Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdigiisa oo Goordhaw Gaaray Gaalkacyo Faahfaahin

Gaalkacyo (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo maanta ka soo amba baxay Boosaaso ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo iyo mas’uuliyiin iyo boqolaal kamid ah shacabka magaaladaasi ay soo dhaweeyeen madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu la kulmo madaxda Galmudug iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo uga bilaabanaysaa booqasho uu ku marayo deegaano katirsan Galmudug,ka sokow Gaalkacy,waxaa lafilaya in madaxweynuhu uu tago magaalada Cadaado iyo deegaano kale.

Maalmihii la soo dhaafay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya wuxuu socdaal ku kala bixinayay deegaanada Puntland,booqashadaasi oo uu maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyey.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. maxamud says:

    Farmaajo waa nin isagoo yar dowladii kacaanka kashaqa bilaabay waa nin og in dowladii kacaanku umada kkukala dirtay musuqmaasuq nin jcleysi iyo cadaalad daro waaya aragnimadaas isagoo kafaa iideysanaya ayuu iskudayaa inuu umada caadil unoqdo,waxaa hortaagan marka 3 caqabadood.1 Dowladaha shisheeye oo diidan in somaliya iskutaagto cagaheeda.2.Hawiye siyaasada usoogala kalacagee.3Majeerteen eey Majeerteenismku kala weynthy qatanimada.

  2. maxamud says:

    Sixid; qatanimad=qaranimada

  3. Mr BaHaL says:

    Madxwaynu maaha nin Fula ah,walee waa Libaax meel taagan.

    Puntland oo dhan ayuu sooo maray.Galmudug ayuu marayaa. Wax cabsi ah ka maan dareemin wajigiisa.

    Hadii aan yara kaftamo

    Garqaad

    Waar Madaxwaynu markuu tagay degaanka Daarood,aftahn ayuu ahaa,qudbado wanaagsan ayuu jeedinayay.

    Maxaa dhacay marka uu Xamar joogo?

    Ma Wiilashii Indha Cacasaa ayaa meesha soo fadhiya,oo markaa ayuu isku dhexyaacaa?
    Waar bal ninka ragaasi ka dheereeye marka uu ka qudbadaynao degaanka Hawiye.

    Mise anaa qaldane wuu afbartay oo hadeedto Formaajo afmiinshaar ayu noqday?

    Ta dambe Ayaan qaatay

    Guul Somalination.

    Dalmida

  4. Dusha says:

    Maxaweynaha isku kalsoonaan, geesinimo, iyo niyad wanaag Soomaalinimo intaba waa muujiyey.

    Waxaad moodaa inay u bidhaamayso sharafta iyo midnimadii Soomaali lahaan jirtay. Isaga niyad wanaagiisa awgeed taasi waxaad moodaa inay sida xidig ilays badan ugu hillaacayso. Laakiin, waxaa iyana jirta in arrintaas suurtgalnimadeeda ay dad badan oo Soomaaliyeed mugdi ka galay, suurtgalnimadeedana ay u arkaan, inay ka horrayso dadaal iyo shaqo badan. Alla if kaas iyo sharaftaas qalbigeena ha ku dheeho. Dadaalaa wuu gaaraa, wixii aynu iska hallaynay waynu suuban karraa.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video