DHEGAYSO: In Maqaam loo sameeyo Caasimadda Muqdisho yaa Hortaagan ? Iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka Caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay Maqaamka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo in ay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid Dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qaxeexo Maqaamka Caasimadda iyo mida Gobolka, qof walba oo Soomaali ahna ay dan ugu jirto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen in ay ku baaqayeen in la dadejiyo Maqaamka Caasimadda, wuxuna sheegay in isaga uu horboodi doono dadka u doodaya Maqaamka Muqdisho, taasi bedelkeeda wuxuu dalbaday in la yareeyo in la isku xanto arrintan.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA AXMED MADOOBE 

“Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa Madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, Waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo Maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli xalay uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeyb galay shirka Golaha Amniga oo 10-kii bishan la soo gaba gabeeyay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (16)

  1. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    War dadkani intay u socdaan? War maqaamka CASIMADDA wuxuu ku qoranyahay Dastuurki 1961di WAXA kaliya uu u baahan yahay waa waxaan waqtiga la soco karin laga saxo. Kan haddaa la doona waa mid RAAD Qabiil ka muuqandoono. WBT

  2. farxiyo says:

    Axmed madoobe waxan Ku weydiiyey
    Hadaad aheyd nin culimo ah,diintana yaqaan,maxaa kugu kalifay inaad daawo madoobeyso marsato gadhka &timaha???.
    Mise waxad iska indha tireysaa axaadista
    Ka hadleysa xaaraantinimada madoobeysada.
    Umad dhan baa masiirkeeda lagugu aaminay
    Markaasad fusuq u horseedaysaa,weliba adigoo diin Leh.
    Meqaanka muqdisho ha kuu danbeeye horta naftaada toosi.
    To low ogaadeen ma nin aan Axmed madoobe aheyn bay waayeen.
    Weli ma ka hadashay dhibistii qalbi-dhagax?.
    !!!!!!!!!!!!!.

  3. Nuurkanederland says:

    MUQDISHO MA A LOO SAMAYN KARO MAQAAM SIYAASADEED OO SITA MAGAC CAASIMADEED. WHY? KII 1991 KII KA QAXIYEY SOMALI BAA MAANTANA KA SHEEGANAYA SOMALI ISAGOO HADANA LEH WAA CAASIMAD SIDEE LABADASI ISU QABANAYSAA

  4. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Mansab Aad Maroorsataa, Mulkigiisa Aadan mudneyn,
    Maan Mulaaxaaa Tacliin Mugweyn, Mid walba waad
    ka Madhanteheee, Midaan Aadan ka Muuqaneyn,
    Lama Maluugnaadeee, Miidaanka ka Maaran,
    Madi wax Maamushaaa, Mansabka Loo Maamuusa_Yaaeee, Macna tarantula Meel Noola
    Dhaaf, Murugadii Ceel Waaq masay kuukaayo ka
    Geysteen, Kama Aadan murugoonNeeeeeeeeeee,
    Ceel Cade, Cidhibtirkii, Maatadii masay madhisey
    Kama Aadan murugoonNeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Kuwa Arladeyda iney mulkiyaan, Maagan Ayaad
    ku Milanteee, Asluub diineed Ayaad ismar marisaaee,
    Dhirtii Jubooynka, masey ayaa madhsatey, Maal ayey
    Ka moostaanNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    idiguna Mansabka igu maamulaad Mahadhadaa
    Uga muquuran weydayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Ciil moogaa kugu Soo Maaran, maalmo Soo Mudanne,
    Mawluhu Meesha kaa Maqneysiii, Murugaad muudsa_Teeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Cadaalad waad ka madhan Tahaay Maamul maan
    Mulaaxeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Ragii wax maamulijirrey, uunka Kama MadhanNeeee,
    Miidaanka iyagaa Lagu Maamuusayaaeeeeeeeee,
    Mawlahey umada Meel kaaga maqiiqeeeeeeeeeeee,
    Iyagana Mideeye maan mulaaxa Tacliin maala Maluhu
    U Murtiyee eeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,

  5. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Maqaabka muqdisho waa martabad kaa mugweynNee,
    Murti, Aadan Maalikareynneee, Xaajo Aadan mudneyn,
    Ayaad ku meeraysataaee, Halkaad Muruqa ku maamu_Leysey, Masey Melez Dirtiisii kugu maamula_Yaan, Murugadaa, ku Miraneysa, maandhe
    Umada U MacNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeereeeeeeeeeee,

  6. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Farxiyooy, Darwiisho Salaan Gudoon Sabadii Cayn
    Iyo Nuggaal Sabaradeedii Kasoo Sadcaalshey,
    Sengihii dhoodimeer Siiga sakinada ku Saloolanjirrey,
    Salaanta, Aan Usoo Heenseeyey markuu Hareer Taata
    Soo Hogto Ha Halabsaan, Isagaa Hoos isu Soo
    GaabinNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Sunaha Nimaan Sugiin, Miyaa Talada Lagu Simaaa?
    Shacartoo Midabka Laga Suuliyo, Sunihii Sahayda
    Nooga Sadcaaley Sarta Aakhiroeeee, S C W saynab
    Saafii Saado Siraad Ayaa Sunaha Loogu Sugaay
    Shacarta Oo La Subkeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,

  7. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    ABTI, waxaa lagaa rabaa wax qabad ku saabsan JUBBALAND.

    Waxaa lagaa rabaa in aad xoreeyso JUBBALAND, oo ALASHAAB ka xareeysaan.

    Markaasna aad u soo jeesataan sidee aad wax uga qaban lahaaydeen, sida:

    ++ JEDADKA
    ++ CAFIMAADKA
    ++ TACLIINTA
    ++ ABUURISTA ILO DHAQAALEE
    ++ SHAQAYLIINTA DHALINYARADA

    Maxaa kaa galay MUQDISHU. MUQDISHU waa magaalo HAWIYE.

    HAWIYE aa laga rabaa in ay MUQDISHU nabad ka dhigaan, oo maqaamkeeda meel ku soo ogaadaan.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  8. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Saxid sarta aakhiroeeee,

  9. Dabshid says:

    Farxiyo

    Kkkkk

    Daawo madoobeyso wax ka daran ayuu faraha kula jiraa Axmed Cadde GARMADOOBE.

    Kenyanka ayaa DHUXUSHA u mariyo inteysan dhoofin.

  10. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Juba Samabixiin Bay Suggeysaaa, Saatirkoo sacabada
    Saadaal Sunaha Lagu Sggaay, Saatir Laga Suggaaeee,
    Nin Sunaha Caqli Suubaan Tacliin ka Saawiraa,
    Soohdintaa Juba ku Habsadayeeeeeeeeeeee,)

  11. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Masey Dirtii Melz Nimey Talada U Sugayaan, Niaad
    Soomaalinimo, ka Sugtaan, waa idiin swrac SiloonNee,
    Sama Bixiya jubadii Qalbigeena ku Suntaneyd,
    Cadwgii, Sooyaalka ku Suntanaa, Caqli Saawiraa
    U Sahlaay iney saafii casinoGeyaansadaaneeeeeee ,
    Sinjigeenii, Sawrac Siloonaa Suulinayeeeeeeeeee,
    Sanuud ayuu Siistey Sinjigii Sawricii Suubanaaeeee,
    mansabka oo Loo Sugo wax ugama SokeeyaanNeee,

  12. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Sunaha Aad Siideysey, Baan Lahaa Cadaaladuu
    Dadka U simyeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Sebiyada Saaqooyinkaa ku Seexan maaamul
    SuubanNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Sunihii uu siideystey, Nin Nagu Siraad Noqotey,
    Masey Dirtii Melez Nimey Talada U SuggaanNeeeee,
    Zifir Baad Noqotey, Dibnaha Noo Subkadaeeeeeeee ,

  13. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    CADAADO, Dabshid ka qabo Sheekh Axmed Madoobe. DALMIDA. WBT

  14. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Qaasatan idin Dabshid, Farxiya iyo Adeer Ahmed Somali.

    Adeer Ahmed Somali, Dabshid, Ahmed Madoobe iyo Kenyaatigiisa ayuu ku dhaganyahay, laakiin, dadkii sababay in eey Kenyaati imaadaan Somaliya, ee mooryaantii Hawiya iyo Mareexaan ee caqliga daanyeerka ah lahaa, wali cimaamad ayuu huwiyaa. Sidaas darted, dhibaatada Somaliya kasocota, Dabshid qeeyb ayuu kayahay. Waxaa kaloo qeeyb ka’ah Dusha, oo ah waraabo harag iddo noo soo gashaddo, si dadka aanan caqliga ku fillan laheeyn uu u qaldo.

    Farxiya, daawo madoobeeysadda dabmi weeyn, oo sidaas u sii buuran maahan. Waa wax iska yar, marka kaleexo, odayga, 30 kii sanno ee ka qasaartay intii eey daanyerta Habargidir iyo Mareexaan, iyo Majeerteen isku raacraacdeeysanayeen Kismaayo, ayaa ka qasaartay, oo uu ka samri la’yahay. Uma baahdeen 28 sanno kahor hadii uu Shiiq Ahmed Madoobe xukumi lahaa Kismaayo, in uu daawo madoobeeyso marsaddo. Laakiin, daanyeertaas ayaa waqtigiisa iyo waqti badan dad Somaliyeed uga ciyaaray, marka maantay ayuu Kismaayo xukumaa, ee daawadiisa ha marsado :)4 gabar oo dheeylo ahna ha guursado. Ka qaleey.
    God bless Somalia.

  15. C/Raxmaan says:

    Cadaado maxaa tiri . Wadaadku waqti ay ka lumiyeen mooryaantii MR & HG ayuu SUNNADII uga dhigay cudurdaar dheh . Dee waayahaye NJURY TIME’KIISA ma yahay mid looga dabatagikara waqtigii ka tagay ?

  16. C/Raxmaan says:

    Ma uusan saarin culuyska MIDKA uu yahay , ee waxuu wadaadku saaray culuyska WAXA uu yahay. Waxaan maqlay in ay madaxda Soomaaliyeed waqtigii SHUUCIYADDA diidijireen in loogu yeero magac ku lugleh diinta . Sida Sheekha , Wadaadka , macalin-diimeed iwm. Taasina Malaha INJURY TIME’keeda ayay dadka qaarkii ku jiraan. Alloow Alle . Gabadhu (Farxiyo ) run Bay sheegtay.




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video