MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad Kaftan iyo Qosol badan kasoo Jeediyey Carmo iyo Soo dhowayntii

Boosaso (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay degmada Carmo ee Gobolka Bari, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. iyadoona Safarka madaxweynuhu yahay mid dhinaca dhulka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana Madaxweynuhu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhoweeyeen.

Madawaynaha ayaa shacabka kula Kaftamay ” Qardho waxa laygu gudoonsiiyay Faras, waaciye waxa laygu gudoon siiyay Geel, Hadana Carmo waxa laygu gudoon siiyay Dhul, maanta kadib Halkan Hantidayda ayaan usoo Doonan “

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa degmada uga gudbay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo haatan shacabka magaalada Boosaaso ay waddooyinka ku sugayaan wefdiga.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (26)

  1. Dabshid says:

    Markaan dhaho Maamulka Bari iyo Nugaal dadbaa xoogaa iga xumaado uu xaange ugu horeeyo,

    Hadduu Madaxweyne Farmaajo Tago asagoo uu la socdo Governor Gaas tuulo ama degmo ka mid ah gobolada Sanaag iyo Mudug ‘” Mardambe ugu yeerimahayo MAAMULKA BARI IYO NUGAAL.

    Hala ilaaliyo system Itoobiya u dejisey Federaal Fitno.

  2. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    .Kh/hnto & Far, 2ba mid; inaad kor joogtaan & Somalinimo oodan hoos iyo Qabiil u daadegin & inaad idinku cuntaan ood caysaan LAAKIIN aadan u oglaan inay cidkale Cali khaliif aflagaadayso. WBT

  3. cabdi yare says:

    dadkuwaa wada somili lkn wakaladal o 5 dal ayay kaladagaan dadqaar ayaa magacii bilili qaystay marka dowladaha halaka ilaaliyo i,ay iskugu dhicin

  4. Dabshid says:

    Aawey Muna iyo Hiilqan,

    sideed rabtaan inaad u soo dhaweysaan Madaxweynaha Qaranka,

    Sidii reer Bariga miyaad la fuulirabtaan JIINBAARTA KULA EKI, mise sidii MADAXWEYNE Qaran Soomaaliyeed ayaad dhaheysaan “” Soo dhawow Madaxweyne.

    Ka hordhicimahayo laakiin markaan arko, Governor Xaaf oo sidii MAJEERTENKA – Garabdhigan ( Askari gooniya, Seef gooniya iyo Jiinbaarta KULA EKI)

    Markaas ayaan sheegidoonaa/ ka hadli doonaa/ meel saaridoonaa Maamulka Gudug iyo Galgaduud.

    Aan hormarsadee koley Sacad iyo MJ waa isku booto iyo Foox shidid.

  5. Land of Punt says:

    Dabshid
    Habaar baad wadaa, kaalay ka celi berri imaan Galkacyo asagoo kasoo duulay Bossaso kana soo degin Cabdilahi Yusuf Galkacyo Airport.
    Galdogob, Buurtinle, Jeriiban, Garacad etc.
    Cidna kama horjoogto laakiin Puntland 60 degmo ilaa 1000 tuulo, dhulkaas xitaa bil kuma dhamayn karo.
    Cadaado inuu tageyo ayaan rajayn, Dhuusamareeb, u malayn maayo.
    Adiga Bari iyo Nugaal ku waalatay!

  6. Land of Punt says:

    Dabshid
    Mataqaan sababta Farmaajo u tegeyn Ceerigaabo, Baran, Laasqoray iyo meelo kale oo badan ama Taleex.
    Maaha Cabsi ee ujeedada ayaa ah, in Somaliland si degen loola hadlo oo ka noqdaan sheekada goosashada.
    Haddii uuu tago dhulka sheegtaan ee British Somaliland, waxay oran Farmaajo waa cadow Somaliland wada hadal la gelimayno.
    Somaliland waxay raadinaysaa matiibo ku tiraado Somalia wada hadal la geli mayno, ileen adduunka ayaa leh wada hadla oo wax isku raaca.
    Waxayna dowladda federal Somalia posionkeeda yahay, ninka doona madaxweyne ha ka ahaado; waxwalba waan idiin ogolanahay Isaaqow aan ka ahayn in dal gooni idiin citiraafno.
    Provocation maalaa yacni ah oo Taleex ku tago oo reer abtigiis degaan waxba kordhin mayso, Waxaa la rabaa in Iidoorka la yiraado kusoo dhawaada Somalia walaalayaal. waan idin jecelnahay. Let us rebuild opur nation.
    Meel dheer ayaa laga shaxayaa.
    Adiga cuqdad Majeerteen ayaa ku indha tirtay, laakiin adiga ayaa saaxiga keenidoona, boowe
    kkkkkkkkkk

  7. Land of Punt says:

    Dabshid
    Farmaajo jidka dheer ee laami ka degi maayo Puntland, Bossaso iyo Galkacyo waa diyaarad, waayo waqti ma hayo, safarkiisu waa laba beri oo Puntland iyo hal maalin Galmudug ah.
    Xeebii Bari ee badda Cas iyo Badweynta India mari maayo.
    Ciid, Caduun iyo Hawd warkooda iskaba daa.
    Ciid waa Galdogob, Caduun waa Jariiban, Garacad iyo Hobyo.
    Hawd waa marka laga bilaabo Balibusle ilaa Wardheer Killilka, Ddsi aka dowlad degaanka Somalida Itobia.
    Saas ula soco.

  8. Dabshid says:

    Land of Punt

    Farmaajo waa dhameystiraha Qabyo Xassan Shiikh, waa inuu ku socdo dariiqii iyo Qadkii Xassan Shiikh ku soconjirey,

    – So far ” Madaxweynahu wuu dhameystirey Hirshabeele

    – Wuu dhameystiri doonaa mideynta Galmudug
    – Wuu dhameystiri doonaa Wada hadalka Somaliland
    – Wuu dhameystiri doonaa Ciidama DowLadda dhexe

    — Maqaamka Xamar waa ka warsugeyna.

    ( Gobolada Waqooyi muusan tagin Xassan Shiik, waa adagtahey inuu tago ilaa meel uu u dhaco Wadahadalka Somaliland, waliba haddiiba la gaaro wuxuu ku hormaridoonaa Hargeysa ka dib Degmooyinka hoostago sida Laascaanood ).

    — Hadalkeygu waa markaan u doodeyno sida reer Magaalka iyo systemka Itoobiya u qeybisey dhulkeena.

    Wixii Foox shidid ah waa dhankaada Mr Google.

  9. Dabshid says:

    Hadduu Madaxweynha Villa Xamar booqasho ku tago Tuulo ka mid ah Goboladda Waqooyi asagoon safarkiisa Kasoo bilaabin Hargeysa — Dib dambe uga doodimahayo Siyaasadda Somaaliya.

    @Land of Punt
    adigoo Xamar ku dhashey ayaan wali fahmin Siyaasadda Soomaalida Maanta ( Soomaalida Cusub) maxaad ka filee mid ku dhashey GEED HOOSTIIS.

    Mise dood kasto waxaad ku saleysaa -GAROWE hoostiisa waxaa maro WEBI BIYAA.

  10. rooble says:

    asc. famaajo ogaa in buntland anay xukumin sool iyo sanaag kkkkk waana siyaasad hortaal madaxwayne armaajo ??

    1 ) waa in maanta lagabilaabo u ku dhawaaqo dalku in uu yahay koonfur iyo waqooyi
    2) waa in xildhibaan dambe o dhulbahante aanay soo dooran buntland o iyagu sida reer waqoyiga kalle ay isudortaan
    3) in armaajo u wax u qabtoo buntland oo baa.ba ku dhaw yacni weerarka jogtada ah ee somaliland casar ha ahaato haben ha.ahato subax ha ahato ama nisa keen ama ninje adiga lee waaye ?
    4 )in uu si dhakhso ah ugu dhawaaqo . dalku waa koonfur iyo waqooyi yacni reer konfur nin walba labadiisa gobol ha ka dhigtoo fadaral
    5 armaajo goboloda waqooyi hal tuulo xataa ma.matagin . reer koonfur cadayn iyo makhraati aanu helnay maanta dalku waa koonfur iyo waqooyi oo micnaheedu yahay reer buntland si dhakhso aha u baneeya inta idiinku hadhay xuduuda somaliland wbt soo sooco

  11. rooble says:

    dabshid

    habaqan saxiib waxooga fulaynimo ah ayaa kaa muuqataa runta ku dhiiro farmaajo mar hadii aanu tagayn tuulo ka mida waqooyi ha ku dhawaaqo in dalku yahay laba somali itaaliy iyo somaliland biritish
    yeeliwaa sidaa aan sheegay kolba wasiir iyo xildhibaan reer waqooyi bariuska ha ku siiyo xamar wbt soo soco

  12. Land of Punt says:

    Dabshid
    Weliba taas Somaliland way ogtahay in Somalia colaad Somaliland iska ilaalinayso.
    Waana sababta usoo weerareen Tukaraq markii Farmaajo joogey Puntland.
    Haddii usan joogi lahayn kuma dheceen, waxay noqon laba maamul oo isdagaalay, hadda waxaa la oran asaga ayaa raali ka ah.

  13. Land of Punt says:

    Dabshid
    Aniga federal ayaan aaminsanahay, in gobolada nolol helaan oo isku tashadaan oo sidii hore Xamar irsiqa dhan la isku keenin oo gobolada nolol iyo waxbarasho ka jirin, wadan hal magaalo ah, aakhirkiina dherigii geesaha la iskula dhegay oo isku dileen. the rest is history.
    Aniga meesha ka degi doono Somalia kama fekerin hadaan howl gabo.
    Waxaa rabaa in Carmo magaalada Farmaajo maanta joogo iyo Xamar isku service muwaadinka xaq u leeyahay ku haysto.
    Caafimaad, amni, shaqo iyo xornimo masuulkiisa asaga doorto.
    Kama jecli Garoowe Xamar, Puntland siyaasadda aan aaminsanahay ayey daba ka riixaysaa, waxaana dega beeshayda.
    Saas u faham.

  14. Kamaal Adan says:

    Dabshid
    Ilamada casho banku nidhi gah gah waar farmaajo haka bashaalo puntland dhulka lamawada mari karo gaalkacyona wutaga waliba isalaamka kasii duceysanyaa wax walba sas dhahdid macna nooguma fadhiyaan guuuuul puntland iyo shacabkeeda gah gah gah gah gah gah

  15. Garqaad says:

    Reer pudland hadeey farmaajo geyn wayeen sool iyo sanaag wexey cadeyn u tahay in maamulka pudland uu yahay 2 maamul

    Markaan fadaraalka HUNGURIGA wax ku qeybsaneyno reer pudland dib danbe uma dhihikaraan waxaan nahay 4 gobal iyo bar

    @ dabshid
    Farmaajo markuu imanaayo galmudug maaha nin marti ah waayoo wuxuu jogaa gurigisii

    Waan hubaa kama dhici doonto soo dhaweyn xiiqsan laakiin waxaa ka dhici doonto soo dhaweyn at somalinimo ku dhehaan tahay

  16. Land of Punt says:

    Rooble
    Maxada ayaa la idiin salaaxayaa!
    Saas u fahan, cidna kama xoog badnidiin, Puntland keliya ayaa idinka xoreyn karta Laaska maalin gudaheed ee in dhiig ku daato ayaa la diidayaa.
    Arinkuna waa political problem maaha millitary problem, in xoog lagu xaliyo lama rabo.
    Hadddii hadda la idin la dagaalo 30 sano kale ayaa Hargeysa, Burco iyo Berbera qol iyo bersad inta isku xirtaan waa nala xasuuqay oran..
    kkkkkkkkkkk
    Soo soco adiga.

  17. Kamaal Adan says:

    L.O.P
    Wad salmantahy. Inbadan adigoo fedaraalku dhagan wankula yaabi jiray xaqiiqdii halkaan balse anigu tagitanka farmajo ayanba ku ogaaday inuu faido yahay waliba puntland hada kadib waxan taganahy fedaraal walama taabtan ninki iswala tuladisa haw tashado ama hagubo hawshena maha gah gah gah gah gah gah

  18. Dabshid says:

    Land of Punt

    Sidaan horeyba kuugu sheegay dhamaan waan aaminsanahey waxaad sheegtey ee ah in dadku Service ku helaan Tuuladooda, laakiin taasi maahan Federaal ee waa Maamul Dowladaha hoose.

    Anigoo Yar ayaan odayaasha ka maqlijirey haddii wax kasto Xamar loo soo doonto- Aaqirka waxey noqon Koob buuxsamey ka dibna Qarxo.

    Lof – kala saar Federaal ( Jiinbaarta Kula Eki)

    Iyo
    Local Government ( Tuulo iyo degmo in lagu fidiyo adeega bulshada).

  19. Garqaad says:

    Land

    Meesha madax salaax iigama kiin muuqdo marka loo eego hadalada ay madaxdiinu hawada marinayaan

    Anigu waxaan qabaa su.aal

    Dhulos pudland wey jogaan somaliland wey jogaan

    Maxaa awooda badan siiyay kuwa somaliland joogo?

    Marwalbo waxaad kusoo celcelisaan waxa meesha isku haayo waa dhulos

    Hadaba meeyay dhuloskii pudland joogay iyagu mexey wax u qabsan wayeen?

    Allow yaa runta sheego oon nafta been u sheegin

  20. Land of Punt says:

    Rooble
    Somalia iyo ciidan NISA aad sheegtay iska daa! aqli saliim ah ma tahay in Puntland inta xoogeeda dhan isku keento Laascanood iyo meelo kale 1000 qof ku dhintaan oo tiraado anaga ayaa xoog uga qabsanay dhul Harti Iidoorkii, idina soo rogaal celisaan, anaguna markale soo rogaal celino..kkkk
    Guryihii Laascaanod oo dad misaakiin ah yaa alaa ku dhisteen la dumiyo.
    Hargeysana dhisnaato iyo Bossaso.
    Arinku waa political problem maaha military problem.
    soo soco
    kkkkkkkkkkkkkk

  21. Land of Punt says:

    Garqaad
    Taas waa iska booto, Faroole ayaaba ka jawaabay! Gaasna lagaba yeeli maayo dagaal.
    Adiga maxaad Puntland kula talin lahayd, ma inay dagaal qaadan?
    Mise waxad rabtaa in ku iraado: Iidoorka waa ka baqaynaa in Garoowe gubaan! kkkkkkk
    Haday xitaa taas tahay, waaba aqli, fulay hooyadiis ma gablanto.
    Aniga ninka nabadda xeeriya ayaan geesi u aqaan hadaan dani badin dagaalka!
    fulay waxaan u aqaan cawaan qori la ordaya wuxuu u dhintay aqoon, dhulna ku xorayn.
    Sida Galkacyo oo 200 wiil ku dhimatay.
    Kontrolka Galkacyo Xamar kasoo gala weli calanka Puntland suranyahay. Maxay u dhinteen?
    Alle maxaad hadalka lagaa inkaaray!
    Waan danaystay ee cafis Maryooley!

  22. Nuurkanederland says:

    SHACABKA SOMALIYED WAA DEEQSI

  23. rooble says:

    land of bunt

    kkkk. shaqo ayaan ku jiraa ee hadhaw
    soo soco

  24. Kamaal Adan says:

    Madaxweyne farmaajo puntland iskaga bashaal farxad ayaadba kabixi weydaye manshallah gah gah gah gah gah gah

  25. Aarka hargaysa says:

    Garqaad anaa runta kushegaya somaliland way ka awood iyo dhaqaalaba badantahay puntland tasaa kenaysa in markasta laga guulaysto reer puntland laana way ogyihiin waxaana cadayn kuugu filan car wakaase sool iyo sanaag meelkamida hageeyaan farmaajo

  26. Kalsame says:

    Guul iyo gobannimo, dhul udug taariikh bay dhigeen, ku dayo Puntland ku dayo.

    Waxaan aad u jeclaan lahaa inay MD Muuse Biixi iyo Farmaajo xudduudka ku kulmaan ugu yaraan oo ay gaalo madow iyo gaalo cad tusaan waxa ay isu yihiin iyo inaanay meela kala jirin. Waxaan qabaa inay waxan beesha caalamka loo yaqaa ee iangu mashquulay maashruucana naga dhigtay inay qarracan u wada le`an lahaayeen. Khayr iyo baraka, Viva Soomaali oo dhan.




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Deeq Lacageed Oo Sh Cabdilaahi Cawed Gaadh Siiyey Dhibane 15 Sanadood Xanuun Ujiifay
- Jan 20, 2018
Widhwidh(Kalshaale) Maxamed Cabdilaahi Fayax Waa Wiil Somaliyeed Kuna Xanuunsanaya Mudo 15 Sanadood Kabadan Baadiyaha Maxamed ...
Daawo Video:Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Hadlay Doorashooyinka Barlamanka Jabuuti iyo Arrimo kale
- Jan 20, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Waraysi uu Bixiyey Waxaa uu Kaga ...
Madaxweyne Farmaajo oo Caadado dib ugu laabanaya iyo Qorshiiisa (Warbixin)
- Jan 20, 2018
Cadaado (Kalshaale) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ...
Howlgal dagaal isku rogay oo Ciidamo Mareykan ah ay ka qayb galeen oo ka dhacay Gobolka Jubbada hoose
- Jan 20, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ...
Daawo:Ururka Dhalinyarada Buuhoodle oo Olole Nadaafadeed iyo Wacyi galin ka Bilaabay Buuhoodle Sawiro
- Jan 20, 2018
Buuhoodle (Kalshaale) Ururka Dhalinyarada Gobolka Cayn oo Dhowaan Koox Dhalinyaro ah ay Hindiseen ayaa ...

Featured Video