Daawo:Xerada ugu Weyn ee Ciidamada Asluubta oo Maanta Xarigga laga Jaray: SAWIRRO

Munaasabadda xarigga looga jaray xarunta ayaa waxaa goob joog ahaa xildhibaano ka tirsan labada aqal, saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta iyo kuwa xoogga, waxaana xarigga jaray wasiirka cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, wuxuuna sheegay in guul ay tahay dib u howgalinta xaruntan.

Wasiirka ayaa amaanay taliska ciidanka Asluubta oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo dayactiri lahaa xaruntan oo burbursaneyd tan iyo markii dagaalada sokeeya ay dalka ka dhaceen.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka mid ah ciidamada qaranka uu leeyahay, waxaana la aas aasay taariikhdu marka ay aheyd 22-kii Fabraayo sannadka 1970-kii.

Howlaha ugu muhiimsan oo uu qabto ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka mid ah dhaqancelinta maxaabiista, waxayna la shaqeeyaan hey’adaha garsoorka dalka.

Xarunta maanta xarigga laga jaray oo ah tan ugu weynayaa waxaa dhistay sannadkii 1974-kii dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Fardojaan says:

    Labada Gabdhood ee Ubaxa wadaa
    Qurux badanaa Masha allah.
    Kushitig Race
    Asalkeenu Faraaciintii hore ayuu Ka Soo jeednaa.

    Sawirka. Gabadha Shishe Waxaay U Egtahay Queen Hethepsut mid Ka mid boqoradii Faraaciinta




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Deeq Lacageed Oo Sh Cabdilaahi Cawed Gaadh Siiyey Dhibane 15 Sanadood Xanuun Ujiifay
- Jan 20, 2018
Widhwidh(Kalshaale) Maxamed Cabdilaahi Fayax Waa Wiil Somaliyeed Kuna Xanuunsanaya Mudo 15 Sanadood Kabadan Baadiyaha Maxamed ...
Daawo Video:Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Hadlay Doorashooyinka Barlamanka Jabuuti iyo Arrimo kale
- Jan 20, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Waraysi uu Bixiyey Waxaa uu Kaga ...
Madaxweyne Farmaajo oo Caadado dib ugu laabanaya iyo Qorshiiisa (Warbixin)
- Jan 20, 2018
Cadaado (Kalshaale) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ...
Howlgal dagaal isku rogay oo Ciidamo Mareykan ah ay ka qayb galeen oo ka dhacay Gobolka Jubbada hoose
- Jan 20, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ...
Daawo:Ururka Dhalinyarada Buuhoodle oo Olole Nadaafadeed iyo Wacyi galin ka Bilaabay Buuhoodle Sawiro
- Jan 20, 2018
Buuhoodle (Kalshaale) Ururka Dhalinyarada Gobolka Cayn oo Dhowaan Koox Dhalinyaro ah ay Hindiseen ayaa ...

Featured Video