Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”

Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ayaa sheegay inuu Rabo Somaliland loo dhan yahay, Isagoona sheegay in loo baahan yahay  in la Fuliyo Heshiiskii uu dhowaan la Saxeexday Somailand.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Heshiiskii aanu galnay wuxuu u baahan yahay Fulintii,  Waxaanu daacad ka nahay Somaliland loo wada dhan yahay, oo Cidna aysan Cid kale Marti u Noqon,  maamulka Cusub ee Muuse Biixi Waxaanu uga Fadhinaa  inuu Fuliyo Heshiiska “ ayuu yidhi Dr. Cali khaliif.

Dad badan ayaa horey ugu dhaliilay Cali Khaliif inuu u socdo Somaliland, Taasi oo markasta uu Beenin jiray, Waxayse hada u muuqataa inuu  Saldhigtay Hargeisa.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (71)

  1. Hayaan says:

    Horgal waa habaar qabe

  2. Ali Zubeer says:

    Waar ninkan maxaa ka khaldan

  3. Hayaan says:

    Caliyoow iyakiibaa 26 yrs meehanaabayey oo waxba soo kordhin waayey,
    Faratoon ayaa dhowr iyo sagaashankii u balan qaaday SNM in uu u qaban doono SSC waxna waa soo kordhinwaayey.

    Xaartoosiye,Xaabsade,Cambaashe, iyo dhamaan horgaladii kaa horeeyey waxba soo kordhin waaye.

    Marka odaygan 80 jirka ahi Muxuu soo kordhin. Mida kale iyakiibaan waxba isu ogolayn oo hortaada taala waa maxay wax adiga oo ay hoosjiif kuu yaqaaniin ay ku siinayaan?

    Habar tii gambada taabatay ee gacanta loo maydhay, ee gelisay meeshii hadana hadalku sow ma aha.

  4. shaxda says:

    Haddalxun maaha idinkoo magaca reer waqooyi xanbaarsan nookaalaya

    Aan uwada haddalno koonfur iyo waqooyi

  5. sOmalilander says:

    Ali Zubeer. .

    Adiga maxaa kaa qaldan ee dhaydii kaalisay?!

    Lugaha isuduwo oo xaarka xeji sxb!

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. sOmalilander says:

    Somaliland lawada leeyahay buu oday Cali khaliif galaydh rabaa, waanaa wadnaa sidii Jamhuuriyada Barakaysan Loo wada yeelanlahaa.

    Weldone Profaysar Cali khaliif galaydh!

    GOD BLESS SOMALILAND!😎

  7. Dabshid says:

    Nabad ayaan rabaa waa hadal wanaagsan, midnimo ayaan rabaa waa hadal wanaagsan.

    Waqooyi oo mideysan iyo Koofur oo mideysan waa mustaqbalka Soomaaliweyn.

  8. Wiil somaliyed says:

    Caliyood
    Caawa waxaa kula gudmoon heestii ahayd
    Cidladaa anaa isdhigay
    Iyo curuq aangaystoo
    Cidna eersanmaayee
    Cidna eersanmaayee
    War ama laaska imo oo xorayso ama nin naagtaada raba gabadhayda qaado kaama yeelo ee calaacanka jooji

  9. shaxda says:

    Wiil somalliyeed

    Cali khaatumo ayuu madaxweyne kanoqday oo doonayay siduu usocodsiin lahaa waxaa lugaha kudhegay maamul beleedka garoowe
    Cali geeddheer iyo midgaabanba wuu isku dayay siduu maamulkaa u hanaqaadilahaa

    Dhawaaqdheer ayuu maqlay oo ah FAATAXO LAGUMA QABSAN

    Wuu isyara dajiyay cali wuxuu bilaabay maamulka yar ee garoowe inuu wadahadal la furo gaas muxuu ku jawaabay udira hala hadlo odeyaasha mudug anigu maamul uma aqoonsano khaatumo

    Siilaanyo ayaa huradada kakacay warkaalay

    Anaa sida aad doonto yeelayo ee kalama maaranee nagadaa reer koonfureedkaaa

    Ma maanta ayaa la aqoonsanayaa khaatumo

    Wakaa cabdiwali leh khaatumo ayaan aqoonsanayaa dalka puntland rabshada hakadaayo umada somaliyeed

  10. samawade says:

    Asc qofkasta bulshada waxa u ku leeyahay magac iyo mamuus ay ku lifaaqantay tahay shaqada u bulshadiisa u hayo waxa jira xirfado
    Ama siyaasado shoqo o kaladuwan o u qofku ka shaqeeyo iyadoo aynu ognay in shaqo kasta leedahay sharciyo iyo qodobo xakameeya qofka kuna haga gudashada wajibkiisa si waafaqsan sharciyada iyo akhlaaqda u gaarka ah shaqadiisa an soo kobo *cali khalif galaydh sidii loo bahna ayu yeelay *sayid maxd cabdaleh xasan ayaa lagahayay idoor salfududaa waxu sugaayo muudhayro harti waqooti waxaas sugaysaan iyo cali khaliif dhawra * waad mahdsntin

  11. rooble says:

    shaxda shaxda

    waar alaylehe naga soo gaadh baryahanba reerki hawiye dacawa cunaysay kkkkkk
    hawiye oraginaal shaxda laba halkanoo aad moodo qoolay qoday ayaa magaci reerka ku ciyaaray . sool iyo sanaag faataxo kuma.maqna kkkkjjjj ggggg gah gah gah
    maxaa sidaa kuu diiday . soo soco

  12. shaxda says:

    Rooble

    Waxaan dhageystay reer laascanood xaqiiqa ayka haddlayaan ayaaba ideeqday

    Ma markii ay heshiiyeen s/land iyo khaatumo ayaala helay qariirada ssc

    Waxaan maqli jiray hebal wuu xeeraamay ama waa salafay hadda puntland marba gidaar ha isku qaado waa calaamadaha buzaarada

  13. rooble says:

    land of bunt

    kaleexo warya hooy odayga cali khalif waa ku ogay waxaad soowado sababto ah waxaad rabtaan dhulbahante xeerada adhiga idiinku xaraysan oo aad malinba qaar ibgaysaan kkkkk ma waxkalaad ku cayaysa odayga oo aan ahayn kaalay xeerada iigal aan kucunee kkkk. soo soco hadaad doonto

  14. rooble says:

    shaxda

    haaa sxb waa busaradsadeen odayaaashu oo wakuwii yidhi ciidanka buntland mushahar umahayno ee waa inay armaajo u doontaan kkkkk oop waxan ka wadaa farmaajo kkkkkkkkkk

    waa nimanka kuleh imika raba in ay khatumo soo dhaq.dhaqaajiyaan cabdi gaas waxanleeyay kani kudhaafye maraqacab yacni taa waxa udhaama iyagoo shacabkan ay dhaxantu hayso wax u qabta oo xoolaha jilaalku hayo wax u qabta si ay shacabka u hantiyaan . soo soco land of bunt

  15. C/Raxmaan says:

    Midi waa Galeydh oo waxaan dhihilahaa WAQTI hala deymiyo . Midina waa dadka rajo ka qaba wax qaybsi u dhexeeyo Waqooyi & Koonfur . Xaqiiqdii ma jiro , suurto galna ma aha wax wada qaybsi dhexmaraya Waqooyi iyo Koonfur . ( SABABAYN ) Kadib markey Koonfur u qaybsantay Shan maamulgoboleed iyo Caasimadda . Maamuladaasi waxay u diyaargaroobeen Soomaliya oo dhamaanteed noqotay maamulgoboleedyo Xamarna ay u tahay caasimaddii Federaalka . Hadaba Gobolada Waqooyi waxaa u furan laba JID midkood.

    1) Iney ka qaybgalaan maamulgoboleedyada dawlada federaalka Soomaliyaya .
    2) Iney sameeyaan dadaal dheeri ah kuna kuuleystaan iney siyaasad ahaan iyo dhul ahaanba u mideeyaan shacab-weynaha Waqooyi , deedna ay ku dhawaaqaan madax-banaanidooda , taasoo aysan jirin CID is-hortaagikarta . Waxii ka soo hara labadaas JID waa maalaayacni iyo is-jiid jiid . Waxaa jira fikir kale oo ah in la burburiyo maamulgoboleedyada oo la sameeyo federal ay ku heshiis yihiin Koonfur iyo Waqooyi . Anigu shaqsiyan waan jeclaanlahaa arrinkaas lkn waxuu u egyahay mid uu cuney EEY . Bal adinkuna soo daaya waxa idanka soo BUTAACAYA .

    ” Runtoo la wajaha waa waxtar “

  16. xaange says:

    Cali uxuu gundhada u fariistay guri duul tala gocasho gooni isu taag oodda usoo rogtay balse aan wali ka gun gaarin.
    Bawdka ayuu taagan yahay isagoon is ogayn inuu yahay gocashada gooni isu taaga een wali laga gun gaarin reerka loo tirinayo inuu kasoo jeedo.
    Bawdka ayuu foodda ku hayaa wuxuuna arkaa duul iyagu ku mashquulsan oo hilba qalanaya oo bawdka waxa taaganba aan dan iyo heelo ka lahayn.
    War odayga seedigay ah wasiir waraaba u taag ah iyo wax u kusoo tuura kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  17. C/Raxmaan says:

    FG :
    Dadka soo jawaabaya waxaan ka codsanayaa iney ka hadlaan wax ka weyn QOLATEYN = Aragtida gaaban ee qabiilkaaga .

  18. samawade says:

    C_RAXMAAN AFKAAGA CANO LAGUQABAY INADER WAAd ASIIBTAY HADALKO YAR REER WAQOOYO YAY LA MIDOBAN MA PUNTLAND MISE GALMUDUG EESHCALAA CAQLI AYAATAY wllo BAL HADA AYNU EEGNO WAXA UU *AXMED SOMALINA YADHAAHDO
    WAD MAHDSTYN

  19. samawade says:

    C_RAXMAAN ANIGU ADIGAAN KULAQABAA AMA INTAN LAHA AAD TIDHAADID ADIGAA YIDHIY

  20. khaatumo haanoolaatoo says:

    C/Raxmaan
    shan sanadood baan hadalkaad nosodhigtay jawaabtisa qorayey
    garanba maayo hedeer waxan qoro hadaan inyar isdultaago
    side wax loqaybsan kara anigu ma aaminsani wax kahooseya qaran somaaliyeed
    hadiise lagu heshiinwaayo qaran somaaliyeed waxan aaminsanahay in qabiil waliba deegaankisa dowlad u noqdo
    waa aragtidayda kkkkkkkkkkkkk

  21. khaatumo haanoolaatoo says:

    oday cali khaliif wuxu kuwaashay S/laand lawada leeyahay yaab yuumetela yaadirsaday mahaysta kalsonida shacabkiisa hadi fikirkisa laga horyimaado cid makhasbikara horgalayaashi ugahoreeyey meesha o kaadidooda u socabay fursad masiinayaan ????????
    odaygu wuxu kudhacay god aanu kafiirsan o uu uqoday oday silaanyo kkkkkkkkkkkkkkk

  22. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Hankii, Laguu Hayey, Haatan Lama Haybsheeeeeee,)
    Haleelo, Nimey Ag Hoganeyso, Hadhuubna U Haysaan)
    Hamuun, Saw Ma Qabooeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Hadimada, Nimaan Iska Hubsaan, Waa Looma Hiishee,
    Hanad, Haybad Hagoogaan, Duul Been isku Habayaa
    Ma HoddaanNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Nin Isagu, Haadaanta, Isku Hoobshey, Is Hiif Mooyeee,
    Ma Hiil Hiloow, Ayuu Haybinayaaeeeeeeeeeeeeeeeee,)

  23. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Hadadaad, Halawdey, Hilinka Buuhoodlle, Usoo
    Hoyan weydey,eee,) Hododadaad, Ii Hulaabneyd,
    Markaan, Hubsadey, Saw Hamigeygiii Hoos manoqon,)
    Hargeysa, Nin Haybad Xummoo Uga Heesayaaa,
    Aniga Yaanu isku Kay Haleyneeeeeeeeeeeeeee,)

  24. rooble says:

    cabdi xarago

    waar niyaw khadka kayarabax oo nagakaladaa waxan oo gabaya
    sidse weeye arinkaagu samuurada qolaan ku gaadayaaye ha iga buuxib
    hadii.kalena soo soco

  25. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Khaatomo HaNNooLLAATTO, Garaad gudoon S L
    Gobeed, Guuliyo Gobanimo geesinimo Galbinaayaan,
    Hanaad, Halaabey, Ninkii Haybiyaaa, Isaga Hoosiis
    Galacle, Kala HbineynNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Kuwiii Hantida kugu Hodey, Sawmey kaa Hulleeliinee,
    Aduunbaaa Hargeysa, ka Heesayeee, Hadhuub
    Laguuguma Maqnaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa,)

  26. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Saxid Aduun baaa

  27. C/Raxmaan says:

    Samawade iyo Kh/Hanootaato waad salaamantihiin.
    Samawade . Guud ahaan isku fikir ayeynu nahay , lkn markay arrintu noqoto TAFAARIIQ waan kala fikir duwanaandoonaa sidan filayo .
    Kh/ Hanoolaato : Sxb maalinba meel bay arrintu joogtaaye , bal ROGROG oo u qiilday mar kale . Haa . Aniguba waxaan doonayaa Qaran Soomasliyeed , lkn su’aasha waa : Sidee lagu helikaraa qaran Soomaaliyeed oo loo wada dhanyahay amaba laba dawladood oo deris ah . Sida ay dadka qaarkii doonayaan . Waxii u dhexeeya labadaas jid waa qabaa’illo uu cadawgu ku adeeganayo . Waxaan doorbidayaa inaan inagu gaarno go’aan ka hor inteyna cid kale noo TALIN .

  28. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Roobloow Hada Gabay maandhoow Hadaad ku
    Hafateey, Hawsarkiisiyo, Hugun kiisa ka Hanfariirtey,)
    Hareer uga Hoogo, Anigiyo Looshanee, Wada Socona,
    Yaanad, Hanbabaar, Haahaabanineeeeeeeeeeeee,)

  29. Mr BaHaL says:

    Waxaa laga yaabaa in aan mar hore idiin soo tabiyay in isqabqabsiga Somalidu yahay dhaqan soo jireen ah.

    Mansa Muusa wuxuu ahaa Boqor madax ka ahaa dawlad ka jirtay wadanka Mali.Mansa sida uu sheegay wuxu ku socday Xajka,haseyeeshee wuxuuu sii maray dalka Masar,halkaasi oo uu rabay inuu sii bariidiyo madaxdii wakhtigaaasi ee dalka Masar.Mansa Musa wuxuu sheegay in markii uuu gaadhay Masar ay joogeen waftiyo waa waayn oo ka yimid degaanada Somalida,kuwaasi oo ka koobnaa garabyo ishaya oo uu dagaal sokeeye ku dhexmaray Somaliya.Sida uu sheegay waftigu waxay ka koobnaayeen,dawladii Adal Empire iyo maamuladii hoos imanjiray oo kala firdhoobay calashaan qabiil iyo dagaal sokeeyee oo muddo dheer ka socday dhulka.
    Masar ayaa u fidisay inay dhexdhexaadiso.

    Maanta,dadka magacaantooda iyo wakhtiga uunbaa kala duwane arinku waa uun sidii uu sheegay Mansa Musa.

    Dalmida

  30. xaange says:

    C/Raxmaan
    Waan kugu raacsanahay fikirkaaga dadka qaar baa u haysta in gumaystayaashii caddaa ay soomaalida kala qaybiyeen balse anigu waxaan aaminsanahay inayba isu keeneen oo isku khasbeen 5 qaybood oo soomaaliweyn baa la sheegaaye waxaa kiri lanaa 10 dowladood oo yar yar sida imaaraadka oo mid walba qaab qabiil isu taagtey haddii la oran lahaa idinku dowlad samaysta iyadoon cidina idin soo fara gashan. Maanata sidii gumaysiga ka hor la ahaa ayay ku socotaa waayo mar hadaan qolona qolada kale wax u ogalayn danta ayaaba sidaa ka dhigaysa anigu ma sheegin hadii balo kale oo inaga xoog badan inta inoo timaado isku keen khasabta

  31. Mr BaHaL says:

    Inta aan meel kale la gaadhin waa in Somalida la waydiiya – waxa ay xaaraanta u yaqaanaan kkkkkkkkk

    Waxa ay beenta u yaqaanaan iyo waxa ay ceebta u yaqaanaan.Waxa ay runta u yaqaanaan.Waxa ay sharafta u yaqaanaan,Tiirarkan oo Aaadamaha u ah udub dhexaad lagama yaqaano dhulka Somaliyeed inta badan.

    Arintani waa mid salka ku haysa waxa Somaliya ka Jira.

    Dalmida

  32. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Waar ugaas Rooble Caleema Saarkii Madax Caashaqa
    Hargeysa ka dhicilahayd Madax weynayaal kama soo
    Qaygelin miyaaa, hadaaneyne kasoo Qaybgeliin, Yaan
    Loogu yeedhiin, Madaxweyne, Loo Fadhiyeee, kalkey
    ka Biyo Cabto, oo Loogu wanqaloooooooooooooooo,)

  33. Land of Punt says:

    Intaan danahayga ku maqnaa ayaa war i dhaafay! Kkkkk
    Dr Cali Xaqiisii Iidoorka ma siiyeen uu intaas u halgamayey.💻📞🏠🚙💃
    Sawirada kor ku qoran odaga ha la siiyo☺

  34. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Madaxweyne, Madaxweynayaal martiqaadiin,
    Inta Loo Soo Muhaddoo, Waad Mudantahay Lag
    Maamuusiin, Magacu Ma Mallaa, Ma Maankaa Xaddaay, Ma Mid Aduunyada Lagu Maaweelinayo Baa,
    Si Maal Looga Moostooo, Ma Mulki Nimaan Mudney,
    UU Maroorsaddaaaaaaaaaaaaaaaaaawwwwsssss,!?

  35. Jaamac says:

    DUNIDA MUSLIMKA WAXA MIDEEYEY BADALKII DAMEERKA SOMALIYA WAXAY SHANTII MIDOOBI KARAAN MARKA KENYA IYO ETHIOPIA ZERO GAROOBAAN

  36. Land of Punt says:

    Roble
    Odaga adeerkay ah oo eedaday qaba, waxkale kuma haysto aan ahayn, danahaaga raaco laakiin dadkaan deriska iyo ehelka intaba oo isku dirayso jooji.
    Haddi kale in Cali Orgi Idiin kiraysan yahay ayaan soo qorin!!
    War odaygan ma sixirteen?
    Mise gobanimo ayaad tusteen.
    Xagga jeebka, kkkkkk😀
    Dhulbahante ka weyn wax Dhabayaco iyo Iidoor ku murmaan ama Cali tuurta ku sito

  37. C/Raxmaan says:

    Jaamac soo dhawoow mudane . Waxaan ku sigtay inaan ku baafiyo . Waxaa mar la iigu yeeri jiray malab iyo sun wada socda . Aniga adigaan kuu aqaan inaad tahay malab iyo sun wada socda . Sxb maxuu yahay qorshahaaga BACDUL QOLATEYN = Isaaq iyo Somaliland kadib muxuu yahay qorshahaaga .

  38. Dusha says:

    Arrinta hadda taal ma xallin karto, Soomaalida hadda jirtaa. Ma hayaan daacadnimadeedii, runteedii, waddaninimadeedii, kartideedii iyo geesinimadeedii. Waxaan arkaa kaliya in lagu dadaalo inaan arrinta meesha ay joogto aan laga sii fogayn. Inaan lagu degdegin xal ka gaaridda arrimaha waaweyn ee Soomaalida imminka isku fahmi la’dahay. In awoodda la saaro arrimaha dibuheshiisiinta, isdhexgalka bulshada:sida sportiga, in la damiyo meelaha colaadaha ka jiraan. In la abuuro is aamin iyo isjacayl bulsho oo horleh. In dhaqaale lagu bixiyo lagana hortago inaan colaado dhicin sannado isxiga. In lagu dadaalo in dadka noloshiisa wax laga baddalo guud ahaan. In magaalooyinka waaweyn, dabiyada ka dhaca, sida aanooyinka qabiilka, iyo assassination ka laga hortago. In dadka hadalka xanafta leh ama si toosa colaad abuurka ugu lug leh tallaabo laga qaado. In dhaqaalaha iyo mashaariicda la geeyo oo lagu baahiyo waddankoo dhan. In loo qalab qaato in la soo xareeyo, oo La dhaqan celiyo dhallinyarada la duufsaday. War meelahaas ha loo jeesto oo shaqa dayacan baa waddankoo dhan taallee wax hallaga qabto marka hore. Yaan arrimo siyaasadeed oo arrimo bulsho oo dayacan ku xiran la isku mushquuline. Waxa saxda ah ee fudud marka hore hallaqabto. Waxaan filayaa haddii muranka madhalayskaa inta la iska daayo, waxa bulshada nafciga uleh isuna soo dhoweeynaya wax laga qabto, siyaasadda cakiran waxbaa ka furfurmi lahaa.

  39. Wiil Ciideed says:

    War waan idin salaamay soomaaliyay!

    Cali Khaliif wuxuu ku waashay somaliland loo wado dhanayahay ayaan rabnaa. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Reer xamarka ayaan ka maqli jirey nin indho beelay ayaa wuxuu ugu danbeeyay ee uu arko uu maroodi ahaa ama bakayle (hadda ma sixikaro mid kuu ahaa) marka wixii loo sheegaba bakalye/maroodi ma la egyhay ayuu dhihi jirey. Hadda Pro Galeyr wuxuu ku khafiifay Somaliland loo dhanyahay ayaan rabnaa. USA in Somaliland ka xoog iyo dhaqaale badanatahay ayuu u haystaa cajab.

    Nin Habro meel isku urursaday dowladmoodaya haddana Professor sheegan soomaali ugu imo.

    Soomaali caqli xun.

  40. C/Raxmaan says:

    Xaange asc wrwb . Sxb waa runtaa dadka soomaaliyeedna wali maysan fahmin micnaha dawladnimada . Lkn waxaad ogaataa iney dadka Soomaaliyeed yihiin ARDAY baraneysa siyaasadda , Waxaase la yaan leh iney macalimiinta siyaasaddu yihiin kuwo baraya ardeydooda wax qaldan . Taasi waxaan ka wadaa qofkastaa oo doonaya horumar iyo wanaag , amaba fahmay IFTIINKA aqoonta iyo ILBAXNIMADA waa inuu ALLE ku baryaa WEEL weyn . Tusaale haddii aad adigu XAMBAARATID Puntland , misana aad ku xuuxisid dadka kale waxaad wajaheysaa qof xambaarsan AFGOOYE . Lkn hadaad reer Puntland ku tiraahdid : War inta ay walaasheen Afgooye dhibantahay xaq uma lihin inaan nasanno , faanno , amaba aan faraxno , waxay reer Afgooye dhahayaan : Viva Galiso Garoowe . Lkn hadaad adiga is amaantid amaba aad is mahdisid , waxaad sugtaaba waa in lagu inkiro !

    Micnaha hadalkeyga si aad u fahantid , miyaad waligaa aragtay C/raxmaan oo duulinaya , amaba amaanaya qabiilkiisa ? Waay ? Sababtoo ah qabiilkeyga wax ka weyn ayaan raadinayaa , xataa Jubbaland ima qancinkarto . Sidaa darteed shaqsiga ku faananaya Puntland aniga aragtideyda waa shaqsi wax ka eegaya meel gaaban . Lkn dambiile ma aha !

    Aniga ayaa iska leh Puntland , Galmudug , Khaatumo , K/Galbeed , Gabiiley iyo meelkastaa oo ka mid ah Soomaaliya.

  41. Dabshid says:

    C/Raxmaan

    Waan kugu raacsanahey ra’ayigaada dhamaan, waxaanse kuugu darilahaa -Maamul beeleedyada Koofur waa sida Fashionkii warlords.

    Waa laga xiiso dhicidoonaa ee waqti hala siiyo,waqtigaas oo reer Waqooyina ka faa’ideysandoonaan iney isku fahmaan.

    Federaal Koofureed laga xiiso dhacey iyo Reer Waqooyi is fahmey waa tuurtogal 2020 iney wada hadlaan.

  42. C/Raxmaan says:

    Mudane Dabshid soo dhawoow . Waxaad noo sharaxdaa qaabka wax qaybsiga Koonfur iyo Waqooyi . Wadanku waa 18 Gobol Waqooyina waa shan gobol amaba boqolkiiba 27 % . Ma waxaa wax loo qaybsanayaa 50 % , mise waxay shantooda gobol u gooyaan ayey leeyihiin , taasoo ah 27?% . 12 gobol iyo 5 gobol ayeynu nahay ee sidee baa wax loo qaybsanayaa ?

    Soo dhawoow oo na deeqsii warka .

  43. Idoor Liqe says:

    Haberjeclooy muuse wakaas. Hadee Ali ordaaye waa ninkaas . 4 Sano baanu daba soconey.

    80 jir weeye taariikh xun Ka tagey

  44. Mr BaHaL says:

    Wadanku hadii aanu noqonayn mid dawlad dhxe ah,noqonayn mid koonfur iyo waqooyi ah ama mid Federal ah oo Gobolkasta leeyahay maamulkiisa waa dhamaadkii Somaliya.

    Soconmayso Federal shuruud ku xidhan oo odhanaya waa inaad haystaa 2 Gobol iyo wixii ka badan.Fikrada noocaas ah ma shaqayndoonto.

    3 arimood uunbaa shaqayndoona:Dawlad dhexe.

    Waqooyi iyo koonfur. Iyo mid Federal ah oo Reer waliba Gobolkiisa leeyahay.

    Ma dhicidoonto sheekada odhanaysa sida at imiga tahay ayaa lagu noqonayaa Federal,taasi waa dagaalka hunguriga.
    Dalmida

  45. Dusha says:

    Waxa wanaag ah reer qabsaday waa la ammaanayaa. Waxa wanaag ah maamul qabtay ama qabsaday waa la ammaanayaa. Waxa credit ka la yiraahdo oo ah wanaaga oo ciddii leh loo qiro waa ilbaxnimo iyo wanaagii oo loo hiiliyey. Waa inaan baranaa in waxa saxda cidda samaysay loo qiraa laguna ammaanaa. Taasaa keenaysa in wanaagga la muujiyo, lagu tartamo, Lana sarraysiiyo. Geesinimo iyo wadne yeelo aad wanaaga cidda leh ku siiso, farqi uma dhexeeyo, inuu walaalkaa yahay iyo inuu cid kale yahay. Wanaaga sida xumahaba qofka iyo cidda fashay baa leh.

  46. Dusha says:

    Jaahinimadii meel walba waa ina la gashay.

    Waxay maraysaa in xumaantii sarrayso oo muuqato.

    Waxay maraysaa in samihii ama wanaagii kii sameeyey uu qarsanyahay. In la sheegana aan loo quurin oo lagala bakhaylayo.

    Waxaa soo baxay waddan dhan oo wax “credit” ama wanaag lagu aqoonsado qofkiisa uusanba ka jirin ama macna ka lahayn.

    Dee maxaa soo baxay? Waddan dhan oo wixii wanaagsanaa aan lagu dhiiranayn oo lagu tartamayn. Waayo bulsho iyo dhaqan wanaaga dhiirigelinaya amaba abaal marinaya maba jiro. Waxayba u badan tahay wanaagii aad samaysay abaal iyo dheef aad ka hesho waa meesheedii, in dhib iyo eed kaa soo gaarto.

    Halkaas baa la marayaa. Dhibta in laga baxana waa la rabaa. Dhibtoo laga baxaa waxay rabtaa, dad dhiirada oo wanaag sameeya, iyo dhaqan deeqsi ah oo wanaaga abaalmariya.

  47. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Beeldaajaha yiri; “Waxaa jira fikir kale oo ah in la burburiyo maamulgoboleedyada oo la sameeyo federal ay ku heshiis yihiin Koonfur iyo Waqooyi.”
    ♧♧♧Horta adeer Samawade, hurdo & heesihi AUNTE M/med Moogaa ila tegee WAXAAN guud ahaan qaba inta kor ku qoran oon ku darsado
    in Maamul laga guuray oo waxa wada hadla ay yihii; Somaliland + Khaatumo State oo mida = reer Nord & Dawladda Somalia. Intaa waa hordhacaygi, INTAAN gadaal ugu noqona Waxay akhyaarta kale qoreen. WBT

  48. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    KAF, LOP ma gabadha ina adeerkaa ah Ayyad rabta inaad hurdada u diido. AKHYAAREY WAAN SOO SOCDA. WBT.

  49. Dabshid says:

    C/Raxmaan

    Waligood Reer Waqooyi kuma doodin iney rabaan 50/50, laakiin waxey ku doodaan in madaxweyne iyo Kuxigeen wax loo qeybsado, ama Rasalwasaare iyoadaxweyne.
    ( Wasiiro dood kama qabaan sidey noqon)

    Tusaale:

    Haddii la doorto madaxweyne reer Waqooyi ah waa inuu soo magacaabo Rasalwasaare reer Koofur ah.

    Sidoo kale iney maamushaan Canshuurta deegaanka,( sida aniga iyo adiguba u aaminsanahey in shacabku isku filneysiiyaan canshuurta deegaanka).

    Iney doortaan GOVERNORka NORTH REGION, Sidaan aniga iyo adiguba u aaminsanahey inaan doorano DUQ MAGAALADEENA.

    In ciidamada laga dhigo kuwo aan Qabiil gooniya u shaqeyn, si aysan u dhicin wixii dhacey 1988.

    Arimo sidaas ku saabsan waaye arimaha ka guuxahayo Waqooyi iyo Koofur wax haloo qeybsado.

    Kaftan”” 18 gobol mise 8 gobol ( boqolkii badaneysay iga dheh).

  50. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Beeldaaje C/Raxmaan baa yiri.
    “Micnaha hadalkeyga si aad u fahantid , miyaad waligaa aragtay C/raxmaan oo duulinaya , amaba amaanaya qabiilkiisa ? Waay ? Sababtoo ah qabiilkeyga wax ka weyn ayaan raadinayaa , xataa Jubbaland ima qancinkarto . Sidaa darteed shaqsiga ku faananaya Puntland aniga aragtideyda waa shaqsi wax ka eegaya meel gaaban . Lkn dambiile ma aha !
    Aniga ayaa iska leh Puntland , Galmudug , Khaatumo , K/Galbeed , Gabiiley iyo meelkastaa oo ka mid ah Soomaaliya.
    @Beeldaajuhu Wuxuu Waa hore yiri;
    HAWIYOW, DAAROOD LÀAANTI MAXAA TAHAY?.
    DAAROODOW, HAWIYE LÀAANTI MAXAA TAHAY?.
    ■Wiil Hiraab & Laalays, inaysan garan wuxuu aaminsanyahe Beeldaaje C/Raxmaane waan hubaaye ee adigu LOP ma garatay?. WBT

  51. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    War AAAWAY Cadaado ?. Waxaan la yaabanahay sidaan, Dabshid, Garqaad, Shaxda & qaar kalo badan oo reer Koofura aan isku aragti uga nahay mustaqbalka siyaasadeed ee reer Waqooyi Guud Ahaan. WBT

  52. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Dabshid wuxuu yiri;
    C/Raxmaan
    Waligood Reer Waqooyi kuma doodin iney rabaan 50/50, laakiin waxey ku doodaan in madaxweyne iyo Kuxigeen wax loo qeybsado, ama Rasalwasaare iyoadaxweyne.
    ( Wasiiro dood kama qabaan sidey noqon)
    Tusaale:
    Haddii la doorto madaxweyne reer Waqooyi ah waa inuu soo magacaabo Rasalwasaare reer Koofur ah Sidoo kale iney maamushaan Canshuurta deegaanka,( sida aniga iyo adiguba u aaminsanahey in shacabku isku filneysiiyaan canshuurta deegaanka).
    Iney doortaan GOVERNORka NORTH REGION, Sidaan aniga iyo adiguba u aaminsanahey inaan doorano DUQ MAGAALADEENA.
    In ciidamada laga dhigo kuwo aan Qabiil gooniya u shaqeyn, si aysan u dhicin wixii dhacey 1988.
    Arimo sidaas ku saabsan waaye arimaha ka guuxahayo Waqooyi iyo Koofur wax haloo qeybsado.
    Kaftan”” 18 gobol mise 8 gobol ( boqolkii badaneysay iga dheh).
    ♧♧♧SAX oo liqay aragtida Dabshid, isugu kay mid 18&8 INKASTO ay 8dedu Midaynta Ummadda & Dhaqaalaba igula fiicanta. WBT

  53. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Adeer salaan sare,

    Waa iney reer Koofur aqbalaan arinkasto oo lagu soo celinkaro midnimada Somaliweyn.

  54. Garqaad says:

    Asc dhamaan aqyaarta sharafta leh

    Waxaan si gooni ah u salamayaa ( macalin c/raxmaan oo soo bandhigay wax badan oo xaqiiq ah

    Raali ahaado waan soo daahay waxaan ku mashquulay howl aduun

    Malaha meesha waa laga hoyday laakiin hadal la dhihi lahaa maharin

    Maskaxdeenu wexey u baahan tahay doodaha nocaan oo kale ah

    Arimaha woqooyi iyo koofur waa sheeko dheer oo u baahan tusaleyn iyo waaya aragnimo dheer

    Laakiin anigu waxaan aaminsanahay
    Inta koofur tahay 5 maamul gobaleed × dowlada dhexe in aysan reer woqooyi waxba nala qeybsan karin ama aan waxba lagu heshiin karin

    Hadii larabo heshiis dhex maro koofur iyo woqooyi waa in la helaa koofur oo mid ah

    C/ raxmaan mahadsanid macalin waxaan rejeynayaa in aan adiga kugu daysano oo aad noo noqotid tusaale

    Somaliya somalibaa leh

    • khaatumo haanoolaatoo says:

      Garqaad
      bacda salaan maamul goboleedada qaarba dowlada kadawayn wayna adagtahay si meesha logasaaro somaaliduna waxay ku heshiisay midaamka federaalka ah mmaamul goboleedada sidooda halodaayo kuwo kalena haladhiso si cidwaliba xaqeeda u hesho lkn halaxoojiyo dowlada dhexe hana lasameeyo nidaam u dhexeeya dowlada iyo maamul goboleedada lana cadeeyo midaliba wuxu umada somaaliyeed u qaabil sanyahay
      hadii konfur noqotay maamul goboleedo dee waa khasab in woqooyina noqondono maamul goboleedo si cadaalad lohelo cidwaliba hamaal gashato gobolkeeda o hadhisato waa aragtidayda WBT

  55. Dabshid says:

    Garqaad

    Ku soo dhawoow dooda Koofur iyo Waqooyi.

  56. drwsh. says:

    wkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk (kkkkkkk (kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk cali khalif waa beenawaas weliba tuug ah somalindna waxmatari karo somalia daaba ee beeshaan isaaq oo dalay siday u lehayeen citiraafoow ayuu kaga yare qoslinayaa

  57. Garqaad says:

    Dabshid salaan sare eboow

    Sxb dooda woqooyi iyo koofur inyarbaan kor ku xusay

    Hadalka intabadan adiga dhameeyay

    Reer woqooyigu iyagaa xurnimada naga hor qaatay iyagaa kadanbeeyay in ay midoobeen koofur iyo woqooyi

    Berigaas qaladbaa dhacay waayoo koofur iyagaa isku qaatay madaxweyne iyo raysulwasaare taasina qaladbeey ahayd aragtideyda

    Xumaantii berigaas gashay reer woqooyiga wataas ilaa heerkaan soo gaartay

    Hadana meeshii meel kasii xun ayey mareysaa reer koofur waa 6 dowladood
    Reer woqooyi waxaa galay hami ah in ay go.aan oo ay noqdaan dal gooni ah

    Hadaba anigu waxaan qabaa horta koofur halla mideeyo oo hal meel haleyskugu keeno. Markaa kadib reer woqooyi halla raadiyo sifiican hallo wada hadlo

    Markaa waxaa soo baxaayo

    * in dib loo midoobo iyadoo aysan dhaceyn qaladaadkii haruu dhacay oo wax laysku ogyahay meel laga dhigto

    * in lakala boxo oo laysu ag dego si walaalnimo ah oo wax kasto lagu kala boxo

    Dabshid
    Anigu adigaan kula qabaa in la maro wado walbo oo lagu helaa somaliweyn wax walbana looga tana sulo helitaanka somaliweyn

  58. Mr BaHaL says:

    Jamhuuriyadii Somaliya waxay ka dhalatay israacii Waqooyi iyo koonfur,Israacaasi wuu guuldaraystay Jamhuuriyadii Somaliyana waxay ku dhimatay gacanta madaxda Somaliyeed oo markasta ka soo jeeday Koonfurta Somaliya.Midnimo dambe oo lagu dhaqaaqaana waxay ka bilaamidoontaa halkii hore ee koonfur iyo Waqooyi.Qaabka wax loo wada yeelanayo waa la gaadhi karaa hadii ta hore laysla fahmo,waxayse u badan tahay in aanay Siyaasiyiinta koonfurto diyaar u ahayn oo ay wadaan dagaalkii hunguriga ee ay ku burburriyeen qarankii Somaliyeed.Waxaan sidaa u leehay waxayba u badanyihiin kuwo la macaasha wadamo kale oo aanay uba muuqan qaranimo Somaliyeed.

    Dadmida

  59. khaatumo haanoolaatoo says:

    @Garqaad
    haqaadan Mr Dabshid fikirkiisa waayo waa daalin qabyaaladayste ah wuxu jecelyahay in laduudsiyo dad miisaan kuleh gobolada woqooyi iyo somaaliya o dhan sxb gobolada woqooyi wuu gaadhaya nidaamka maamul goboleedka ah hadeeraba lawada o shirka socdaa xamar kkkkkkkk waxa so’abaabushay hooyadi fadaraalka o ka horleexatay maamul goboleedka reer khaatumo kkkkkkkk anaguna aadbaanu u sodhowaynayna
    Dabshidna waxaan oran lahaa yuu shuban kugu dhicin gobolada woqooyi waa lajarjaraya sida konfur lo jarjaraye kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk khayrbaan idiindhaafay macasalaama astaabta

  60. Garqaad says:

    Mr bahal

    Sxb hadaad reer woqooyi tihiin midnimada indinkaa keenay hadana waxaan umaleynayaa in ay idinka idin sugeyso

    Koofur waxaad uga cararteen wey ka muuqataa waan qaadaneynaa qaladkeena

    Bal idinkuna baahasha hoos u dhiga annaguna waxaan isku dayeynaa in aan soo afjarno dagaalka hunguriga

    Dad iyo dalmida

    @ khaatumo

    Garaad caawa sheekadu wey ka weyn tahay qabiil wexey mareysaa koofur iyo woqooyi

    Anigu kalama jecli reer woqooyi

  61. samawade says:

    WAAD DADALAYSAAN LAKIIN WAX WALBA OO DANTIINU KU JIRTO KA AQBALA REER WAQOOYI MAAMUL GOBELEEDYADAN FARABADANNA BABIIYA SABABTO AH INTA AY FIRIDHSANTAY KOONFURI MA SOO SOCDO ODAYGII REER WAQOOYI
    AXMED SOMALI IYO C_RAXMAAN
    KUNOQDA ARINKA OO SHIRA MARLABAD
    BULSHADA KALSHAALE IYADANA WACYI GALIYAA OO TACAB AYNU GALINOO
    WAAD MAHADSNTIN

  62. rooble says:

    kalshaale.com meeday xafladii caleemasaarka madaxwayna cusub ee somaliland wbt

  63. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Samawade adeer, baabuurka waxaa wada Beeldaaje C/Raxmaan, annagune kaaliye-yaal.
    ●jaalleyaal, waxay igula qummantahay, Bal marka hore inaan kala saarno UDUB-DHEXAADYADA & XUMBADA miithaalo;
    1.Dastuurku waa ku meel-gaar oo weli XALAAL ma aha. Marka cuskashadiisu wey-na marin habaabin.
    2.Maamul Goboleedyadu sida ay hadda yihiin WAA INAAN la Qiimayn Sababta ah iyyadoy Qabiilo dhisteen ayyay isu haystaan DAWLADO ka madax bannaan Dawladda Dhexe. MARKA waa lama huraan in maqaamkoodi lagu soo celiyo oo ah inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha hoos tagaan kana amar qaataan.
    ♡Jaalleyaal, haddaan rabno inaan Dadkeenna & Dalkeenna wax u tarno waa inaan annagu Marka hore jihada wadaagna. WBT

  64. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Garqaad, adeer Dawladdi ugu horreysay 1960ki WAXAA Madaxweyne ka noqday AUN Aaden Cabdulle Cuthmaan wasiirki KOOWAADNA AUN Maxamed Ibraahim Cigaal. Shaqadi igu horreysay xafiiskiisan ka billaabay anoo ardaya. WBT.

  65. samawade says:

    samawade

    Qolomaatay warya anagaad donaysaa in aad xadhka laydha noo.soo.raacdo adeer intan idoor ee meesha joogta waa ii diwangashantay buuga aad gashide sheeg qolodaada warya

  66. Abdi Ismail says:

    ahmed Somali aan ku saxee 1960 markii lays raacay muu noqon M X Ibrahin cigaal raysal wasaare ee waxuu noqday 1968 markii Abdirashid madaxwetnaha loo doortay

  67. Abdi Ismail says:

    67 sixid

  68. Garqaad says:

    Axmed Somali

    Adeer maxaa kaa qaldan ma waxaad hilmaanta dowlada aad sheegtay in aad lasoo sheqeysay

    Cabdirizaaq xaaji xuseen iyo cabdirishiid cali sharmarke ayaa lasoo wada sheqeeyay dowladi madaxweyne aadan cabddul cusmaan aadan cadde

    Maxasuusto labadaas midka kow soo noqday wasiirka kobaad laakiin

    Waa kuwii muduloodkii ku shirbeen

    Marna rishiid marna rizaaq inta kale marootiyaa

    Abdi ismail mahadsanid sxb




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Deeq Lacageed Oo Sh Cabdilaahi Cawed Gaadh Siiyey Dhibane 15 Sanadood Xanuun Ujiifay
- Jan 20, 2018
Widhwidh(Kalshaale) Maxamed Cabdilaahi Fayax Waa Wiil Somaliyeed Kuna Xanuunsanaya Mudo 15 Sanadood Kabadan Baadiyaha Maxamed ...
Daawo Video:Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Hadlay Doorashooyinka Barlamanka Jabuuti iyo Arrimo kale
- Jan 20, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Waraysi uu Bixiyey Waxaa uu Kaga ...
Madaxweyne Farmaajo oo Caadado dib ugu laabanaya iyo Qorshiiisa (Warbixin)
- Jan 20, 2018
Cadaado (Kalshaale) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ...
Howlgal dagaal isku rogay oo Ciidamo Mareykan ah ay ka qayb galeen oo ka dhacay Gobolka Jubbada hoose
- Jan 20, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Wararka naga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ...
Daawo:Ururka Dhalinyarada Buuhoodle oo Olole Nadaafadeed iyo Wacyi galin ka Bilaabay Buuhoodle Sawiro
- Jan 20, 2018
Buuhoodle (Kalshaale) Ururka Dhalinyarada Gobolka Cayn oo Dhowaan Koox Dhalinyaro ah ay Hindiseen ayaa ...

Featured Video