab istaagi karin waa in ay ka joojiso oo kaliya Dhibaatada” Arin muhiim ah

Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu qabtay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya hormarka .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, Nuuca Doorasho ee dalka uu yeelanayo, Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku saabsan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay shacabka uga baahan tahay taageero buuxda.

‘’Shacabka waa in ay taageero buuxda siiyaan dowladda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna keliya waa in ay joojiso dhibaatada’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Sida qorshaha uu yahay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa 28-ka March ee sanadkan waxa ay isugu tagayaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu qaban doono shir looga hadlayo dhameystirka Kheyraadka dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (13)

  1. Nuurkanederland says:

    WAA SAX LKN MA DAWLADNIMAA IN MIISAANIYADDA DFS AY NOQOTO MUSHAHAR KA WAZIIRADDA & AFARTA AGTAAGAN!!!?
    DFS WAA PROJECT UU LEEYAHAY GUUMAYSTE MICHEAL KAETING & INTA KU ADEEGATA EE AY UGU HOREEYAAN UK & USA.
    )(SOMALIYA WAA MASHRUUC)

  2. Dabshid says:

    Rasalwasaare kalsooni isu yeel, hooska shimbirahaad ka shakisaa.

    Tankale jooji kharashka aad ku qasaariso TV dacaayadaha iyo hees amaantaa ii qaada.

  3. BARAWANI KING says:

    DABSHID

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK cuqdad

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    oday Dabshid
    waxad kubiirtay xisbiga qaswadayaasha aka dowlad diidka

  5. Dabshid says:

    Khaatumo hanoolaato

    Warkaadii ugu fiicnaa wuxuu ahaa Dowladda dhexe kama taliso Goofkeyga (Dhulka Khaatumo ) dheefna igama qaado.

    Wuxuu iila muuqdey war gar ah

    “” Shilinka dhanka kale u rog) Banaadir iyo Shabeelooyinka

  6. Dabshid says:

    Wiil Qardho

    Cuqdo waxaa qabo ninka Saxaraha dhigtey JIIMBAARTA KULA EKE,ee Salaanta KULA EKI laqaato Madaxweynaha

    Ee xataa diidey in loo sharciyeeyo Qubada Bari.

    ” Maxaad ku soo kordhisaa dowladda Banaadir State oo aan ka aheyn inaad Basaasto”

    ** Adoo Dudun saaran inaan kaala Doodo Boondheere waa ii doqonnimo**

  7. Mr BaHaL says:

    Somaliya,maba jiro wax la mucaaridaa,wax laga soo horjeesta Iyo wax lagu kala qaybsamaa.
    Moyaan in lagu jiro dagaalka hunguriga,laakiin wax la mucaariidaaba ma yaalo Somaliya.

    Waxaa yaala dood ah,bal in Somaliya nabad lagu soo celinkaro,bal in Somalidu wada shaqaynkarto Iyo bal inay Somalidu is aaminkarto.

    Waxa ka jiraa Somaliya waa”anarchy”.
    Umad aan lahayn wax kala haga.

    Tulo walba ay calan taagato oo lays wada haysto.Maxkabad laga maarmay Iyo Tuugta oo haysa gacanta sare.

    Xamar ayaa uGu dhaw degaan Somaliyeed oo ay dawladnimo ka hana qaado,iyadna way ku adagtahay inay 4 sano ku fuliso nidaamka dawlada – si looga baxo nidaam la’aanta.

    Waxaa muuqda inuu Gu’gii guusha Somaliyeed da’ayo.
    Waxaa muuqda inuu Gu’gii Somalinimadu curtay.Waxaa muuqda inuu Gu’gii nabadu ina hadheeyay.

    Iyo Gu’gii dawladinimada oo onkodaya.

    Dadmida

  8. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Somaliyey intaan kaliya garta; Mr BaHaL “Xamar ayaa uGu dhaw degaan Somaliyeed oo ay dawladnimo ka hana qaado,iyadna way ku adagtahay inay 4 sano ku fuliso nidaamka dawlada – si looga baxo nidaam la’aanta.
    Waxaa muuqda inuu Gu’gii guusha Somaliyeed da’ayo. Waxaa muuqda inuu Gu’gii Somalinimadu curtay.Waxaa muuqda inuu Gu’gii nabadu ina hadheeyay.
    Iyo Gu’gii dawladinimada oo onkodaya.
    Dadmida. ⁉SAX. WBT

  9. Garqaad says:

    Asc asxaabta

    Mr kheyre waa nin ay ka muuqato dhiiranaan hal adeeg waxaan aaminsanahay hadii jaanis lasiiyo in uu meel fiican wax geyn karo

    @ Mr bahal salaan gooniya Mudane qaamuus
    Hadalkaagu waa daawo loo baahan yahay war nin yohoow armaan xamar kuu dirnaa waxaad iila muuqataa mid wax kusoo kordhin karo somalida cusub

    XANIINYEY DHOCAARTAA MAANTOO KALE WAA MUHIIM IN HELLO QOF FIKIRKIISU CAFIMAAD QABO

  10. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Salaan sare sxb.

    Igama aha in aan Xamar amaano e waa aragtidayda Iyo cashar uu wakhtigu I baray.

    Garoowe oo nabad ah 30 sano.HARGEISA oo nabad ah 30 sano,wax soo kordhiyeen ma jirto oo aan ahayn qabill Iyo in shisheeye loo adeego.

    Laakiin Xamar oo nabad noqtaa waa Somaliya oo nabad heshay.

    Muqdisho oo dhimatay waa Somaliya oo dhimatay.

    Dadnimada Somalidu Muqdisho ayay ku xidhan tahay.

    Dalmida

  11. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Xamar waan tagidoonaa hadii Ilaahay yidhaa,laakiin xagga jaamacadaha – gaar ahaan Tarikhda Somalida ayaan wax ku soo kordhindoonaa.

    Dalmida

  12. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin.
    Waa runtiis ra’iisalwasaaraha dalka, Mr. Kheeyre hadalkiisa.

    Daanyeerta Ceeyr iyo Sacad, hadii eeysan dowladnimada Somaliya taageereeynin, haka daayaan kaliya arbushka. Ahmed Macalin Fiqi, Cabdirahmaan Abdishakuur, Ceeyrow, Caato, Caydiid, Xassan Daahir Aweeys, doqomadaan ayaa reerahaan kazoo dhex baxay, kuwaas oo keenay in maantay 28 sanno kabacdi, oo eey qori aanan caqli lasocon la’ordayeen, eey maantay dowlad diidnimo nooc kale ah idaacadaha kawadaan, iyaga oo aanan ogeeyn duulka eey u shaqeeynayaan, iyo xaarka eey dhigayaan maantay. Daanyeero.
    Dalmida
    God bless Somalia.




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video