MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo BOOSAASO Kala Kulmay soo dhowayn Balaadhan iyo Khudbad uu ka Jeediyey

Boosaaso (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku maraya Qaybo kamid ah dalka , ayaa maanta soo gaadhay  xarunta gamacsiga ee Bosaso oo si weyn loogu soo dhaweey wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bulshada qeyabheeda kale duwan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya iyo kan Puntland ,isla markaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Bosaso.

Madaxwaynaha ayaa goob Fagaare ah kula hadlay Kumaanan kamid ah Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (12)

  1. Nuurkanederland says:

    SOO DHAWAYNTA FARMAAJO WAXAY KUTUSAYSAA IN SHACABKU HOGAAMIYE & DAWLAD UBAAHAN YIHIIN

  2. Laalays says:

    Farmaajo horta ma ka hadlay Tukaraq?😀💪

  3. Dabshid says:

    Madaxweynahu wuxuu booqasho ku joogaa maamulka Puntland, Puntland waa Bari iyo Nugaal.

    Meel ka baxsan tuulooyinka iyo degmooyinka Bari iyo Nugaal qorshaha uguma jirto inuu tago ama booqdo
    “” Marka maxaad ugu caraadin inuu tago meelkale oo ka baxsan Bari iyo Nugaal.

    Waa anigoo dhaho Xar XUDUR TAG.

  4. Dusha says:

    …woow…..maxaxweyne Farmaajo maanta wuxuu qiray wixii aan halkan marar badan uga faallooday. In ilaahay mahadi haka gaartee, ay Puntland hore wanaagsan samaysay.Horumarkaasna, uu inta badan ku yimid hal abuurka madaxweeyne Gaas ee “Isku Tashi”.

    Waxaa iyana wax La ammaanaa, in horumarkaasi uusan imminka ku koobnayn magaalooyinka waa weyn oo keliya ee uu ku baahsanyahay degmooyinka ee tuulooyinka laamiga ka fog.

    Wax badan baa iyadoo Soomaali jacayl iyo niyad wanaag naga ah, baanu damacnay inaanu horumarkaas la qaybsano Soomaalida kale ee walaalaheen ah si ay Puntland uga daydaan wanaagaas iyo horumarkaas. Laakiin waxaad moodaysay, in Soomaalidu aanay dhab ahaan u fahmin horumarkaas, hadda waa ilaahay mahaddii in madaxweeyne Farmaajo iyo wafdiga la socdaa ay si wacan ula dhaceen ugana markhaati kaceen horumarkaas, ayna ballanqaadeen inay fakraddaas “Isku Tashi” ee uu curiyey dhaqanna geliyey dhaqaale yahan professor Abdiweli Gaas ay qaramayn doonaan iyagoo hal ku dhig uga dhigaya dib u yagleelidda dhaqaalaha Soomaaliya guud ahaan.

    Dhulka iyo horumarka ka socda madaxwweyne Farmaajo ma wada arki karo. Bariga fog iyo meelo kale oo badan wakhti uu ku soo arko ma hayo. Laakiin in tusaale ugu filan wuu arkay.

    Waxaa kale oo madaxweyne Farmaajo la yaabay, Lana fajacay horumarka ay Puntland ka gaartay xagga nabadgelyada iyo tayaynta ciidamada. Wuxuu arkay dhulka intaa le’eg oo ciidamo shisheye aanay nabadgelyada ka caawiynayn ee waxa nabaddaas hantay ay yihiin ciidamo Soomaliyeed oo Puntland leedahay.

    Farmaajo wuxuu gaari ku maray dhul masaafo ahaan aad u ballaran oo ammaankiisa ay Sugeen ciidamada Puntland oo keliya. Taasoo keentay in madaxweyne Farmaajo uu meel lug ku maro. Wuxuu maanta Farmaajo maanta madaxweyne mug leh. Haysta dad iyo dal xora oo nabada. Wuxuu ogaaday in Soomaaliya aanay wada dhiman, ee weli barkeed noolyahay. Wuxuu ogaaday inay jirto meel Soomaaliya nuurka looga siraadi karo ayna ka soo noolaan karto.

    Talo madaxweyne Farmaajo maanta laga bilaabo waa inuu ogaadaa inuu yahay madaxweeyne taageero shacab oo waddankoo dhan ah haysta. Waa inuu ku dhiiradaa arrimo aanay madaxdii isaga ka horraysay ku dhiiran karin, maxaa yeelay wuxuu haystaa fursad iyo taageero shacab oo ballaaran. Waa inuu madaxweynuhu si fiican uga faaiidaystaa furdadda hortaal. Shacabka Puntland Farmaajo taageero aan horay loo arag bay u muujiyeen, taasoo madaxweynaha kalsoonidiisa kor usii qaadaysa.

  5. Kamaal Adan says:

    Tariilh lama ilaawan ah ayaka dhacday puntland galabta Bossaso shacabkii sobaxay wala yabay sawaxan marban mooday dhul gariir gah gah gah

  6. Kamaal Adan says:

    Dabshid
    Calacal iyo calool xumo waxan aheyn kuguma heynee ilamada casho puntland dhulkeeda hadal horay ayaa loogu qaadi wayey farxad ayanku jirnaa aniga iyo farmaajo e korkaas naga daawada (Isha)gah gah gah gah gah gah gah

  7. Mustafe Daacad says:

    Dhamaan waan idin salamy.Madaxweynaha qaranka wlcm waligiis lomasoo dhaweyn sidaan masuul boqortayiii ayaa gacanta kugu heysaa marba magaalo sodaaawo magalooyin iyo laamiyo dhisan somalidii aan waxba heyn iyo Puntland maxanakal heysta kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk KUwaaa tusbaxa kooska heysta o habaar wada kuwaa ceytamaya kuwa isla ilmeynaya war dadka dhibka heysta yanoo sheega kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ilaahoow aysana cawryin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Kalsame says:

    Gobannimada iyo waddaniyaddu waa u dhalasho ma ahan wax la soo amaahdo ama afka laga sheegto, Ree Dhul udug waxaan qirayaa inaanay labadaaba cidu ku gaarin.

    Taariikh lama illaawaan ah bay ree Puntland maanta kaydka sooyaalka dhigteen, waxaa aad uga xumaaday taariikhdaa dalalkii cadawga noo ahaa, qarandiidkii, nabad diidkii, Soomaalinnimo diidkii iyo dhammaan xaasidiintoo oo dhan.

    Guuul iyo Gobannimo Puntlanad.

  9. Ali Zubeer says:

    Kamaal Adan says:

    January 11, 2018 at 10:49 am

    Ali zubeer

    Madaxwynaha hadad lhudbadihiisa dhageysan o micno kugu fadhiyin maxad wax qabadkisa kaa galay warniyahoow ileen faaruuq ayaad tahay ?gah gah gah gah gah gah
    Reply »

    Kamaal

    Waxaan filayaa inaad golahan ku cusub tahay oo aad dadka kala garanayn

    Waxaad heli kartay sida Axmed Somali sameeyay inaad ila i cidhbiso adiga oo ii gefin. Laakiin waa xaal Soomaali haddii uu qabiil indha tiro in aflagaaddu sawaariikh ahaan iska tuuro.

    Aniga ku caayi maayo laakiin waxaad miss garaysay fursad aynu wax isku waydaaran lahayn.

    Si kastaba Farmaajo ma ahan nin af tahan ah oo hadal cusub curin kara. Marka haddii mar un la dhaqaysto khudbadaha kale waa redundancy ama ku celicelin.

    Marka Jaalle sidaa ula soco

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Amhara lovers
    Down all Somali traitors

  10. Garqaad says:

    Ali zubeer asc Mudane sare

    Halla yaabin reer pudland beryahaan waa wadaniyiin madaama ay sifiican usoo dhaweyaan madaxweynihii laakiin soo dhaweyn waxba tari meyso hadaan lala sheqeyneyn oo aan maqli doono wax kale

    Suldaan madaxweynuhu dhowr khudbadood ayuu jeediyay tii ugu macquulsaneyd wuxuu ka jeediyay jaamacadda garoowe kutaalo

    Isku soo duub hadalka adigaa horay u dhameeyay Mr farmaajo dowladdis howlihii ugu cuslaa wey u dhiman tahay

    * sameynta ciidan qaran oo ka madax banaan qabiilka iyo siyaasad si ay u buuxiyaan booska amisom

    * mideynta canshuurta dalka

    * daltuurka oo lasoxo ama meesha laga saaro

    * dhisidda maxkaddi qaran oo lagu kalsonaan karo

    Intaas oo howl ah ayaa hortaalo

  11. Ali Zubeer says:

    Mudane Garqaad

    Asa

    Waa runtaa oo Farmaajo shaqo culus baa u taalla isagana khudbado cantari ayuu sannad ku dhammeeyay.

    Sannadkan cusub waxaan rajayno waa isagoo wax un qabta

    Reer Pudhlayn kacaannimadooda waa mid qabiili ah sidaan u arkay in kasta oo ay jiraan dad Somalinnimada ka dhab ah sida odaygii ooyay iyo dumar badan laakiin Suldaan Ali Zubeer isuma qabad siin karaan khiyaanada iyo hagardaamooyinkiisa uu ku hayo Dowladda Soomaaliya iyo shacabkan uu soo tubay waddooyinka ee dowladnimada u ooman.

    Viva Soomaaliwayn




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
iiraan oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Mareykanka (Warbixin)
- May 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee ...
MUUQAAL: Warbaahinta Puntland TV Sidee Uga hadashay Shirkii Jaraa’id ee Cagolule ku Qabtay Garoowe (Daawo)
- May 22, 2018
Garoowe  (Kalshaale) Warbaahinta ku hadasha Afka maamulka Puntland ayaa Warbixin ka diyaariyey   Shirkii Jaraa'id ...
Muuqaal: Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Gar-gaarka ?
- May 22, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa Mkulan la qaatay ...
Muuqaal: Saamaynta la yaabka leh ee Roobku ku yeeshay Boorame (Daawo)
- May 22, 2018
Boorame (Kalshaale) Roobab xoogan iyo Daad  saamayn ku  yeeshay Bulshada Qaybaheeda  ayaa siwyan uga ...
MUUQAAL: Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen oo la shaaciyey
- May 21, 2018
Shirqoolka lagu doonayey In lagu dilo Madaxwayne Erdogan iyo Sida wax u dhaceen ...

Featured Video