Culimada Gobolka Sool oo ku Baaqday in laga Qayb Qaato Dhismaha Xarunta Agoonta Kalabaydh laga dhisayo (Video)

Laascaanood (Kalshaale) Culimada gobolka Sool ayaa Bilhii u danbeeyey waday Dedaalo ay ku hirgelinayaan Dhismaha Xarunta agoonta ee magaalada Kalabaydh.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaana xarunta loo dhisayaa Caruuro badan oo ku agoomoobey bilowgii sanadkan iyo sanadkii hore shaqaaqo beeleedyo ka dhacday Deegaanada ka tirsan  Koonfurta gobolka Sool , iyadoo hada ay ku sugan yihiin deegaanada Cagaarre , Dhumay Dharkayn geenyo, Saaxdheer , Dabataag , Kalabaydh , Yaaheel  iyo deegaano kale caruuro badan oo aan haysan Daryeel Waxbarasho iyo Mid Caafimaad.

Culimadan oo ay weheliyaan Koox Farsamayaqaano dhanka Dhismaha Guryaha oo uu ka mi dyahay Eng Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Bidaar ) ayaa sheegay in dhaqalaha Xaruntan lagu dhisyaa ay tahay 120,000 $ (Boqol iyo Labaatan Kun oo Dollar) Waxaana ay ka koobnaan doontaa , Qaybaha Hurdada , Waxbarashada , Cuntada Ciyaarta iyo Nasashada .

 

KALA XIDHIIDH :

4497127


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Ali Zubeer says:

    Maashaa Allah

    Waar meeyay nijaastii cilimaaniyiintii iyo qabalayiintii Soomaalia ee TV yada iyo social media ka nac nac yidhaa?

    Weligaa arki maysida iyaga oo ummadda Soomaaliyeed hal mashruuc oo waxtar leh sameeynaya

    Intaa waxay gacanta hoorsanayaan gaalka cad iyo midka madow iyagoo hurinaya dagaal beeleed.

    Duf ku baxa nijaastaa biidha qaatayaasha ah.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. C/Raxmaan says:

    Alleylehe hawshan ayaa mudan in wax lagu darsado . War balaariya oo u soo bandhiga MUXSINIINTA doonaysa iney ka qaybgalaan .

  3. Garqaad says:

    Mashaa allash

    Ilaahey halla garab galo waa wax yaabaha ugu muhiimsan ee la sameeyo aduun iyo aakhiro




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
WARAYSI: Qosol iyo Sheeko ‘ Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho (Muuqaal)
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Qosol iyo Sheeko Faadumo Cali Nakruumo iyo Muqdisho
Rasaas culus oo laga maqlay Qasriga Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Rasaas culus ayaa Xalay laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada ...
MUUQAAL: Sh. Aadan Siiro oo si kulul Uga hadlay Arinta Berbera iyo Hadalkii Kasoo yeedhay Imaaraadka ! (Daawo)
- Apr 22, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Sheekh Aadan Siiro ayaa si kulul uga hadlay hadaladii wasiirada arimaha dibada ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiir Awood Badan Dawlada Qatar usoo magacowday Soomaaliya
- Apr 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay ...
Boqor Buur-madow oo Xabsiga laga sii daayey iyo Sababtii loo xidhay (Daawo)
- Apr 21, 2018
Hargeisa  (Kalshaale) Waxaa magaalada Hargeisa  Xabsiga laga soo daayey  Boqor-Cismaan Buur-madow , Wuxuuna sheegay ...

Featured Video