Wasiirada cusub ee R/Wasaare Khayre Magacaabay oo la dhaariyey (Sawirro)

Muqdisho (Kalshaale) Wasiirada cusub ee Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta lagu dhaariyay kulanka Guddiyada joogtada ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu hor dhaariyay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada

Kulanka Guddiyada joogtada Golaha shacabka oo ahaa kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Jawaari, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha 15-ka Guddi iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Intaas kaddib ayaa Wasiirada la dhaariyay waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan, si ay u gutaan howlahooda.

Saddexda Wasiir ee cusub ayaa la magacaabay maalintii khamiistii ee taariikhda aheyd 4-ta bisha Janaayo 2018, waxaana la magacaabay iyagoo labo ka mid ah ay dalka ka maqnaayeen sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray jimcihii iyo saaka oo Axad ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Deeq Lacageed Oo Sh Cabdilaahi Cawed Gaadh Siiyey Dhibane 15 Sanadood Xanuun Ujiifay
- Jan 20, 2018
Widhwidh(Kalshaale) Maxamed Cabdilaahi Fayax Waa Wiil Somaliyeed Kuna Xanuunsanaya Mudo 15 Sanadood Kabadan Baadiyaha Maxamed ...
Daawo Video:Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Hadlay Doorashooyinka Barlamanka Jabuuti iyo Arrimo kale
- Jan 20, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Waraysi uu Bixiyey Waxaa uu Kaga ...
Madaxweyne Farmaajo oo Caadado dib ugu laabanaya iyo Qorshiiisa (Warbixin)
- Jan 20, 2018
Cadaado (Kalshaale) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ...
Howlgal dagaal isku rogay oo Ciidamo Mareykan ah ay ka qayb galeen oo ka dhacay Gobolka Jubbada hoose
- Jan 20, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ...
Daawo:Ururka Dhalinyarada Buuhoodle oo Olole Nadaafadeed iyo Wacyi galin ka Bilaabay Buuhoodle Sawiro
- Jan 20, 2018
Buuhoodle (Kalshaale) Ururka Dhalinyarada Gobolka Cayn oo Dhowaan Koox Dhalinyaro ah ay Hindiseen ayaa ...

Featured Video