Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale

Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyada Internetka oo ay dowlada Itoobiya kasoo iibsatay shirkad laga leeyahay Israel oo ka ganacsata barnaamijyada dadka, shirkadaha iyo dowladaha lagu basaaso.

Barnaamijkan ayaa la sheegay in dowlada Itoobiya ay kasoo gadatay shirkada CyberBit Solutions Ltd ee laga leeyahay Israel kana mid ah shirkadaha qandaraaska ka heysta militariga Israel. Waxaana barnaamijkan oo la yiraaho [PC Surveillance System (PSS)] loo adeegsadaa in lala socdo dhaq dhaqaaqa iyo xogta ku jira computerada in badan oo kamid ah shacabka iyo qurbo joogta itoobiya.

Dowlada itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan u adeegsato basaasida shirkado iyo dowlado kale, waxaana warbixintan lagu soo bandhigay cadeynamaha dalalka ay Itoobiya weerarka dhanka internetka ku qaaday sanadkii lasoo dhaafay 2016 illaa iyo sanadkan aanu ku jirno.

Qurbo joogta shacabka Oromada ayaa la sheegay inay ugu badan yihiin dadka sida gaarka ah ay u basaasaan sirdoonka Itoobiya oo doonaya inay ogaadaan dhaq dhaqaaqa iyo xogta internetka isku dhaafsadaan dadka ay u arkaan mucaaridka dowlada iyo waliba suxufiyiinta madaxa banaan.

Israel ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jirtay inay Qaarada Afrika ku yeelato ganacsi xoogleh oo dhanka tiknolijiyada ah iyadoo barnaamijyoo badan oo wax lagu basaaso ka gaday dalal badan.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Kenya xiligii caleemo saarka Madaxweynaha dalkaasi ee Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii uu kasoo jeediyey Nairobi ku sheegay inay doonayaan in dalalka Afrika ka caawiyaan dhinaca tiknolijiyada iyo waliba la dagaalanka argagaxisada sida Daachis, Al Shabaab iyo Boko Xaram.

Shirkadaha Israel ayaa loolan xoogan kula jiray Shirkadaha laga leeyahay Yurub oo iyagu horey u heystay suuqyada Afrika ee dhanka qandaraasyada militairga iyo tiknolijiyada.

Halkan ka akhriso Warbixinta Barnaamijka Itoobiyada u adeegsato basaasida dhanka internetka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Ali Zubeer says:

    Xabashidu weligeed ka gudbi mayso , dib jirnimo, badownimo iyo caqli gumaysi nijaaseed iwm.

    Xogta ka qarsoon maanta dadka diidan maxay tahay. Dalka gudihiisa ayaa laysku jafayaa waxa qarsoon muxuu yahay?

    Ma OLF Oromia iyo ONLF ayaa hadalkooda qarsoon yahay?

    Yahuudda waxay weligeed suuq ka heshaa nacas African ah oo aanan garanayn hab raaca ticknoolojiyada iwm.

    Haddii ay odhan lahaayeen saldhig millitari ayaannu siinnay dadku wax bay odhan lahaayeen laakiin nacas madow oo wax meedhiyo keliya garanaya ayaa soo qadaad wayn meesha.

    viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors
    Down Amhara lovers




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Faransiiska oo meel-mariyay Shuruuc adag oo dhanka dadka soogalootiga ah
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya ...
Musharixiinta gudoonka baarlamaanka iyo Wakhtiga ay isdiiwaan gelinayaan
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale)  Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan ...
MUUQAAL: RW. Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay Sanad ku gaadhay meel Caalamku uu ka yaabay oo laga filaynin
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha ...
Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay (Daawo)
- Apr 22, 2018
Nairobi (Kalshaale) Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku ...
Mo Faarax oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka London (Daawo)
- Apr 22, 2018
London (Kalshaale) Orodyahaynka matala dalka Britain Mo Farah ayaa Marathon-ka London ka dhacaya ka ...

Featured Video