Dhuusomareeb oo laga dareemayo diyaar garowga soo dhowaynta Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya

Gaalkacyo (Kalshaale) Qaban qaabashada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah maamulka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doono amaanka magaalada iyo dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna.

Guddigaasi oo ka kooban dhowr xubnood ayaa laga doonayaa inay ka shaqeeyaan qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ee la filayo inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii ugu horeysay isaga la filayaa inuu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusomareeb tan iyo markii la doortay.

Heshiis dhexmaray Ahlu sunna iyo Galmudug ayaa fududeeyay in Sheikh Maxamed Shaakir laga dhigaa madaxa xukuumadda Galmudug, islamarkaana labada dhinac ay isku soo dhawaadaan.

Madaxweyne Farmaajo oo safaro ku maraya gobolada dalka qaarkood ayaa la filayaa inuu tago magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Aaway GALGADUUD?. WBT

  2. Dabshid says:

    Waxaan sugaa maalintaad Madaxweynaha Qaranka la fuushaan JIINBAARTII KULA EKI, sidii Majeertenka.

  3. Land of Punt says:

    Dabshid
    Sxb hadda ma miyirsatay?
    kkkkk
    Waxaad ku doodi jirtay adiga iyo rag kale Majeerteen Daroodnimo waa ku qaraabtaan oo Darood kale wax uma ogola.
    Maanta markay Farmaajo tuseen Somalinimo iyo madaxweynahooda jecelyihiin, waxaaad soo qorteen soo dhaweyn xiiqsan oo qabyaaladaysan..kkkkkkkkkkk
    xagee idiin raacaa?
    Farmaajo qudbadiisa Puntland horumar gaadhay ayuu qiray oo highway ayaga dayactirteen, airpots, garoomo kubad cag, dhismayaal, jidad cusub, etc.
    Bal aan isla dhageysano waxa Galduduud oo asaga iyo Khayre labadaba kasoo jeedaan waxa sheego iyo sida looga soo dhaweeyo.
    Kubadda agtiina soo dhignay Somalina oo dhana waa daaweynaysaa!!!kkkkkkkkkk
    Thats why I love federal oo ah tuulo walba yey Xamar bariis ka baryin, idinku wax qabsada. Somaliana waa mid dowladda dhexe danta guud ee qaranka masuul ka tahay.

  4. Dabshid says:

    Land of Punt

    Farmaajo iyo Salaad Cali Jeele waxey yaqaanaan waxey jecelyahiin Reer Barigu.

    Amaan iyo faanin, hadde nin jiraba maahan ninka walaalkiis ka xasdey inuu amaano hadfuu ku caafimaada.

    “” Ku dayo Puntland, ku qoraxeyso Garowe,

  5. Land of Punt says:

    Taas waxaan u famhay in ka wado, in miyirsatay,
    Banoonigii Galmudug soo agdhignay.
    Allow ceeb astur, maxaa laga qabtay Galmudug 30 sano???
    Beri yaan lagu waayin!!
    Saaxiibkaa Cadaado ma suuxdin ayuu ku maqan yahay!!!
    Kkkkkkkk

  6. Land of Punt says:

    Dabshid oo leh; walaalkay xaqiri maayo!
    Aniga aduunyo gadoon ila tahay? Puntland oo dudun saarnayn oo abaar lagu baqtiyey ahayn oo Xamar laga biilo!!!!! Kkkkkkkkkkk
    Aduunkaan ninkii sii jooga, xitaa geel dhalaaya waa arkaa ama gorayo gaari dameer jiidayso!
    KkkkkkkūüėÖ
    Safar Africa u socdaa Cafis hadaan beryahan is maqal..
    Kkkkkkkkkk




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Deeq Lacageed Oo Sh Cabdilaahi Cawed Gaadh Siiyey Dhibane 15 Sanadood Xanuun Ujiifay
- Jan 20, 2018
Widhwidh(Kalshaale) Maxamed Cabdilaahi Fayax Waa Wiil Somaliyeed Kuna Xanuunsanaya Mudo 15 Sanadood Kabadan Baadiyaha Maxamed ...
Daawo Video:Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Hadlay Doorashooyinka Barlamanka Jabuuti iyo Arrimo kale
- Jan 20, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Waraysi uu Bixiyey Waxaa uu Kaga ...
Madaxweyne Farmaajo oo Caadado dib ugu laabanaya iyo Qorshiiisa (Warbixin)
- Jan 20, 2018
Cadaado (Kalshaale) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ...
Howlgal dagaal isku rogay oo Ciidamo Mareykan ah ay ka qayb galeen oo ka dhacay Gobolka Jubbada hoose
- Jan 20, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ...
Daawo:Ururka Dhalinyarada Buuhoodle oo Olole Nadaafadeed iyo Wacyi galin ka Bilaabay Buuhoodle Sawiro
- Jan 20, 2018
Buuhoodle (Kalshaale) Ururka Dhalinyarada Gobolka Cayn oo Dhowaan Koox Dhalinyaro ah ay Hindiseen ayaa ...

Featured Video