MUUQAAL: Madaxwaynaha Khaatumo iyo Telefshinka Horn Cable Maxaa kala Qabsaday Iyo Su’aalaha la Hordhigay ?

Laascaanod  (Kalshaale) Madaxwaynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Mudooyinka ku sugnaa magaalada Hargeisa ayaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya wuxuu Siiyeyey Telefishinka Horn Cable.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horayn wuxuu ka hadlay Kulamo uu la yeeshay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wuxuuna ka hadlay inay doorashadu si wanaagsan u dhacday.

waxaa wax laga waydiiyey Heshiiska dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland, iyo  Awood Qaybsi uu dhowaan ka sheegay BBC-da, Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Dastuurka dib loo Furo, Wuxuuna hada  sheegay inaanu Rabin wax Rabitaan Siyaasadeed ah.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay  Qorshe uu sheegay inuu wado Madaxwaynaha Puntland C.wali Gaas, Kaasi oo lagu dhisayo maamul Cusub oo Khaatumo ah, Wuxuuna sheegay inaysan uga baahnayn Arintaasi, Isagoo uga digay Faragelinta deegaanka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (22)

  1. Hayaan says:

    Horgal waa habaar qabe hooyadiina uma naxo:
    Caliyooy cimrigaagii ceeb baad ku sagootiday, mana meteshid Khaatumo State of Soomaaliya, waxaad tahay u shaqeeye SNM.

    ((Inkastoo dubuhu nagaga dhacay diilintaa adhaxda, noqonmayne doobile iyo nimay duduucdaane:
    Nin badweyn dabaashoow aduunbaa iskagadaali))

  2. Ali Zubeer says:

    Waar odaygan maxaa fadhiisiiyay gogol laga kala tagay.

    Waar wuxu hunguri xumaa oo xishoon darraa

    Miyuusan dhagaysan warka Salabeen Gaal oo ahaa raggii ka qayb galay boobkii lagu sameeyay doorashadii Cirro.

    Khaatumo state of Somalia macnaheeda taariikheed iyo halka ay u taagan Soomaalida maanta waxaa garan kara ciddii danaysa hana qaadka qaranka adhax u jabiyeen nacabka dhaba dhilifka Soomaaliyeed.

    Viva Soomaaliyeed
    Down all Somali traitors

  3. Hayaan says:

    A Zubeyr:
    Asc:

    Waxaa ilaahay laga baryaa in uu khhatumada Kheyr noogu khatimo, intuu orday oo orday oo socday ayuu aakhirkii isu dhiibay Jamhad ((SNM)) oo 26 sano tiih iyo baryo aduunka kula wareegaysay oo soo quusatay oo lagu yiri adeer hadaad xoogaa masruufa aad rabtaan waan idinka caawinaynaa wax kale hanawaydiinina,ayuu ku leeyahay awood Qaybsi!! Adeer awooda ay hayaan maxay tahay??

    4 habrood oo iyakiiba isboobaya oo aan waxba isu ogolayn oo ay ugu dambaysay doorasha kusheegii ugu dambeeyey oo ay iyakiiba kala shirayaan ayuu ku leeyahay Awood qaybsi?!!

    Duf kubax Cali Khalif.

  4. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Cimri Caraabey, Cududiyo Duudba ka Ciirrey,)
    Cashiiraad, Coleysiin, Cadaw La Ciirsaddoo,)
    Intaad, Cududa kula Ciiri Lahayd, Weysada Adoo
    Cabeysataa, Cibaadeysi, wacad Eebe kuu wacnaaneyd_Lahaydee eeeeeeeeeeeeeeeee,)

  5. Ali Zubeer says:

    Hayaan

    Ishaad ka ridday. Waa duni caloosha ka raran. Ninka Iidoor oo khiyaana qaran dhex dabbaalanaya oo sugahaya rag sidii Daraawishta yidhaa waar dalkan Somali baa leh buu daba siqleeynayaa.

    Xitaa il sax ah kuma akhrin karo siyaasadda Soomaaliya.

    Waxaan la yaabanahay sababta uu reer Khaatumo State u sira hayay muddada intaa la eg

    Waar ka tashada oo si dhab ah u caydhiya odaygan asqoobay.

    Viva Soomaaliwayn

  6. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Curraad Cidaamku kala carareen, Kuwii Curadadiisa,
    Ciida Hoosmariyey, Ciirsadey, Cajaab, Xaajadaan,
    Ciinka Cantuugteyeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeerr,)
    Curadka Ali Ah Hadey Taladu ka Viirtey, Caqli Celiin,
    Caawimaad, Buu idiinka cabanayaaeeeeeeeeeeeee,
    Cay Caydhiin, Curadka Ciirrey, Yaan Lagu CilaajeynNee

  7. Hayaan says:

    Ilaa iyo shir kii Taleex ee Khaatumo Cali Khaliif rag baan ka celin jiray oo Oran jiray ninkani SNM ayuu basaas u yahay iyo war ma ahee aan sugno show waxbaa loo nuuriyey.

    Cali halbaan leeyahay.
    SNM na halbaan leeyahay.

    Caliyoow khiyaanada SSC waa mid kuugu suntan Taariikhda madow ee aad ku xaradhay magacaaga wac aad yeeli kartid iyo cid aan SNM ka iibin kartidba heli maysid ee dhuumo.

    SNM, waxaan idin leeyahay SSC Ingiriis caro ayay ka diideen in uu Gumaysto ama rarto halkii idinku aad tuurta ku qaadi jirteen, sidee jamhad yar aan uga yeeli? Waa habeenkii xalay ahaa oo tegay.

    AMA Cali Khalif u yeedhay ama Garaad Camarada soo taaga waad ku khasaarteene sidaa ogaada.

    Viva S/weyn

  8. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEEKUM

    ODAY Fashilmay. Muu masaajidkiisa iska galo oo caruurtiisa iska dhex fariisto.

    OODAY 80 jir ah oo malafsi bartay. Lacagtii Mashruuraca Mareereey ma ka dhamaatay????.

    Koleey, mar aan maqlay in uu shirkado wax ku leeyahay.

    SUBXAANALLAAH

  9. sOmalilander says:

    *Gacanta Aadan Gooyn Karin*
    *Waalaa Dhunkadaa*

    Maahmaah Kaloo English Ahina Waxay Lahayd.

    *If You Can’t Beat*
    *Join Them*

    GAH.GAH.GAH.GAH.

  10. Hayaan says:

    S/lander:
    Xishood gacan lagoyn kariwaayey meesha kuma hayside baryo iyo khayaano uun baad wax kuwadey weligaa hal mar ayaad istiri xoog isticmaal waadna ku fashilantay waa markii aad Kalshaale soo weerartay iyana jab ayaa kaa raacay aawey marka gacanta aad sheegaysaa?

    Mise cishoon maysidoo wac walba waad ku hadaaqaysaa.

  11. sOmalilander says:

    Hayaan..

    LIBAANTOOOY, LADNAATOOY, LIBDHI MAYSID LAASCAANODEEY!

    Ninka xishoon lahaa waa adiga oo calankii IDOORKA dhulkaagi ka wada babanaayo.

    GARAB ADHI NA SIISTAY!

    😆😆😆

  12. khaatumo haanoolaatoo says:

    Galaydh horgale dayuus

  13. amaal says:

    Asc walee ninkan Maliti ladoortay madaxweyne Nin adag buahay hadal u yiri malintas Baan xasuusta @ Waxu dhahay Waxaa nalayiri matashan kartaan waanu tashanay maamul madhisan kartaan waanu dhisanay

  14. sOmalilander says:

    Amaal

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  15. Mr BaHaL says:

    Sida dhaqanka u ah Somalida.,sida ku cad 2000 oo sano ee inna dhaafay,isbadalka qabiilka ee Somalidu xawli ayu ku socday.Waxaa sobob u ahaa dagaalada u dhexeyay Abasiniya iyo Somalida.

    Isbadalkan socdaa wuxuu keeni doonaan ama meesha ka saaridoonaa,Magac yada,Dhuloos,Warsan gari,Samaroon iyo wixii ka siiyar.Rumayso ama ha rumasan.
    Waxaa kob caya magaca Isaaq.Ama waxaa burburidoona magaca Isaaq oo u kala bixidoona qabiilooyin yaryar oo u dhigma kuwa yaryar ee degan Somaliland.Labadaa arin ayaa ku soo foole dadka degan dhulkaasi loo yaqaan Somaliland

    Kala yaaca dhuloos wuu sii badan doonaa oo isma taagayo,Waxa kaliya oo joojinkara Isaaqa oo dad ahaan kala guura.
    Iyo waxa loogu yeedho Somaliland oo meesha ka baxa.

    Puntland sidaa oo kale ayaa ka dhicidoonta,oo waxaa halis ku jira baaba’a,Mareexaan,Leylykase wixii ka siiyar.Qabiilka aan lahayn Maamul goboleed,waxaa liqidoona kuwa yeeshay maamulada lagu shaqaysto.

    Isbalkan,waxaa meesha ka saari kara dagaalo kale oo dhaca,laakiin hadii aanay dhicin dagaalo kale,waxaa dhacaya 100ka sano ee soo socda isbal xoogan xagga qabiilada Somalida.

    Dalmida

  16. Land of Punt says:

    Yaab!
    Weli ma Puntland ayuu ku awr kacsanayaa? Cali Injir!
    Hadaan nahay beelaha dega Puntland AFKIISA URAYA HA NAGALA BAXO, DOOFARKA EYGA AH.
    Kuye Puntland ayaa wada dhisme Khatumo cusub! Waa beentiis! uu geeljirta ku wareeriyo si qadiyadiisa goosashada iyo mushaarkiisa Siilaanyo u qoray ugu socdo!
    Wax Dhulbahante dhisan ayaga, anaga uma dhisi karno, wax dhisteen oo ku midaysan yihiin cidna kama hor imaan karto, taas qof walbana oo aqli leh waa ogtahay!

  17. Land of Punt says:

    Mr Bahal kkkkkkkkkkkkkk
    Agoontii Kacaanka ku daysay! kkkkkkk
    Waa la liqin oo sheegan qabiilada xooga weyn……….kkkk
    Sow adiga Samaroon ma sheegan jirin?
    ma Isaaq ayaad sheegan 100 sano soo socota!
    kkkkkkkkkkk
    Waxaa tahay riwaayad socota!
    Cabaad.com

  18. Mr BaHaL says:

    Land of
    Aduunka waxaa uGu daran dad ay noloshoodu been ku dhisan tahay,dad run u haysta wax khulafaad ah oo aan jirin.

    Aadaa u haysta inaad u dhalatay Daarood ama Majeerteenkkkkkkkkkkkk

    Shalay Gabooye ayaad ahayd.waxaad noqotay Warro Masheente,waxaad noqotay Reer Saleebaan.Saleebaanka aad sheegataa waa King of Hiraab Tribes.Halkaa ayaad KU DHaaftay Gabooyenimadii.

    Maantana HARTI ayaad tahaykkkkkkkkkkkkkkk

    Madax ca,uuda gali.

    Dalmida

  19. samawade says:

    Asc dhaman

  20. C/Raxmaan says:

    Waaba Axmed Somali oo careysan / xanaaqsan . – –C/raxmaan : War mudane Axmed maxaa kugu dhacay ?
    –Axmed Somali : War ninyahoow ninkii Galeydh ahaa ayaa waxuu ka qaybgalay tartanka legdinta siyaasadda .
    –C/raxmaan : Haye .
    –Axmed Somali . Kadib Galeydh sidan ka filayey waxuu legday labadii nin ee kula tartamayey legdin siyaasadeedka .
    –C/raxmaan . Haye .
    –Axmed Somali . Lkn nasiibdarro garsoorihii legdinta ayaa waxuu xukumay in Galeydh laga guuleystay !
    –C/raxmaan . Waayo / Sabab ?
    –Axmed Somali . Garsooruhu waxuu yiri : Galeydh waxuu isticmaalay QIDAD aan sharci aheyn !
    –C/raxmaan . Oo maxay aheyd QIDADAAS ?
    –Axmed Somali . Waxaa lagu eedeeyey Galeydh intuu u tartamayey KHAATUMO , misane uu sitay dhar iyo gacmo-gashi ay ku qorantahay SNM , UCID DEPARTMENT. Sidaas ayaana loo inkiray guushiisi !
    –C/raxmaan . Oo maxuu usoo gashanwaayey dhar iyo gacmo-gashi ay ku qorantahay SSC , Boocamo DEPARTMENT ?
    –Axmed Somali . La taga kama horeysoo ?
    –C/raxmaan . Ma Gaas baa u diiday ?
    –Axmed Somali . Maya , lkn reer Boocame waxay ballanqaadeen iney ugu yeeraan mudane GaleyR ” R ” !
    –C/raxmaan . Oo ma ” R ” ogweed buu mudanahu u noqday Hoggaamiye dibad-joog ah ?
    –Axmed Somali . War la’aan , waliba xaggaa iyo Boorama ayuu u sii sikanayaa !
    –C/raxmaan . Calaashaan SAYLICI ? K.k.k.k.k.
    –Axmed Somali . GaleyR aqoon !
    –C/raxmaan . Hee . Waa sidee ?
    –Axmed Somali . Dastuurkii Somaliland buu Galeydh ka rifayaa BAALASHA !
    –C/raxmaan . Oo maxuu ku badalayaa .
    –Axmed Somali . Waxaan filayaa inuu qodabka koowaad ka dhigidoono = Warhooy annaku yeelimeyno .
    ————————- Sheekada ma dhamaan ———
    ——- Raaligelin Axmed Somali oon ku been abuurtay .

  21. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Jaalle Beeldaje C/Raxmaan; “Raaligelin Axmed Somali oon ku been abuurtay”. Mudane marna ha shakin INAAN u cama tuuro Eray aa tiri ama qortay awgi, sababta oo ah Mar waxaan kuu haysta Shaqsi garasho FOG leh oo kala garankara waxa laga hadla & sida looga hadla. Tan kale oo ka weyn waa INAAD WAALIDKAY TAHAY inkastoysan taasi i dabrayn. Hadda & nasasho yar waxaan 2jeer dib ugu noqon qoraalkaagiye. WBT

     

  22. C/Raxmaan says:

    Axmed Somali mahadsanid mudane . Aniguba kalsooni aan kugu qaba ayaa heerkaas i gaarsiisay . Waxaan ka helay heeskaagii ahaa .
    – Xiddigeyii aasnaa
    – Ururuhuu ku biiroo
    – Soo celi iftiinkii
    – Ili qabatay weeye .
    Waaw dhadhan macaan bay leedahay . Markaad 27 jirka tahay waxaad qortid caadi ma aha k.k.k.k.
    ——
    Maxaa igu xeyndaabay qabiil , anigoo helikara S/weyn ” Suldaan A/S”




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video