Midowga Afrika oo ka dalbaday Trump inuu raali galin ka bixiyo hadal gef ah

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo.

Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Midowga Afrika ku muujiyay sida uu uga caraysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Mareykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha.

Wakiilada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay “uga xun yihiin, ugana careysan yihin oo ay u diidan yihiin” hadalkii la sheegay inuu kasoo yeeray Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineysa in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa u yeertay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aanan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale inay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin madaxweyne Trump fikradaan ka dhanka ah dalalka Afrika.

Dr Pelonomi Venson Moitoi, ayaa u sheegtay BBC-da in erayga uu adeegsaday madaxweyne Trump uu ku yahay gef qaarada Afrika.

Hadalada lagu eedeeyay inuu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wadhadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qorey Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Ali Zubeer says:

    This rare bigot bafoon waa in laga curmiyaa xagga dhaqaale iyo xag kastaba oo laga jaraa Mareykanka.

    Haddii kale daanyeernimada iyo shit hole ka uu ku sheegay Africana macna dhab ayay samaynaysaa

    Viva Soomaaliwayn

  2. NUURKANEDERLAND says:

    WAR WAA DOQON CUNSURIYADA
    KOOXDA KKK) AY MADAX MARTAY WAXAANA CUNSURIYADA U DHEER DOQONIMO AAN CAADI AHAYN
    HALO.DONALD TRUMP YOU ARE NATHING,
    GO FUCK YOUR SELF,




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Faransiiska oo meel-mariyay Shuruuc adag oo dhanka dadka soogalootiga ah
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya ...
Musharixiinta gudoonka baarlamaanka iyo Wakhtiga ay isdiiwaan gelinayaan
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale)  Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan ...
MUUQAAL: RW. Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay Sanad ku gaadhay meel Caalamku uu ka yaabay oo laga filaynin
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha ...
Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay (Daawo)
- Apr 22, 2018
Nairobi (Kalshaale) Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku ...
Mo Faarax oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka London (Daawo)
- Apr 22, 2018
London (Kalshaale) Orodyahaynka matala dalka Britain Mo Farah ayaa Marathon-ka London ka dhacaya ka ...

Featured Video